“Xero doofaar ayaan ka gees furaynaa qaxootiga Muslimiinta”

1

Ka dib markii ay shaacisay Laanta Socdalka in ay tuulada Gullberg ka furi doonto xero lagu haayo qaxootiga ayaa arintaas waxaa ka carooday dadka deegaanka. Warqad loo soo diray agaasimaha Laanta Socdaalka ee magaalada Borås ayaa lagu soo bandhigay qorshe ay doonayaan dadka deegaanka in ay ka gees furaan goob lagu haayo doofaarka halka la geynayo qaxootiga.

Sababta ay doofaarka meesha u keenayaan ayay ku sheegeen in la doonayo in Muslimiintu ay halkaasi isaga cararaan maadaama aysan jeclayn doofaarka. Arintaan ayaa dadka qaarkiis ay ku tilmaameen ila qosol iyo aqoon la’aan haysata dadka ku kacaya ficiladaan. In Muslimiintu aysan cunin hilibka doofaarka waa la gartay balse in Muslimiintu ay isaga cararayaan meelkasta oo doofaar joogo halka ay ka keeneen ayaa la yaab leh.

Si kastaba ha ahaatee, arintaan ayaa ah cunsuriyad iska cad oo ku wajahan Muslimiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here