Xarun lagu qaabilo ragga la kufsaday oo laga furay Stockholm

Xarun lagu qaabilo ragga la kufsaday oo ah xaruntii ugu horeysay ee nuuceeda ah oo laga furo guud ahaan aduunka ayaa isbuucaan waxaa laga furay magaalada Stockholm. Xarunta cusub ayaa laga furay hospitaalka Södersjukhuset iyadoo lagu tilmaamay mid lagu xaqiijinayo daryeelka ragga la kufsaday.

Hospitaalka Södersjukhuset  ayaa hada waxaa ku taala xarun lagu qaabilo dumarka la kufsaday, iyadoo hadda raggu ay qaabilaad heli doonaan la mid ah dumarka. Kufsiga loo geysto ragga ayaa ka dhaca Sweden iyadoo sanadkii tagay 370 kiis oo ku saabsan ragg la kufsaday booliska loo gudbiyay.

Sababta loo furay xaruntaan ayaa waxaa ka mid ah in raggu markii kufsi loo geysto ay dareemayaan ceeb oo aysan taggin goobaha caafimaadka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

27 Responses

  1. sabjoog-siyaaro joog says:

    reer 2sano warka isiiya rag ba lakufsada sheegte dhulgariir la kaalay warka isiiya asxaabteyda reer 2 sano

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 5

  2. Dharbaxo says:

    Asc dhamaan sällan kadib sxb jimcale waxan kushegaa anaga dad somali ah o muslim ayaa nahay o kuxiran wabsafkaagan fadlan nagadaa wax yabahan han sogalinin mesha somaliska wax. Kuxiran waa somali kaliya inta taqano luqada somaliga marka somaliska masogalayan dad ajanib ah marka nin yahow xishoo oo ala kabaaq wamaxay råg lakufsadey o no shegeysid anaga iyo mela lofurey subxanalah waxaa shekto maa waysey

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 12 Thumb down 8

  3. Abdi says:

    Sxb waxan maxaa xigmad ah oo ku jirtaa ma war aad soo galiso ayaad weyday fadlan dhaqankeena ma aha wax wax laga faaidayana ma aha ee umada somaliyeed usoo gali wax faaido u leh

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 5

  4. fuaad says:

    Khaniis lakufsaday oo khaniiskale kufsaday ayaa inoo soo gudbisay ee wax macno leh o muhiim soo qor.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 2

  5. filis says:

    waa runti jimcale wayo weey jiraan dabcan nin somali oo la kufsadey wayo wadamada carabta iyo saxaraha iyo tahriibka iyo meelo kale la mid ah ayey so mareen laga yaaba ineey jiiraan oo taasna ehen ineey raaben in la kufsado.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 10

  6. luul says:

    asc
    walaala yaal waa wax dhagaha u daran oo qalbiga dhibsanayo marka la maqlo nin la kufsaday lkin waxan ku dhex noolnahay mushtamac ama bulsho kala duwan ex diin iyo dhaqan kala duwan heysta marka waa fiican tahay in aan wax walba oo wadankan gudahiisa ka dhaco ognahay wayo waxan leenahay dad soomaali ah oo nolosha ka dhacsan weyna ku dhici kartaa xataa qof caadi ah ayey ku dhici kartaa sidaas darteed jimcaale waa ku saxsan yahay i uu soo qoro ee uu dadkiisa ugu turjumo afkooda hooyo ee ey garanayaan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 2

  7. MASSAGO says:

    SUBXANAAKA YAACADIIM AY JOOGTAA.
    JIMCALE SXBOOW RAG LAKUFSADAY SHEEG SHEEGIDOODA XATAA WAA WAX LAGA XISHOODO ADNA INA AQRISAY AAD SOO TURJUNTAY WAQTIGAAS WAXAAD KU SO GALI KARTAA MAQAAL KALE OO XIISA LEH WAXNA BULSHADA U TARAAYO, FADLAN RAALIGALIN KABIXI MAQAALKAAN TOOG DAMBANA HASOO GALIN,, WAXA KU XIRAN BAYJKA WAA SOMALI DHAQAN UMA LIHIN RAG LAXOOGAY IYO WELIBA DUMAR LAXOOGAY SAQAJAAN WA JIRI KARAA LKN BULSHADA WAXA FIICAN LOO SAADAALIYAAA,,,,HADAAD NEWS U BAAHANTAHAY SHAQAALA QORO KUUSOO ARUURSHO WARARKA XIGMADA LEH ASC

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  8. sahra says:

    Kkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  9. Khalid says:

