Xildhibaanad fadeexad gashay ka dib markii ay ka been abuuratay Soomaalida

Amineh Kakabaveh oo ah xildhibaanad baarlamaanka u matasha xisbiga Hanti Wadaaga (Vänterpartiet) ayaa maalintii Axada ee la soo dhaafay waxay Facebook soo galisay video cunsurinimo ah oo been looga sheegayo soomaalida. Sida runta ah video-gan wuxuu ka hadlayaa shirkada Teleson Hargeisa oo shaqaalaheeda u mahad celinaysa balse kooxda Faashiyiinta cunsuriyiinta ah ee Nordisk Ungdomar ayaa saaray tarjumaad qaldan oo Swedish ah si ay been uga iibiyaanka shacabka Sweden.

Qaladaadka la tarjumay waxaa ka mid ah in qabiil ka tirsan soomaalida ay qorsheynayaan inay u soo guuraan wadankan Sweden iyagoo sidoo kale ku sheegaya wadankan Sweden inuu yahay wadan aan sharci islaam ka jirin oo gaalada been loo shegi karo.

Kakabaveh ayaa markii ay soo galisay Facebook waxay ku dul qortay “ Hambalyo Sweden, Mar dhaw waxaa meelo badan oo xaafada Sweden ka mid ah laga hirgelinayaa Jamhuuriyad islaami ah…” . Daqiiqado yar ka dib markii dad badan oo soomaali ah wax u soo qoreen ayey video-gii ka saartay Facebook, Balse waxay dib u soo qortay qoraal ay leedahay “ Waan tiray video-gii balse uma tirin in waxa ku jiraa ay been yihiin…” Dadkii ayaa mar kale u qoray qoraalo, Hadane dib ayey u tirtay Qoraalkeedii labaad. Subaxdii isniinta ayey Facebook soo galisay wax ula jeeday raali gelin. Waxay ku marmarsiyootay in aysan wada daawan video-ga iyo in hadii qof la dacweynayo ay tahay in la dacweeyo telefeshinka Sweden maadaama calaamadooda ay ku dhex taalo video-ga.

Wariyeyaal badan ayaa la xidhiidhay Kakabaveh si ay arintan wax uga ogaadaan. Markii hore way inkirtay oo waxay dhahday in aysan Facebook soo galinin wax Video ah balse saaxiibteeda ay soo galisay. Balse markii loo sheegay in la haayo cadeymo ayey qiratay iyadoo sheegtay in aad uga xun tahay waxa ay sameysay maadaama bay tidhi aysan wada fiirsan video-ga. jaraa’idka EXPO  ayaa ka qoray maqaal ay ku soo bandhigeen qoraalkii ay facebook ka tirtay.

Soomaali badan ayaa dacwo u gudbisay xisbiga Hanti wadaaga (Vänsterpartiet) Balse xisbiga ayaa jawaabtiisa ku soo gaabiyey in ay wadaan baaritaan xisbiga dhexdiisa ah oo arintan ku saabsan. Kakabaveh ayaa xagaaygii hore ku soo caan baxday in ay wax ka sheegto soomaalida iyo dadka muslimiinta ah ee degan xaafadaha anabiga ku badan yihiin. Iyadoo u dooda in islaamiyiin xagjir ah joogaan xaafadahaas.

Daawo Video original-ka ah

 

iyo midka laga been abuuray hoose.

Faafi mowduucaan

Abdi Addow

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN! Twitter: https://twitter.com/abdiaddow1

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Oday Soomaaliyeed says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 12

  2. Bashiir says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Videoga sidee u turjimeen caadi mahan waxan fahmi la’ahay sawabta somalida kaliya loo bartilmaameedsado iyadoo Afghanistan iyo carab kabadan somalida ay jogaan swedan walhi waa dadnimo xumo meel walba nagu heysataa….. ba’ayoo tolbeelay 😣

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  3. Warsame says:

    Naagtaan iyadabo asalkeede waa ajnabi oo wadankale ayeey katimid waa Ruush ama Wadankale oo aan aqoonin lakiin magaceeda waa Ruush. . marke waa qof cunsuri ah oo jiran

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. Abdiaziz Ahmed says:

