Xagee maraysaa arintii in Soomaalidu baasaboorka ku qaadato 5 sano?

Sida aad la socotaan dhowr jeer oo hore ayaan soo qornay in uu socday mooshin uu diyaariyay xildhibaanka Soomaliga ah ee Mubarik Abdirahman ee ka tirsan degmada Malmö, isagoo mooshinkaas markii noogu dambaysay ay ansixiyeen goloha xisbiga Socialdemokraterna (S) ee gobolka Skåne isla markaana balanqaadku ahaa in la horgayn doono kala-fadhiga weyn ee xisbiga S oo isbuucii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Västerås.

Hadaba maanta ayaan Mubarik la xiriiray si aan wax uga ogaado halka ay xaaladu marayso. Mubarik ayaa sheegay in nasiib daro ay maamulka xisbigu go’aamiyeen in mowduuc loo sameeyo kala-fadhiga oo xiligan ay xooga saarayaan mowduuca la xiriira shaqada. Sidaa darteed ayay go’aan ku gaareen in aysan fiirin mooshinada ku saabsan mowduucyada kale. Arintaas ayaa keentay in dib u dhaco mooshinkaas oo ugu horeyn loo soo bandhigi doono kala-fadhiga labaad ee dhici doona sanaka 2017.

Mubarik ayaan waydiiyay haddii ay jidho waddo kale oo mooshinka lagu socod siin karo, isagoo ii sheegay in uu filayo in loo bandhigo kooxda baarlamaanka ugu jidha xisbiga Socialdemokraterna (S) kuwaasoo baarintaan ku samayn doona arinta. haddii ay taasi dhacdo ayay noqonaysaa waddo kale oo mooshinka lagu hor-gayn karo baarlamaanka balse xitaa haddii baarlamaanka la horgeeyo ayaysan dowlada haysan aqlabiyad ku filan.

Hadaba sida ay ku dambayn doonto arintaan ayaan wada-sugaynaa, inagoo la socon doona haddii wax ay ka soo cusboonadaan.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

48 Responses

  1. Ayaanle says:

    wa niyadjab ween in 2017 lo dibdhige lakin wad mahadsantihin jimcale iyo xildhibanada waqtiga uhure danta somalida sweden tack

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  2. Suad Osman says:

    Asc, ,Bro waa arin aad u wanaagsan ,Alaa na gaarsiiyo 2017,Kheer Alha ka dhigo.Salaama

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. 2 laba sano says:

    walaalayaa ya wax aqbaar ah nooga haayo dadki lagu xujeenaayay labada sano waa mahadsantihin walal wixi warbixin haayo hanagu caawiyaan walaal
    mahadsanidin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Yusuf says:

    Sxb 2 sano aniga wax akhbaar ma haayo. Ilaa 8 bil weli handlager leema sameeyn sug unbee igu haayaan. Adiga xagee wax ku maraayaan iyo asxaabta kale.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. malmö says:

    2017 anaba qadanayo mid aan moshin kuxirneyn kkkkkkkk kkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  6. Yusuf says:

    Mr. Malmö insha allah ku darhee bahasha.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. laayla shiine says:

    dadkii labada sano walafuuray ee laakin waxa adkatay hadana markad qadato ogalashaha safatada aya kugu adkaynaysa basaaboorka aniga hada waxaan suugaya 2 biil iyo badhn wayaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. salma says:

    asc ma lahubaa in lafuray dadki labada sano, anaga wali waa nalagu dhaganyahee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. hooyo somaliyad says:

    haa wa huubal in lafuuray labo sano ee waxad xiisabsata marki aad xaraysay in laga joogo 16 biilod kadib ogalasho ayad heelaysa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Yusuf says:

    Laakiin maxkamada dad ee diiday ayaan arkay. Xagee wax ka qaldanyihiin. Sabaabtana waa ma wada noleen 2 sano.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. ducaysane says:

    yey i direeen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. ducaysane says:

    sxb yaal aniga dhiigiigi intay iga qaadeen oo adaa dhalay 99.99% yidhaahdeen hadana diimo yey isiiyeey maxkamada sarae way ii direen ee cid sidaa ku dhacday ma jirtaaaaa . somalinadaa soo cadeeyey yey dhaahdeen passpaor somali ma ogolo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Kamaal says:

