Xasuusin: Ha hilmaamin in aad saacada badasho!

Sida aad la socotaan, saacada Sweden ayaa la badalaa 2 waqti iyadoo marna lagu daro 1 saac marna laga jaro. Habeenka Axada ugu dambeysa bisha Maarso ayaa 1 saac lagu daraa saacada Sweden, iyadoo saacada marka ay tahay 2:00am is badalka la sameeyo oo laga dhigo 3:0oam.

Caawa marka ay saacadu tahay kl. 02:00 ayaa laga dhigayaa kl. 03:00 -hadaba ha hilmaamin in aad saacada badasho.

Arintaan ayaa aad muhiim ugu ah in ay ogaadaan dhamaan dadka ku nool Sweden iyadoo tani saameen wayn ku yeelanaysa saacadaha shaqada, iskuulada , tareenada iyo dhamaan qaybaha nolosha.

Sidoo kale waxaa saacad laga jarayaa Habeenka Axada ugu dambeysa ee bisha Oktobar  ayadoo marka saacada ay tahay 3:00am laga dhigi doono 2:00am.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Mr Aniga says:

    horta waa iga su aale hadii saacadu tahay 24 oo halsaac lagu daro maxay u noqon wayday 25 saac

    takale caawa hal saac oo hurdaa meeshaas ku qasaartay waayo 2 markay ahayd.hadiiba 3 laga dhigo .waaba lagu dadajiyay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. daade says:

    Kkkkkkkkk kkkkkkkk kkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkk kkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. abkoow says:

    saacada waa isla 24-saac ee ka koobneed kaliya waxaa isbadalaayo waxaa waayay maalintii ayaa habeenka ka dheeraatay………waxaa rajaunaayaa inaad fahantay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. CILMI says:

    Jimcaale aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay ilaahayna kheyr iyo xasanaaad hakuugu bedelo maalinta qiyaamaha, sababtoo ah Somalida aad ayaad u saacidaa ama u caawisaa,Anigu shaqsiyan kuuma aqaan lknse waxeynu sxb ka nahay websedkaaga Somaliska.com, wallahay mar kastana waan kuu duceeyaa sababtoo ah Somalida sweden degan warbixin badan kama aysan helaan dalka oo luuqadii oo ku adag ay Kow ka tahay. Jimcaale sxb waxa dhici kara in aad bulashada dhexdooda aad kala kulanto kuwo aragti yar oo ku caaya ama hadalo kale oo qadaf kugu ah kuu geysta oo aad iskaga aamusto, Markaan arko qof aad arin saacidaad ah usoo qortay oo cay kuugu jawaabaya waa shey xanuun ah ama laga naxo, marka Jimcaalow bartaas kaga hay oo wax mayaqaanka aragtida yar ha u jawaabin oo sidaad uga aamusi jirtay uga aamus ilahay ayaa wax ka fiican kuugu bedelayee.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 0

  5. sanan says:

    Jimcale aaad iyo aad ayad u mahad santahay waad na xasuusisaay qeer alle haku siyo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. cilmi says:

    Search in site…
    Saturday, March 28th, 2015 | Posted by News Hour
    Sucuudiga oo Dib u ceshay safiirkoodii Sweden .

    Boqortooyada Sucuudi Careebiyah ayaa dib u dirtay safiirkoodii u fadhiyey dalka Sweden , ka dib raali gelin ka timid dalka Sweden. Boqorka dalka Sweden Carl XVI Gustaf oo ayaa xaqiijieyy in labada dal ay is afgarteen.
    Ra’iisal wasaaraha dalka Sweden Stefan Lofen ayaa sheegay in ay raali gelin buuxda ka bixinayaan waxkastoo meel ka dhac ku ah Sucuudiga oo ka yimid Sweden, wuxuuna sheegay inay ka xun yihiin in Sucuudigu weerar qaawan u qaatay arintaas.
    ” Waan ka xunahay waxkastoo ahaa weerar iyo meel ka dhac Islaamka ama Sucuudigaba” ayuu yidhi Stefan Lofen.
    Labada dal ayaa xaaladoodu meel xaasaasi ah gaadhay , ayadoo Sucuudiyiintu adeegadeen awood dheeraad ah iyo galaangalka siyaasadeed ee dalalka Islaamka oo inta badan Sucuudigu dhaqaale xo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. potatissom says:

    asc wllo wd ku mhdsnthy lkn ani waxan huba inay si otomaatik ah inay isku badalayaan sacadaha yar yar iyo wawayn mobilda ninkii dhagax wata waa mesheesa taaas waa halka wxan ini waydiin lahaa arintii labo sano mxa laga haya akhyaarey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. Gujis says:

    Mobile ka IPhone isagaa is badala saacada sooma ??!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0