    Ninkan Jimcaale LA leeyahay waa Bilaa Xikmad’ Waar madhax yahow Maqaalada aad Soo qorayso waxaa u kala dhexeeya Bil iyo wax ka badan’ yadoo sidaas Maqaaladaadu u liitaan ayaad Hadana war aan Micno Bulshada u samaynayn aad U keenaysaa’ Kolay malaha Gaaladaad Xidhiidh LA leedahag oo mushahar aad webkan kaga qaadataa’ ileen waxay Ku yidhaahdaan bulshada Somalida ah u Gudbi uunbaad soo Gudbisaa markaa waanu Ku fahamsanahay in Webkaaga Swedishku Fun gareeyaane ha ULA iman waxaasoo kale Bulshada Muslimka ah.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  10. Samsam says:

    Jimcaale wax fiican aad sogalisay halkaasna kaga hay walal mac luumaad kaasta oo wadanka kusoo kordhay noockastuu ahaado soo gaali anaa kugu raacsan oo webka kuxiran, sogalinta xarunta cusubna uarka faaido waayo qof xoog lagu faraxumayay hadan arko oo awood looshegtay xaqisina uu maqan yahay xaruntas an utilmaamin kufsina loo wada siman rag iyo dumar.tankale midban oran dadka caqligoodu uumesha dheer gaarsanen oo oo ed iyo aflagado usooo jedinaya jimcaale, nacas yad tahin waxyalaha laga xishodo mataqanan iyo diin iyo dhaqan midna kufsi waxuu kuiman wiilkaga walalka saxibka iyo qofkasta qofka wax kufsaday na waxaw oran kara wan heshinay marka maxaa samen kartaa? kaliah waa in mesha cadayn katimada qofka lakufsadayna xaquuqdisa helaa, marka dadka leh qanis hanooshegin iyo waxan dhaqan ahayn,jaahilinyahaw kalabarta farqiga udhaxeya qanis nimadu iyo kufsig a.qaniisnimo waa joos qofku dortay lakin kufsi waa awood loo shegtay qof oo waxuu rabin lagu sameyay marka aqoon la i ceeb maha lakin jaahil nimo indho adeeg iyo aflagado wadata aa ceeb ah.

    KU socota jimcaale walale bra gjort dadkana dhag ha udhigin xarunkasta iyo wax kasta oo wadanka kusoo kordha soogali xaqiiqadana cidna hakaga xishon
    Halkaas iyo halkawayn ba wankaga fadhina go forward

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 3

  11. Hassan adde says:

    hhhhhhhhhh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. suldaan says:

    Asc all aqyaarta intaas kadib waxaan la yabanahay anigu gabdha tageersan war kaan xumaanta badan oo ilahay kacaraysiinaya iyo ninka lacagta ku raadsanaya faxishada xitaa diinta waa ku qalad wax xun in aad dadka ku dhex faa fisid. walale irsaqada meel fican karaadso iyo news wacan insha allah nabigu csw wuxuu dhahay umadaydo waxay uga fican yihiin umadihii hore khayrka ayey is faraan xumaantana way iska reebaan. ( ina laaha laa yuqayiro maa biqoomin xataa yuqayiro maa bi anfusihim ) waa ayad qur aan ah ilahay qoom mabadalo ilaa ay naftooda isku badalaan. arinkaana waa qoomo luud oo kale ilana wuu hala jiyey koomkaas

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

    • Samsam says:

      Sudan shekada kuma saabsana qoomu luuud iyo faxshi diintana anagaba wan naqana faxshina mahan ee waxay dadka la dul miyo meel lagu xanaaaneyo oo lagu baaro si qofkii dhibka geestay haday KU cadato xabsi umaro. Arintaa dul miga ah ee kufsiga ahina qofkastay kudhici kartaa dhulkaan an jognana dul migiisu waw badan yahay marka meel cafimad oo lagu dabiibo dadka ladulmiyay oo lakufsaday marnaba dhibma aha diintuna dabiib way shegtay walal marka maclumad kasta oo wadanka kusoo kordho laiskama hor istaago si qaldana yaan loo fasiran diinta.