    Asc yusuf bro waa jirtaa saa sheegeyso aniga ayay igu dhacday oo ilaa hadda i heysataa Somalinimadaada soo cadaa aniga wax walbo marnay lakin bro waxaa arrinkaas keeno waa kala hadal ay ku arkeen interyuuga mana umalenaayo inay wax kale keeneyso waa shaki ay arkeen un lakin ilaah qabnaa aniga ilaa markay iso diiday maxkamada sare wax kale ma qaban oo kiiskeega waa xermay marka waa arkaynaa hala sabro insha allah kheyr ku dhamanee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Kamaal says:

    Sorry duceysane magaca

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. hooyo somaliyad says:

    kaalin miidna kudarsada xariirka labada qof ee caruurta isku dhalay wa in aay xariirkodo fiicanyahay waayo dad badan oo xariirkodo waacna aya heelay ogalasho

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. kamaal says:

    Hoooyo somaliyeed walashis waa wax dhici karo lakin wax naga xirir fiican inay jiraan ma u malenaayo haddi ay jiraana waa dhiif iyo naadir xitaa kommunka aan deganahay iyo vådcentral xaafadadeena iyo dags ilmaha ayaa xaqiijiyay inaan nahay reer aaad iyo aad iskugu baahan oo xitaa ay noo sameyeen cadeen, lakin wax walbo xagg alle ayay ka dhiman yihiin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  17. ducaysane says:

    kamaal sxb aad yaad u mahadsan tahay lk sow ku ma soo sheegeen hadii ay ku arkaan kala hadal interfiyuugaaga oo ku may cadeeyeen aniga kalaiya somalidaa soo cadee iyo 2 sano somaaliya iskuma qabneen yeey dhaheen . aad yaad u mahansantahay sxb kamal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. ducaysane says:

    xataaa kumay qancin ADN oo cadayey in aad abohood ahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. daadir says:

    ASC WALAALAHA FIKIRKA IS DHAAFSANAYA MAHADSANADIIN ANIGA MIGRTIONKA SANADKII HORE I DIIDAY HADAN MAXKAMADA GÖTENBORG YAA I DIIDAY HADANA MAXKAMADA SARE AYAA I DIIDAY KIISKII WAA IFA XIDHAMAY HADAAN DACWAD CUSUB XAREEYEY INSHA ALAAH JAWAAB KHAYR LAAN SUGAYAA LAAKIIN WAXAN MAQLAY CULASYKII HADA WAA YARAADAY HADAN MARWALBA INTERVUTGA AYEY FIIRIYAAN MIDA KALE WEBSITEKA WAXAY KU QOREEN 4BILOOD INLA SUGAYO HADAN MARKAAD WAYDIISO WAXAY KU DHAHAYAAN WAA ISKA SADAAL LAAKIIN KIISWALBA INTA LA BAADHAYO AYUU KU XIDHAN YAHAY ILAAHAY INTA KALA MAQAN HA ISKU KEENO CULAYSKA IYO XANUUNKA NINKII LAGA MAQAN YAHAY UUN BAA DAREEMAYA EE WIXII WARA SOO QORA DADKA WARAYSTA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. kamaal says:

    duceysane bro DNA waa naga qadeen 99.99% waxeyna cadeen inaan ahay ilmaha aabahood lakin kuma ay qancin bro waxey igu soo qoreen waraaqaha cadayna somalinimada iyo inan somalia wax saas u badan aan kuwada noleyn waa xalahaas inta ay igu heystaan lakin hada waxaa is leyahay haddaa dawco kale xareeso soo sidii un soo madhahayaan marka waxaa la jogaa isla yurub dhaxdeeda waxaa ku fikirayaa inaan isoo dhiibo waa haddi ay wax is badalayaan maxaa yelay dacwada inay waqtigeeda igu dheeraado ayaan ka baqayaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Musbaax says:

