Xisbiga bidixda oo hogaan cusub doortay

4

Xisbiga bidixda ee (Vänsterpartiet) ayaa doortay gudoomiye cusub. Xisbiga ayaa u doortay ninka lagu magacaabo Jonas Sjöstedt in uu noqdo gudoomiyaha cusub kaasoo xilka kala wareegay hogaamiyihii hore ee caanka ahaa Lars Ohly.

Doorashada kala fadhiga xisbiga Vänsterpartiet oo maanta ka dhacday magaalada Göteborg ayaa lagu doortay Sjöstedt oo ku dhawaaqay in uu doonayo in uu guul weyn u soo hooyo xisbiga Vänsterpartiet oo ka mid ah xisbiyada ugu codka yar Sweden.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa ah xisbi aad u furfuran oo qaasatan aad ugu janjeera dhinaca bidixda iyaga oo si weyn uu dhaweeya soo galootiga balse sidoo kale taageero weyn siiya arimaha dumarka. Waxay kale oo ka soo horjeedaan ka mid ahaanshaha Sweden ay ka midtahay midowga Yurub. Dhinaca arimaha dibada ayaysan ogoleyn in Sweden ay faragalin ku samayso arimaha wadamada kale.

Xisbigaan ayaa la aasaasay sanadkii 1917 iyagoo ahaa garab ka go’ay xisbiga SocialDemokraterna. Bilowgii ayuu xisbigaan waxa uu ahaa xisbi u dooda arimaha hanti wadaaga shuuciyada iyagoo arintaas markii dambe dib uga noqday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here