Xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna oo sheegay in uu yaraynayo dhaleecaynta soogalootiga

6

Siyaasiga xag-jirka ah ee hogaamiyah xisbiga midigta-fog ee Sverigedemokraterna ayaa waraysi uu siiyey Jimmie Åkessonwargays la yiraahdo Svenska Dagbladet waxa uu ku sheegay in xisbgiisu qorsheynayo in uu yareeyo dhaleecaynta iyo wax ka sheegida uu sida joogtada ah ula daba joogo dadka soogalootiga ah, si uu wada shaqayn oga helo xisbiyda kale ee ay baarlamaanka ku wada jiraan. “Hadii is mariwaa jiro taasna naloo aanaynayo , hadaba wax kalaan ka hadli karnaa” ayuu yiri Åkesson.

Hogaamiyaha SD ma uusan sheegin in website-yada xisbigiisa taageera oo sida indho-la’aantaha wax oga qora soogalootiga ay ayaguna yarayn doonaan doodooda guracan iyo in kale laakiin waxa uu carabka ku adkeeyey in aysan arimaha soogalootiga meel iska wada dhagayn asaga oo yiri ” Muhiim bay u tahay cod bixiyaasheena “.

Jimmie Åkesson oo kusoo caan-baxay codka uu baarlamaanka ku fadhiyana ku helay naceybka uu u qabo guud ahaan qaxootiga, gaar ahaan kuwa Muslimiinta oo uu arko in ay ku bateen dalka Sweden ayaa waraysigiisa ku sharaxay walaaca uu ka qabo in aan xisbigiisu saamayn ku yeelan baarlamaanka wuxuuna sheegay bal in ay isku dayayaan in ay arimo kale ka hadlaan, sida in ay u doodaan shaqaalaha maalin qaarkeed shaqeeya(part-time) in la siiyo shaqo caadi ah (full-time), halkii awal ay diirada saari jireen arimaha soogalootiga taas xisbigiisa galisay go’doon siyaasadeed oo ka soo wajahay dhamaanba axsaabta siyaasadeed ee Sweden.

In kasta oo ay badatay taageerada cod-bixiyeyaasho u hayaan xisbigaan cunsuriga ah, hadana labada hogaamiye ee xisbiyada ugu miisaanka culus Moderate-ka iyo Social Democrat-ka , raysulwasaare Fredrik Reinfeldt iyo Stefan Löfven waxay si cad u sheegeen ay aysan marna is bahaysi la noqonayn Sverigedemokraterna.

Jimmie Åkesson iyo xisbigiisa Sverigedemokraterna oo aan midkoodna loogama baran in ay la gabbadaan naceybka ay u qabaan guud ahaan soogalootiga gaar ahaan kuwa muslimiinta ah, ayaa waxaana la is weydiin karaa maxay xiligaan SD ugu dhawaaqday in ay yaraynayso wax ka sheegida soogalootiga?

Dadka siyaasada Sweden u fiirsada waxay tilmaameen in maadaama ay soo dhawaatay xiligii doorashadu ay wax iska caadiya tahay in xiliyadan oo kale xisbi walba uu isku dayo in uu helo cid uu miisaankiisa siyaasadeed kula biiro oo hadii cidaasi guulaysto uu dowlada la dhisto, sidaasi darteedna Sverigedemokraterna oo sida uu hogaamiyahoodu sheegay aan baarmalaanka saamayn muuqata ku yeelan waxay hada isku dayeysaa in isbahaysi hesho oo dowlada soo socta wax ku yeelato. Si taasi lamid ah SD waxay isku dayeysaa in ay iska dajiso soogalootiga oo laftoodu quwad aan la dhayalsan karin ah sidoo kalena waxay taageero ka raadinaysaa shaqaalaha suuqa shaqadu ku liito.

Halkaan ka daawo hogaamiyaha SD oo BBC-da barnaamijkeeda caanka ah ee Hard talk lagu waraystay oo su’aalaha qaarkood waayey wax uu oga jaawaabo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here