    Dhamaan asxaabta aadbaad u Mahadsantihiin’ dhamaan asxaabta kalena waxaan ka Codsanayaa in aynu halkan Ku kala war qaadano’ Aniga waxaa ii Xaraysan Dacwada Mudo 10 Biloodana way iga maqantahay walin dhiigii kamay qaadin wiilkayga waxayna leeyihiin marka lala Hadlo Haanleegarbaa loo samaynayaa’ markaas Tallow ma jiraan Cid ila Mida.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. hooyo somaliyad says:

    kamaal aboowe soxaree miid cuusub waayo aniga xiita kun jeer ayan qatay didmo makaxmada sare iyo tii hoosaba magareeshiina warkiisaba daa kadib ayan soxareeyay markan wacayna waxay igu yirahdan naga warsug ilaa 16bilid kadib waraq aya ii tiimi dhiig kale ah waayo hore ayan dhiig u maaray laakin kii hore wa ka kaac ayay igu dhahan wana ku guulaystay oo ogalasho ayan qatay aniga iyo gabar kale oon isku marxaraaynay idiinkana waxan idiin rajeeynaya kheeyr dhamantiin insha allah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. umu amiin says:

    asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. umu amiin says:

    hooyo somaliyed mashalah wa wax lagu farxo waxan kuweydiye markad dhiga martay meqo ayad sugeyse tedakale mawaxad kaxareysay websedka mase safarada anaga halsano ayu noxareysanyahay walina interfiyu iyo dhig ma marin markan wacno waxey leyihin 18bil suga o waxan kuxareynay safarada .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  25. hooyo somaliyad says:

    umu abaayo markii ninkayga dgiiha somaray to afrika waxan suugay 14biil kadib aniga wacay oo weeydiyay maxaad ii haysan waxay igu dheehan suug ilaa 16 biil markii aan marayo 14 biilod ayay dhiig örbro igugu yeeran kadib waxan suugay 3 biil laakin gabadhii iga dabeeysay ee iyadana ku jiirtay dadka labada sano waxa ay kamaqnayd wax ayr biil kiiliya wana heshay ogalasho anigana siido kale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  26. ali says:

    Hooyo somaliyad . Adiga ninkaada sweden dhaxdiisa maad ku guursatay mase adaa utakay soo guursatay mase markaad is dhiibeysay ayaad sheekatay walal adigoo mahadsan isoo jawaab

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  27. marti-soor beel-daajiye says:

    sc asxaabey anigna sidoo kale ayaan ahay 12bil ka hor ayaan xareeyay wax war ah kama helin wali

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  28. hooyo somaliyad says:

    walalo aniga waxaan imi anigo xasa oo uur leh kadibna wan u tagay 3 jeer oo kun jeer ayan didmo qatay oo waxan keeskii u horeyay xareeyay 2010ki bishii koowad hada 2015ki bishii sadaxad ayan heelay ogalasho marki lafuuray labada sano waayo og aanka labada sano waxa uu sobaxay biishii siiddadad 2014kii inta ayan idiinku caawiinkara

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  29. Musbaax says:

    Hooyo Somaliyeed walaal ma Noo sheegi Kartaa Gabadha isku Marka nili ogolaada’ Ma gadaal ayay kasoo Guursatay Mise Shore’ adigu se iminsa Bilood ayaad sheegatay in ayaaad sheegatay in aad Hore isu qabteen’ Mahadsanid Walaal .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  30. hooyo somaliyad says:

    walalo wax faahan soow aniga ku leh waxan ku jiirnay aniga iyo gabadhaba dadka labada sano hore ayayna isku qabeen ninka uurna waaylahat markii aay imanaysay sweden waxayna isqabaan ninka wax kayar sanad anigana siido kale wax kayar sanad iyo bar waxan isqabnay sanad iyo baar

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  31. 2sano says:

    Hooyo soomaliyeed walala miggartionklee ku ogolaadat örebro miyaaa adoo raali ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  32. somali says:

    intiina ma idinku jiraa ruux markuu diidmada qaatay kadib loyar qabsaday

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  33. ducaysane says:

    akhyaartaaa aad yaad u mahadsantiin wax isku sheega..lk sual yaan qabaa..Ma is tidhaahdeen waxaa la diidan yahay dadka isku guursada yurub dhexdeedaaa?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  34. Yusuf says:

    Duceysane maxaa sidaa u dhahday? Ma dad badan loogu didaa aragtay arinta dadka yurub ku wada nool. Aniga waxaa arkay laba wiil reerkooda giriiga ka joogaan loo diiday balsi ma eeysaan dhihin yurub awgeed ayaa le idinku diiday.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  35. ducaysane says:

    yusuf sxb sidaa uma cadaynayaan lk waxay kuleeyihiin hadii aad somaliya isku soo qabilahedeen waaa la ogal yahay lk sweden hadaad isku guursataan waa yraa adagtahay… markaas macnaheega waa sideee amaa aad u qaadan kartaaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  36. HANAD says:

