Xisbiga cunsuriga SD oo soo bandhigay sida ay ku xalinayaan rabshadaha soo galootiga

Xisbiga cunsuriyiintu ay ku mideysan yihiin ee lagu magacaabo Sverigedemokraterna (SD) ayaa soo bandhigay 5 qodob oo sd-åkessnaasaas u ah sida lagu xalinayo rabshadaha ka dhaca xaafadaha soo galootiga iyo guud ahaan siyaasadooda ku aadan soo galootiga. Gudoomiyaha xisbiga SD Jimmie Åkesson ayaa wargeyska Aftonbladet ku qoray qorshiisa oo uu ku soo koobay 5 arimood oo kala ah.

1. In ay aad u yareynayaan soo galootiga qaasatan kuwa ay adagtahay in ay bulshada dhexgalaan (Soomaalida?).

2. Maadaama dadka la siiyo cayr iyo daryeel soo dhaweyn  ayuu sidoo kale sheegay in la doonayo in la saaro shuruudo, shuruudahaas ayaa waxaa ka mid ah in dadka qasab looga dhigo in ay dhameeyaan SFI oo degdeg ay ku dhameeyaan,iyadoo qofka aan fulin shuruudaha laga goynayo lacagta. Sidoo kale waxa uu sheegay in la adkeeyo qaadashada baabsaboorka.

3. Waalidiinta ayuu sheegay in culeys badan la saarayo, iyadoo waalidiinta ay caruurtooda ka qeyb qaataan rabshadaha laga goynayo lacagta caruurta (Barnbidrag). iyo in qasab looga dhigo in ay galaan waxbarasho waalidnimo

4. In meesha laga saaro xoriyada ay magangalyo doonka ku dooran karaan halka ay wadanka ka degayaan, iyagoo loo doorayo magaaladii ay dagi lahaayeen.

5. In booliiska la siiyo awood dheeri ah oo aysan wax wadahadal ah la galin kuwa rabshadaha samaynaya,.

Qorshaha Jimmie Åkesson ayaa ku dhisan fikrada SD ee ku salaysan naceybka soo galootiga. Hadalkiisa ayaa waxaa ku qarsoon in uusan doonayn dadka aan Swedishka ahayn in ay wadankaan joogaan. Qaasatan hadalkiisa ayuu ula jeedaa Muslimiinta iyo qaasatan Soomaalida oo uu marar badan ku tilmamay dad aysan macquul ahayn in ay bulshada dhexgaaln.

Sidoo u aragtaa arintaan….

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. barre says:

    waxaan u argaa gaalkaan mid xaasid nimo ku dhamaatay madama uu muslimiinta aad u neceb yahay hada ka hor habeen dood la qabanaayay qaabkuu u hadlaayay qof caadi ah maba u hadlo waa ruux jiran baan qabaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  2. Ugaaska says:

    Waxaan u arkaa hadalkiisa mid aan muhiim eheeyn oo iska hadal ah mana ahan in la buunbuuniyo nin iska soo yeerayo Jimmie ma’ahan nin matalo dadka aan la noolnahay mana ahan in aan ku mashquulno weligiisna dhibka uu la rabo soo galootiga ma ku guuleeysan doono balse waxuu is leeyahay amaad cod ku heshaa lkn saxaafada ayaa faafineeyso warkiisa si looqaato qaladka waa saxaafada ee maaahan ninkaan iska hadlaayo
    Somalia Ha noolaato wadankeena waa nabad fursadeena aan ka faa’iideesan wax barano ama shaqeesano ceeyrta wax nooma tareeyso Insha’ALlaah wadankeena ayaan asaga cml ceeyr kusiin doonaa Somalia Hanoolaato

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  3. Bilaal says:

    Mukulaal minkeeda joogta mici libaax bay leedahay anigaba haduu soomaaliya igu imaan lahaa waan karbaashi lahaa kan , marka wadankiisa inuu wax ku karbaasho ama uu saas u hadlo way u gaadhay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. ahmed says:

    nin kaan somali ayaa ilaah daba dhigaya inkaar haku dhacado waxaa uu ku nacay waxaa waaye muslinmo iyo wali afrka iyo in eey iyaga lee is dhaxgaaln

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. yussuf says:

    waxaa u arkaa aniga in uu waalanyahay maadaaba uu aad u necebyahay muslimka aasatan somalida taasina waxa ay keenee in uu ku guul dareesto siyaasada wadankaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. cade says:

    kan hadalkiisa yaana meel laga sooqadin sidaas ayaan dhihi lahaaaa wayo waa iska dac sayay nacayaa dhalaye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. nuur says:

    kan iyo kuwa asaga camal ah ilaahay umuurteene uma dhiibo ilaahay shartiise asage haku celiyo umadane alaah kafogeeyo wax mas uuliyad ah ..

