Xanaano lagu haysto in ay caruurta u dhigeen diinta Islaamka

9

Xanaanada lagu magacaabo Bilaal ee ku taala magaalada Gävle ayaa lagu haystaa sababta ay caruurta ugu dhigeen diinta Islaamka. Sida ay qortay idaacada Sweden waaxda waxbarashada ee magaalada Gävle ayaa baaritaan ku samaysay shaqada xanaanada, iyagoo sheegay in shaqada xanaanada aysan ahayn mid wanaagsan.

Waxyaabaha lagu haysto xanaanada Bilaal oo ay dhigtaan caruur Muslimiin ah, ayaa waxaa ka mid ah waxbarashada lagu daray diinta Islaamka. Waxay kale oo sheegeen in darbiyada xanaanada ay ku dheganyihiin calaamado diini ah sida waqtiyada salaadaha, magaca nabiga (nnkh) iyo sida loo tukado. Taasi ayay Waaxda barashada ee Gävle ku tilmaameen mid ka soo horjeeda sharciga oo aan ogolayn in diinta lagu dhigo xanaanooyinka. Waxay intaasi ku dareen in xanaanada Bilaal aysan caruurta u dhigin dimoqraadiyada.

Sidoo kale waxaa lagu qabsaday in aysan cadayn cida maamulaha ka ah xanaanada iyo in shaqaalaha qaarkood ay caruurta u cagajugleeyeen. Xanaanada Bilaal ayaa laga dalbaday in kama dambays 30 May ay jawaab ka bixiyaan eedeymaha loo soo jeediyay. Ma ahan markii ugu horeysay ee la eedeeyo xanaanooyinka ay leeyihiin Muslimiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here