    Hooyo Somaliyeed walaal waan ku Fahmay hada, laakiin horeba hadaad isu qabteen waa aad ka duwantihiin kuwa Guurka Cusub ah deetana ilmo igu dhashay Sweden.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  37. Musbaax says:

    Hooyo somaliyeed walaal hadaan Ku Fahmay Mahadsanid’ walaal waxaan ku waydiin laahaa miyaad aragtay dad Guur Cusuba oo Gadaal iska soo Guursadeen oo Sharciga helay’ dhamaan Cidi argtay ama. War ka haysa xaalada dadka Gadaal iska soo Guuraaday waxaan ka Codaanayaa in aad nala wadaagtaan Mahadsanidiin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  38. 2 laba sano says:

    sc wr ilaaha mahad leh shalay ayay iiso dhacday jawab ogolaaansho ah waxaa xarestay dacwada 2014-febuary inta laga jogana wa qiyaasi kartaan xaaskega ano qaba imid lkn carur iima joogin xiligaas 2013-ka owlaad alle nawada siyay DNA ayaa nalaga qaaday bishi mars 2015 adinkana ilaahay kurbada ha idin kaqaado insh llh walal si dhib yar kuhela inaa lamidowdaan reerihina insh llh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  39. daadir says:

    2sano walaal guul walala doo raali ah migrationka ku ogolaaday noo sheeg iyo inta jeer diidmo heshay mise waaba markii koobaad aniga jawaab baan migrationka ka sugayaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  40. 2 laba sano says:

    waxaa daganahay Göteborg waxaa kamAray DNA iyo waraysi norrköping ayagaana iso ogoladay migrationsverket wa mRki koowad aan xareesto walaal diidmo mahelin qalbigaaga qeer usheeg waa helesa insh llh tacaala walaal daadir

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  41. HANAD says:

    Laba sano waad Mahadsantahay sidaad Informationka noola wadaagtay alle hakuu barakeeyo onogolaashaha aad heshay anakana hanoosoo Fududeeyo, insha allah qof kastoo macluumaad ku saabsan 2 sano hayo walaalihiin la wadaaga oo soo Post Gareeya si looga faaiidaysto halka xaal marayana loo ogaado wabilaahi Tawfiiq.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  42. Ali says:

    2laba sano sxb nörköping miyee kaaga waceen. Balsi dadka goteborge degan örebro ayee uugu wici jireen. Ma iis bedel baa yimid .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  43. ducaysane says:

    sxb ma jiraan dad sweden dhexdeeda isku guursaday oo sharci loo ogolaaday…. mise waxaa run ah dad ka yurub isku qabaaa la ogolaan nin wali

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  44. Walayte says:

    Fadlan yaan lala Bakhaylin wixii akhbaara aan wadaagno. Mahadsanidiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  45. umu amiin says:

    walal duceysane ha niyad jabin wey jiraan dad swedan dhaxdeda iskagursaday oo midkod sharci heysan lona ogoladay wey buxaan waxana kamid ah asxabteyda lkin waxey heystan ilmo oo meshan ugu dhashay waxana lasiye sharci 3sano ah hadane wa logu daray marka ilahey waxan kabaryaa qofwalbo waxey jeceshahay in uu siyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  46. ducaysane says:

    umu amiin walaalo aad yaad u mahadsantahay aniga xataa ciyaal baa igu dhashay sweden xataaa DNA way iga qaadeen lk way igu xidheen somaalinimaday soo cadee somalia isku maynu soo qabin yey yi dhaaheen .. asxaabtaada miyaa la gu xudha suashaa walaao umu amiin adoo ralii ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  47. umu amiin says:

    walal duceysane asxabteyda lama weydiin somalinimadoda kaliya in ay ilmo heystaa lkin waxa laga yabaa in ay tahay kolba qofka kugu so aado ilaah haku fududeyo walala inshalah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  48. Ayub says:

    Asc walalayl waxan rabaa inad arin iga jahil bixisaan suasha dadka laga keeno xeroyika qooxotiga o ay Sweden ay so codsato o UNHCR keeento pasaborka waayn ma 5sno ayeey ku qadaanayan mise sidaa daaadka isaso dibo ayey 8sano ku qaaatan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0