Xisbiga cunsuriga SD oo burbur qarka u saaran

7

Xisbiga cunsuriga ah ee Sverige Demokraterna (SD) ayaa qarka u saaran in uu maro wadadii uu maray xisbigii ka horeeyay ee cunsuriga ahaa ee lagu magacaabi jiray Ny Demokrati kaasoo burburay sanadkii 2000.

Xisbiga SD oo baarlamaanka Sweden soo galay 2010 ayaa xubno badan oo loo doortay jakooyinka degmooyinka Sweden ay noqdeen kuwo xisbiga isaga baxay ama dhinaca kale maray oo diiday in ay la shaqeeyaan maamulka xisbiga.

Sida uu qoray wargeyska Expo xubno badan ayaa isaga baxay xisbiga ama qasab looga saaray. Xogyaha guud ee xisbiga SD ninka lagu magacaabo Björn Söder ayaa qirtay in dhibaato ka dhex jirto xisbiga balse aysan u balaarneyn sidii hore.

Björn Söder ayaa ka eed sheegtay in ay jiraan dad dano gaar ah leh oo xisbiga soo galay ka dibna aan ku dhaqmin ajandaha xisbiga.

Meelaha dhibaatada ugu weyn ka haysato xisbiga SD ayaa waxaa ka mid ah gobolada Dalarna iyo Västmanland oo dadkii loo doortay degmooyinka 7 ka mid ah ay isaga bexeen xisbiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here