    Maxeykaabi’ilaheyd hadii shirku kadhici lahaa sweden oo markaa hadalheynta somalida sweden waysoogalilaheyd videogaan balse hadda waaba mowduuc kale aan Magaca sweden meelna kasoogalin waxaanmaqli jiray been luga leh ayaa lasheegaa kkkk markaan haweeyneedaan daadka ayaa qaaday…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Isaxaaq says:

    Waxaa la yidhi:- AFKAA XADA WAXA UURKA KU JIRA. kkkkkkkkkkkkkk SD ayaa lagu ogaa Cunsuriyiin ee Vänterpartiet -na ma ku darsamay….!!!!!!!!!!!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Isaxaaq says:

    Hadalka dadka haba badalaan waxay doonaan haku qoraanee QURAANKA oo ah Kalaamkii ALLE in labadalo ayaa ah wax aaad looga xumaado..!!!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  7. Anoo ku hadlaya afka beeshayda Waan isaga guursanaa somalia arimaha wadanku la dalaa dhacayo hadan deg deg wax looga qaban

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. real somali says:

    naagta waa kurdi waaye ee waanag xaanun haaayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Yuusuf Somali says:

    ASC Dhamaan Asxaabta naagtan magaceeda google ku qora faah faahinteeda waa taas
    Amineh Kakabaveh (born 1970) is a Swedish Left Party politician of Iranian Kurdish descent.[1] She has been a member of the Parliament of Sweden since 2008.
    waa naag IRAN Shiica ah oo ayada ayaaba qaxooti ah weliba inta aysan sweden imaan waxa ka tirsaeed shiicada mintidka marka xooga somalida suniga ah ayeey neceesaa marka ayada iska daayee somali gaalo oo dhan ayaa ka daashay somalida kooda duliga ah xitaa diinta waa laga saari waayay ma sheegin 4 qof waalan Norway meel walba oo yurub ah somalida diintooda kama tagin ayaga & ilmahooda marka lo fiirsho quruumta kale mahadsanidiin dhamaan
    Before fleeing to Sweden via Turkey, she was a member of Komalah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  10. somali baan ahay says:

    waxa soo dhan muhiimada maaha, muhiimada waxa weeye in dadka somaliyeed ee aqoonta leh luuqadana si fican u yaqana ay gabadhan la tagaan maxkamad, oo ay tusaan awooda umada somaliyeed ku leedahay sweden iyo waliba in ay la mid yihiin umadaha kale ee wadankan dagan taas ayaa muhiim ah, somali waxa lagaga badshay waa aqoon maha wax kale, markaa somalaay xaqiina dhacsada kuwa barlamaanka u fadhiya amaba ku jira barlamaanka waa inay arintaan wax ka qabtaan hadii kale magaca somaliyeed hanoo dhigaan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  11. Abdikadar says:

    Naagtan waa kurdida ciraaq ka soo jeeda waxanan filayaa in ay gaalowday sababtoo ah sida vedioga ka muuqata waa ay u jeeda in aayado quraan ah meesha laga akhrinaayo qoraalka been aburka ah ee ladul saarayna waa ay u jeedaa oo uma baahana in loo micneeyo sababtoo ah waabay fahmaysa in quraan la akhrinayo xisbiga waa in kontakt lala sameeyaa ilaa inta xilka laga tuuraayo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. Abdikadar says:

    Soogalootigiibaba cunsuruyiintii SD ka daray

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. rashid says:

    asc naagtani waxay ka soo jeedaa iran asxaabay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Hibo says:

    Waxaa yaab ah maantana ma soomaliyaa noqotay wax lagu mansab doonto ha ogaato iney cunsuriyiinta SD eysan ajaanibka kala jeclayn gaal ha ahaado ama muslim ha ahaado madow iyo cadaan ajnabi waa isugu mid. Iyadana xanuun haayo baa kahadalsiinaaya iyo iney iska gaddo swedishka.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. cabdi mahad says:

    iyadaaba kadaran waxanay soomaalida ka sheegayso dib isku eeg yaaku yiraahda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. barni says:

    Waxay u eegtahay kuwa tukaanada hortisa ku tuugsada gaajo iyadaba wax cayaysa naagtan in lagadaba haro maaha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0