      U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  13. dhuubane says:

    samsam walal adiga oo raaali ah waxaad isku sheegeysaa in aad adigu tahay qof aqoon leh qof aqoon leh ama wax fahansan sida aad u hadlee uma hadlo dadka ha caayin oo ha oran jaahiliin ayaaad tihiin adiga hadii aad fegredaas qabto qof ayaaa mid taaa ka duwan qabi karah ama si kale wax u arki karah marka hadalkaagu ha ahaado xikmad ama hadal dadku wax ka faaiidi karaaan laakin sidii qof careysan ha u hadlin hadalkaagu hadalkii qabiilka lagu difaacayey ayow u egyahay marka jaahiliin iyo waxa nuucaas ah in aad dadkii oo dhan tiraa ceeb weeyaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  14. roodo says:

    subxaanlaaah ilaahy wxaas hanooga badbaadsho wiilsha simaliyed waa wax aan layaby nin la kufsady waaa aakhirusamn walaahi dumarkaa laguu ogaa kufsasheee iyo in la xogo lakiin waligy ma arag ma maqal ceebtaan oo kale ilaahy baa intii xun laga magan galaaa

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  15. roodo says:

    subxaanlaaah ilaahy wxaas hanooga badbaadsho wiilsha somaliyed waa wax aan layaby nin la kufsady waaa aakhirusamn walaahi dumarkaa laguu ogaa kufsasheee iyo in la xogo lakiin waligy ma arag ma maqal ceebtaan oo kale ilaahy baa intii xun laga magan galaaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  16. Khalid says:

    Samsam malaha Gabadh ma Tihid oo magaca kuu saaran ayaad gabadh ka Tahay ama gabadh xishoodku ka lumaad Tahay’ adeer wax kaloo badan oo laga hadlaa jira oo bulshada LA hor keeno’ shuqulkana waa Shuqul gaalo oo Waxay u furteen in ay dadka ogaysiiyaan in Ragana LA Kufsan karo waana sheeko LA faafinayo oo Gaalo horumar u aragto’ ninkan Webka kusoo qorayna Xoogaa Kharashaadaa u gaysay’ Kawaran haduu bari ka Maalin kuusoo dhigo wax diintaada iyo iimaankaaga wax u dhimaya oo bulshadeena Muslimka ah dhaawacaysa’ maanta Mawduucan oo wax alaala iyo wax inaga Khuseeyaa jirin ayaan qaarkeen sidan ugu doodayaan barina qaarbaa diinteena ka doodaya’ Xumaantana looma yeedho ninkan webka iska lehna hunguri ayaa ka Cararay maahee muu waayin Warar Tayo leh oo anshaxa diinteenu leedahay Ku qotoma soo Gudbiyo’ Kinisado xadhiga laga jarayna waa laagaa Sugayaa markaas dadka intooda wax magaratada ah aad Caqliga ka xadide.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  17. Kkkkkk says:

    soomaliya weey jiri jirtay rag ariga iyo doorada kufsadaan kkkkkkkk

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  18. luul says:

    wlhi qofka kkk u saran ma ogi in uu gabar yahay ama wiil lkin warkiisa waa sax mar xoogaa sii lahayd ayaa waxa guriga noo joogay ri taasoo caanaheeda an shaaxa ku cadeysan jirney habeen habeenada ka mid ah ayaa nin cabsan xerada ugu galay oo kufsaday ridii waa lagu kacay shanqarteedii oo ninkii la qabtay markaas ayaa la weydiiyey waxa ku kalifay in uu xoolaha isticmaalo markaasuu ku jawaabay naagaha waxan uga baqay in ey eydhis qabaan kkkkkkkk

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  19. samsam says:

    Khalid walal gabdh wanahay xishoodkuna igama lumin lakin laga yabeee adiga aan malaha qibradadu gaarsiisna wax yaalo badan oo aduunka kadhaca marka walal mid ogaw inaad jogto dhul diin iyo dhaqan kaga ka gadisan inaad jogto waxyaalo badan oo noocasah na kadhacan,waxan amin sanahay inaytahay arintasi arin qofkasta kudhici karta adi kugu dhici karta walal wa arin awood shegasho dadbadan loogu geesan karo marka sharka alla looga subxanalaysta inuu kaa ilaaliyo sharkaas lakin ha oran nin raga laguma samen karo waydhacday waydhacdaa lakin ilaha haka qabto anaga awladeena iyo dhaman islamka melkastay jogan,,marka jooji dinta aad kuso yara hosnoqotay walal wankula naqana oo kuxad gudbi maayo likn ogaw inay dhacdo tusale yar uqaado cunug yar oo somaliah oo tensta miya mise rinkeby school ku yala qof personalka kamidah ku faraxumeyay oo somalidu banan bax kusamaysay marka dhibku waa jiraa marka dadka dhibkaa loogeestay xarun lagu xanaaneyo oo lagu daaweeyo inay wadanka kusoo birtay waa arin fican diintuna tacaal iyo dabiib midna madiidin ee aflagada dadka qar ku hayan wiilka webka leh halaga daayo aan oran laha waayo maclumad kasta oo wadanka kusoo kordha wanu ubahanahay ,,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  20. luul says:

    asc
    walaashey samsam waa kula qaba fikradaas

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  21. warsame says:

