Xisbiga cunsuriga SD oo dhulka galay

17

Afti ururinta ugu dambeysay ee lagu saadaaliyo doorashada Sweden ee soo socota ayaa waxay masiibo ku noqotay ururka cunsuriga ah ee Sverige Demokraterna (SD) kuwaasoo markii ugu horeysay ka hoos maray 3%. Haddii maanta la qaban lahaa doorashada ayaa xisbiga SD waxa uu waayi lahaa dhamaan kuraasta uu ka haysto baarlamaanka Sweden.

Arintaan ayaa loo aanaynayaa weeraradii argagixisada ee ka dhacay dalka Norway bishii hore ee uu gaystay mid ka mid ah taageerayaasha SD ee ku nool wadankaas. Dadka Swedishka ah ayaa bilaabay in ay il gaara ku eegayaan SD oo hada loo arko in ay yihiin urur argagixiso ku dhow.

Waxaa sidoo kale dhibaato la soo daristay 3 xisbi oo kale oo iyaguna haddii maanta doorashada la qaban lahaa waayi lahaa dhamaan kuraasta ay haystaan. Xisbiyadaas ayaa kala ah Xisbiga Bidixda (Vänsterpartiet ), Kiristaanka dimoqraadiga ah (Kristdemokraterna ) iyo Xisbiga dhexe (Centerpartiet).

Dhinaca kale, waxaa la yaab ah in codbixinta isbuucyadii ugu dambeysay ka socota boggan Somaliska.com ee aan ku cabiraynay cida ay u codeyn lahaayeen Soomaalida in xisbiga SD oo ah xisbi neceb Soomaalida ay ilaa hada u codeeyeen dadka gaaraya 69 qof. Midaasi in ay aqoon daro tahay iyo in kale lama garanayo balse waa arin mucjiso ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here