Xiisad ka dhex taagan mid ka mid ah masaajidada soomaali maamusho ee Göteborg

Mid ka mid ah lookalada masaajid ahaanta loo isticmaalo ee ku yaala magaaladda Göteborg, gaar ahaan xaafadda Biskopsgården ee degmadda Hisingen, ayaa xiisad xoogan ka dhex taagan tahay gudiga iyo maamulka masaajidka maamullo.

Arrintan ayaa salka ku heeysa markii mid ka mid ah gudiga lugu eedeeyey in been abuur ka sameeyey shirka sandalaha ah ee gudiga qabsato. Wargeyska Gothenburg ayaa qoray isagoo soo xiganayo dacwad lugu soo oogay imaamka la sheegay in  buun abuur ku sameeyey barataoolka shirka. Dhinaca kalena Sh Yuusuf oo ah imaamyada mid ka mid ah masaajidada Göteborg ku yaala, oo ah ka mid ah shaqsiyaadka magaciisa la isticmaalay ayaa wargeeyska u sheegay in xilligaas shirku dhacayey aanu joogin magaaladda ee uu ku maqnaa magaaladda Oslo ee Noorweey magaciisana laga been abuuray.

Maamulka gobolka ee dhaqaalo ahaan taakuleeya masaajidka ayaa ka goostay dhaqaalihii uu bixin jiray, sababo la xirriira is qab qabsi halkaasi horey ugu jiray. Dhinaca kale xubno ka tirsaan jiray maamulka dugsiga ayaa haatan shaaciyey in imaanka oo lugu magacaabo C/qaadir uu ku tagri falayo awoodiisa imaam ahaaneed, waxaana ay qaarkood sheegen in wejiyo badan oo adeegsanayo.

“Waxaanu ku daalnay labo wajiileeynta, iskuuladda iyo maaulka degmada markeey noqotana weji kale ayaa la tusayaa, xubnaha masaajidkana weji kale, booliska iyo degmadabu uma qaadan cabashadeena mid dhab ah, waxaana dacwad ka gudbinay sanadkii 2014-tii” ayuu yiri Cali Maxamed oo u waramayey wargeyska.

Xasan Ismaaciil oo isagana ka mid ah dadka sida weyn u dhaliilsan imaamka oo isna geestiisa ka hadlayey ayaa sheegay in imaamku dhalinyaradda iyo dadka kula taliyo ineeysan dacwad ka gudbin falal dambiyeedka iyo tacadiyada la geesto haddii sidaas la yeelana lala kulmayo ciqaab.

“Dadka iyo dhalinyarada ayuu kula taliyaa ineeysan dacwad ka gudbin falal dambiyeedka iyo tacadiyada, waana arrin halis ah, haddii imaamku sameeyo qalad iyo dembi waa in la dacweeya waana ku taaganahay talaabadeena” ayuu yiri Xasan. Ma ahan markii ugu horeeysay oo is qab qabsi dhexdooda ah ka dhaxeeyo masaajidkaas ay soomaalidu maamusho.  Xiisadan ayaa soo jiitameeysay muddo aad dheer iyadoo madjidkuna ahaa mid loo adeegsado goob quraanka lugu baro carruuraha. Balse dheacdooyinkii ugu dmabeyey ayaan la ogeyn saameynta uu ku yeelan doono mustaqbalka fog. Muuqaal fiidyoow ah oo qudbadii jimcaha ee bishii nofeembar baxday laga soo xigtay bartiisa facebook-ga imaamka ayaa iyadana dood kale dhalisay, taasoo oo loo arkay ineey tahay mid uu ku aamusinayo kooxaha ku kacsan.

 

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. Saafi says:

    Subaxana laha. Walaalo yaal koleey warkaan wa mid aad u dhubadan warkan waxo so socdeey ilaa iyo2008 . Markas o ehed marki ugu horeey sey oo imaamka masjidka ja ceyriyeey macaliin quraanka ilmaha sificaan ubari jiraay oo xaafadana ja wada amustaay oo lo ogolaaday inu sidaas semeeyo. Mark waxi wagaas kadabeey xaafadan waxa lawayeey nabeed gelyadi caruurti suqeey galeen waxa dhihi kara waxa kadilaacay mafiyo nimo meshaan. Mark waa uducey neyna inaan mesjidkeeni yar nagala xiriin wayo wali waxa lugu tukeda saladaha oo dhaan iyo salatuul jimco. Waxi kahoreey 2008 waxa leheen 1 dugsi oo logu dhigo caruurti ila daadka waa.weyn quraan. Manta waxa umaleyna ilaa 20 qeybood aya Lage hela inaas na kuma ekoo xalka waa aloow sahaal amuuraha

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. IMAAM KALE says:

    Asc. AMA IMAAM HA AHAADO AMA QOFKALE WAXAA WAAJIB AH IN LEEYSKU SABRO. WAXAA KALOO MUHIIM AH IN LA HELO GUDI AMA MAAMUL MIDEEYSAN OO DAD AKHYAAR AH OO WIXII KHILAAFAAD AH XALIYA…DADKAAS MAAMULKA AH WAA WAA IN LOOGU DANBEEYAA ARIMAHA MISAAJIDKE…MARKE WALAALAYAAL WAA DARUURI IN LAKALA DANBEEYAA MARKE MAAMULKA WAA INUU NOQDO MAAMUL LABADALI KARO HADII LUGU HISHIIYO…WALAALAYAAL ILAAHEEY HALAGA BAQO MISAAJIDDE WAA GURYAHA ALLE EEY IS QAB QABSIGE KADAAYA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Ali says:

    Koley waa Soomaaliye, qabiilka iska dhaafa, masaajidkii xitaa waad geyseen qabyaaladda. Illahay quluubta Soomaalida ha isu soo jiido, hana is xurmeeyaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. SOMALIDA WAA DADKA ADUUNKA UGU XUN WAAYO SOMALIDA ISMA RABTO AYAGOO WALALO AH OO ISKU AF AH
    SOMALIDU WAA ISKU AF ISKU DIG ISKU WAA MAXAY QABYALADA MARKA? QABIIL KA ISKA DAAFA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0