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. saxar says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  9. Abdale says:

    Waxaan u arkaa inuu wado danta Muslimiinta waayo waxaa aynu ku noqonaynaa wadamadeenii waxaana inoo badbaadaya Diinteena dhaqankeena iyo mustaqbalka awlaadeena ee hada cabsidu inaga hayso waxay ku danbayn doonaan haday wadamadan galbeedka sii joogaan mida kale waxaad ogaataan in ilaahay irsaaqdeena qoray wadankeeniina aan ku helayno wixii eebe inoo qoray waana arin cabsi wayn leh in ay saamayn ku yeelato bay adani muslimiinta wadamada gaalada u sooqaxay waxaana aragnaa inaan qurbaha ka faa iidnay in dadbadani inagaga lumaan oo qaarkoodna diinteeniiba ka bexeen
    markaa waxaad ogataan inaynaan cirka ka soodaadan ee ay muslimiintu ka yimaadeen wadamada aduunka ugu qanisan uguna khayraadka badan ee ay aduunyadu isticmaasho shidaalkooda iyo macdantooda kala duwan
    waxaa uun inaka dhiman inaan wadamadeena aamino diinteenana aan ku dhaqano waayo hadaan diinteena kudhaqano waxaan helaynaa cadaalada dhabta ah waana umidoobaynaa inaan gamcaha is qabsano oo wadamadeena dhisano si aan gaalo iyo gumaysigeed aan uga maarano

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  10. Massago says:

    4-TA UGU DANBEEYSO JIMMIE HEBEL SOON MAW AHAAY WAA IGULA SAXAN YAHAY WAANA HALKA XAL EE LAGU YAREEY KARON DHIBAATADA KUSOO FOOL LEH SVESNKA IYO AJAANIBKA WADANKA KUNOOL MAXAA YEELAY WAXAAN NAHAY DAD GEEYDI AY KOR SAARNAAYEEN HOOS KA GOOYHAAYO. HADII SI LOO FIIRSHO LKN TAN 1..BAAAD MA FAHMIN HADALKAAS SI KALE HADII LOO DHIGO WAA CUNZURINO AAN GEEDNA LOOGU SOO GANBAN OO AH QOROXDA HALAGU HORO DADKA DHIBAATEESAN OO BADAHA IYO BIRIGA SOO JIIRAY IRDAHANA HALAGA XIRTO.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. s,cadeey says:

    hadalkaan kasoo yeray waaa wax macquul ah dhalin yarada rabshadahan samenayaan walid aa dhalay waa in aay ceshtaan wa nala cunsirina war ma ahan kasoo qaad adoo baabuurkada la gubay oo arakto dadki ka gubay dad ku jinsi ah indhaha aya cantuuf aka tufesa marka yanan laku xad gudbin soo dhaweyn iyo wax walba aya nili siiyay hadane rabshadaan samenena macquul ma ahan ee bini adamkan waxooda haloo nabad giliyo hadad rabtiin in aad nabad ku nolataan aqayareey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Abdi yare LFC says:

    Asc dhamaan Asxaabta qaasatan uma somaliyeed walaalayaal aniga fikir ahaanteda waxaa waaye somalida maahan dad isku xiran oo leh 1 komuniti xoog leh maxaan cunsuri iyo gaal ka caaynaa run ahaantii cunsuri wadankiisa asiga ayaa leh asiga ayaana ugu imaanay ani ahaa waxaan qabaa somalida kaliya meesha ay ku bad baadi karto waa in ay sameesato 1komuniti isku xiran oo u dooda somalia kan xuna iska qabtaan kan beenta lagu heestana u doodaan anigii ayaa kala ah 10 komuniti iyo 100 qabiil iyo kuwa land land la dhaho tiisa daryeelaa mid kale daryeelo muhiimada waa inaan isku xirmanaa si loo ogaado mesha aan ka xunahay markaas dowlada aan la gor gortano aana baarno inta somali shaqeesa oo bixisa skat ka iyo inta dhaqtar aan leenahay iyo inta looyar aan leenahay iyo inta police ama ciidan ee aan wadanka ku leenahay markaas adiga oo leh 1komuniti sida wadamada Hindia iyo Erteria iyo kuwa la midka ah ayaan heleenaa xushmad iyo gor gortan markaas ayaa loo baahnaa codkaaga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0