Xarun lagu daaweeyo cudurka TB oo 50 sano ka dib laga furayo Sweden

6

Xaafada Angered ee magaalada Göteborg ayaa waxaa laga furayaa xaruntii ugu horeysay ee lagu daaweeyo cudurka TB-da. Xaruntaan ayaa noqonaysa mida keliya ee si qaas ah ugu taqasustay la dagaalanka cudurka TB. Sweden ayaan mudo 50 sano ah uusan ka jirin cudurkaan balse sanadihii dambe ayaa la sheegay in ay soo kordheen bukaanada qaba TB.

Cudurka TB oo horay looga ciribtiray Sweden ayaa hada waxa uu ka soo galay isku socodka dadka. Bukaanada sanadkasta qaada cudurka TB-da ayaa lagu qiyaasaa 600 qof. Xarunta ayaa noqon doonta mid furan 5 maalmood isbuucii , oo sidoo kale ku booqan doonta bukaanada gurigooda.

Xarunta cudurka TB-da ayaa ka tirsananaan doonto hospitaalka Angereds sjukhus.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here