    waxaan la yaabanahay dadka gabadha samsam ah iyo jimcaale ku heesta moowduuca meesha ku qoran waxaad si qaldan u fahanteen diinta islaamka war meesha waxa ku qoran bal si fiican u aqriya waa isbitaal umada lagu daweeyo wadanka uu ku yaalo ma ahan wadan muslin ee waa wadan gaalo dadka loogu talo galay waa dadka wadanka ku nool ee ma ahan dad laga soo qaadi rabo soomaaliya mida kale ereygu ma ahan rag isu tagay aqtiyaarkood waa ruux loo awood sheegtay wax ku cusubna ma ahan wadamada galbeedka xataa waxaa dhacday in ay baadariyaal kufsadeen caruur sidaa daraadeed baahida wadankooda ka jirta hadey keentay iney xaruntaan furtaan ma ahan in adiga mise mid kale lagu casuumay mida jimcaale webkiisa waxaa ku xiran umad badan haduu soo dhigo mooduuc qasab mahan in uu adiga ku qanciyo aqriso haduu ku anfaco hadii kalena isba daa webkoo dhan hadaad u aragto in uu diintaada wax u dhimayo ama sharafkaada waxaa laga yaabaa dadkale iney jiraan oo sidaa si ka duwan u arka aflagaadaduna ma wanaagsana wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  22. Issa says:

    Asc asxaabta salan kadib adiga waxaad kahadlaysaan dad lakufsadaye iyo bili aadane anigoo Muslim ah boqol kiiba boqol ayaa hadana wadankena waxaa kadacda in bahaayinka lakufsado sida xoolaha qaar kamida marka aniga fakar ahaan tayda dadkan hormar aygaareen ayaan u arkaa iyo waxcuso uso kordhay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  23. runka hadal says:

    Nin aan dhul marin dhaayo maleh isma arke ilaan nabef waxa raga oo maalinwalba maxkamad kufsi taagan amaiyagu ha dhalaan ama ilaankale hadaleene miyaadan arag soomaaliyana way jireene waan waan la ogyen dawlad baacsatana majirin marka waxaan dhihi lahaa walaala yaal hubka dhiga igaarkaagana ilaasho ilahaa wax ilaashee naag swidhish ah ayaa hada ka hor iweydiisey aaway beybigii aad dhashay. Waxaan iri aabihiis aan uga imi waxay tiri aniga afar caruura ayaan ku dhalay safaariy ilaa ay ka bexeen duksi sare noloshayda qof kuma aaminin aabe hooyo walaal ayey igu tiri waxay dhahday hadaan bas raaco waa la raacaa haday hurdaana waa la hurdaa haday cayaarayaana aktoodaan fariistaa sidaasay igu tiri markaan iri waayo waxay dhahday hadaa wadankaan joogto waa in idhahaagu furan yihiin kawaran xaajiyo xishoodbadaneey khayr insha allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Warsame Adaa kuwadto hadal qoraleedkee arinti dooda badan dhalisay e xarunta cusub wadaad ayaa la wadyiiyay astakiin maxalaalaa ­ mase xaaraan markaas aw ku jawaabay waxaw yahaybo sheg sheegidiisa aya kadaran.waxan ula jeda dhaqamada kala gadisan e an ugu nimid wadamada rer galbedka maqaal iyo muuqaalo laguma so koobi karo long history waaye,Jimcale ajir alaha siye wa saxafi sida aw shegay lkn saxafada laftirkeda aya u bahan xad iyo xuduudeeyn iyo turubka in labaandheeyo. shabkada somalisk waxa kuxirana wa uun somali e duul kale u fili maayo inaw so galo.waxa wadanka kadhacayo inaw no shegona xaqbow u leyahay lkn Tusaale ahan maalinti hal news hadaw so galsho halkuna aw naqdo waxan bulshada macno u laheyn inaw waqti galsho wax kale oo uga haboon aya jiro siday ilatahay.sidi tan ugu danbeeyso oon doodeeda heeyno iyo kuwi kahoreeyo qaarkood. Qof islam ah xumaanahaas o kale iyo wax u dhaw kuma dhaqmaayo saqajaan allaha naga korsho, any way shaqa wanaagsan somalisk.com iyo dadka kutixan waxan ku salamaa salanta islaamka ASALAMU ALAIKUM WARAHMATULAHI WABARAKATIHI

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  25. Cabdi qani says:

    Midhaa asagaa lagutegey.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  26. zaara yusuf says:

    Bisinka waligey ma maqlin rag la kufsaday waa aduunyo gadow alloow no naxariiso kheerka allaha na wafajiyo subxanallaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0