Xisbiga cunsuriga ah, Sverigedemokraterna, oo wacad ku maray in uu taageeri doono hadalkii wasiirka socdaalka

13

Xisibiga taageereyaashiisu sii badanayaan siyaasadiisuna cunsuriyada ku dhisantahay ayaa soo dhaweeyey hadalkii ka soo yeeray wasiirka socdaalka, Tobias Billström oo ka tirsan xisbiga midig-dhexe ee Moderaterna.

Sida lagu daabacay bogga uu internetka ku leeyahay xisbiga midigta-fog ee sida ba’an oga soo horjeeda dadka soo galootiga ah ayaa xisbigaasi ku soo dhaweeyey hadalkii dhawaan ka soo yeeray wasiirka socdaalka Sweden oo ahaa in uu doonayo in reeraha caruurta leh ee doonaya in la mideeyo shardi looga dhigo in ay baahida qoyskooda ay dabooli karaan oo ay biilan  karaan.

Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna,SD, Jimmie Åkesson ayaa dowladda u soojeedshay in hadii ay doonayso in ay meel mariso qorshaan ay haboontahay in ay dowladdu xisbigiisa taagero weydiisato.  Hadiise dowladda uu hogaamiyo Raysulwasaare Fredrik Reinfeldt aysan diyaar u ahayn in ay sidaasi samayso, waxaaba nagu filan waa in qorshehaas is biilida qasabka oga dhigaya reeraha caruurta leh baarlamanka la hor keeno ayuu yiri Jimmie Åkesson, hogaamiyaha SD.  Åkesson oo hadalkiisa sii wata ayaa xisbiga Miljöpartiet oo ah xisbi isbahaysiga talada haya ka taageera arimaha socdaalka  ku booriyey in ay aqbalaan sharciyada lagu yaraynayo soogalootiga.

Taageerada loo hayo Sverigedemokraterna ayaa maalmahaan dambe cirka isku shareertay wuxuuna noqday xisbiga sedexaad ee ugu weyn Sweden hadalka ka soo yeerayna ma ahan hadal la dhayalsan karo.

Hadii uu meel maro hadlaka ka sooyeeray wasiirka socdaalka oo helay taageerada Raysulwasaaraha,  Sverigedemokraterna hiil iyo hooba la garab taagantahay wuxuu culeys ku noqonayaa soomaali badan  oo rajo wanaagsan ka qabtay in ay dib ula midoobaan eheladoodii ay mudo kala maqnaayeen.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here