Xarun caafimaad oo lagu dhaqan celiyo dadka qaadku dilooday oo laga furay xaafada Kista ee waqooyiga Stockholm

10

Dalkaan Sweden oo qaadka looga aqoonsanyahay daroogo sharci daro ah ayaa markii koowaad waxaa laga furay xarun lagu dhaqan toosiyo dadka sida ba’an qaadka u cunah.  Xaruntaan ayaa waxaa laga furay xaafada Kista oo aan ka dheerayn xaafada soomaalidu ku badantahay ee Rinkeby oo ah halka qaad loogu cunista badanyahay magaalada Stockholm.

” Ruugista qaadku soomaaliya waxay ka tahay wax caadi ah, sida ay caadiga u tahay  in la cabo koob kafee  ah ama galaas khamri  ah marka la joogo Sweden,”  sidaas waxaa ku tirih joornaalka caafimaadka ka faaloodah ee Vårdguiden, haweeney madax ka ah qeybta daaweynta dadka daroogada qabatimay oo magaceeda la yiraahdo Gun Adnell.  Ayada oo hadalkeedii sii wadatah ayey Gun Adnell  waxay intaasi ku dartaya in qofku markii uu yimaado Sweden oo uu la kulmo dhaqan kiisii hore ka duwan,kuna adkaato in uu shaqo helo luuqadiina uu fahmi waayo ay aad u fududahay in uu daroogada la qabsado.

Yakoub Aw Aden Abdi  oo ah dhakhtar daaweeyah cudurada maskaxda ku dhacah ayaa isla joornaalka Vårdguiden u sheegay in haween badan oo  uu la kulmay ay u sheegeen in nimankii qabay ay kala tageen ka gadaal markii ragaas qaad cunkoodii uu gaaray heer xad-dhaaf ah.

Sweden qaadku waa ka mamnuuc laakiin waxa uu ku soo galaah si aan sharci ahayn oo dhuumaalaysi ah, sanadii 2010 waxaa Sweden lagu qabtay ilaa 14 tan oo qaad ah.

Qaadka oo aan inta badan  dadka soomaliyeed  u aqoon saneyn in uu daroogo yahay ayaa galaafatay nolosha iyo mustaqbalka qoysas badan oo soomaaliyeed ilaa hadana ma muuqato calaamado muujinayah xal u helista dhibaatada uu qaadku ku hayo bulshada Soomaaliyeed.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here