Xildhibaanadii beenta faafisay oo raali galin caga-jiid ah bixisay iyo Soomaalida oo ka biyo diiday

10

UPDATE: Gudoomiyaha xisbiga V Jonnas Sjöstedt ayaa aqbalay in uu kulan la qaato Soomaalida. 

Isbuucaan waxaan soo qornay in haweenay lagu magacaabo Amineh Kakabaveh oo ah xildhibaanad baarlamaanka u matasha xisbiga Hanti Wadaaga (Vänterpartiet) ay maalintii Axada ee la soo dhaafay ay Facebook soo galisay video cunsurinimo ah oo been looga sheegayo soomaalida.

Arintaas ayaa dhalisay cambaareyn weyn iyo dadaal dheer oo ay Soomaalida Sweden u galeen in ay fashiliyaan haweenaydaan cunsuriyada ah ee ku dhex dhuumanaysa xisbiga Bidixda ee lagu yaqaano in ay cunsuriyada neceyihiib. Soomaali badan oo firfircoon ayaa saxaafada Sweden ku qoray in haweenaydaan laga ceyriyo Xisbiga iyo baarlamaanka. Amineh ayaa xitaa labo maalmood ka hor waxay soo dhigtay bogeeda Facebook in lagu hayo cadaadis ka imaanaya dhinaca xisbigeeda, iyadoo diiday in ay iscasisho.

Hadaba shalay ayay bogga xisbiga Vänsterpartiet waxay ku soo qortay raali-galin caga-jiid ah oo ay muuqato in lagu qasbay. Taasoo ay raali galin u jeedisay Soomaalida iyada oo aan magaceena soo qaadin. Waxay sheegtay in ay qalad sameysay isla markana hadda ka dib ay ka taxadari doonto in aysan faafin propogandada cunsuriyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida Sweden ayaa u muuqda kuwo ka biyo diiday raali-galintaas aan qalbiga ka soo go’in. Waxay dalbadeen in ay la kulmaan gudoomiyaha xisbiga Jonas Sjöstedt oo ay ku marti-qaadeen xaafada Rinkeby isbuucaan dhamaadkiisa si uu u dhagayso fikradeeda ku saabsan arintaan. Soomaalida ayaysan u cuntami doonin wax ka yar in haweenaydaan la ceyriyo. Inkastoo aan lagu qasbi karin ay baarlamaanka laga saaro ayay haddana laga saari karaa xisbiga.

Haddaba haddii aad tahay qof Soomaali ah oo ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet ama u codeeya waa in aad xiriir la sameysaa cida aad ka taqaano xisbigaas oo aad cadaadis ku saartaa in ay arinta haweeneydaan ka jawaabaan isla markaana ay dalbadaan in xisbiga laga ceyriyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here