Xisbiga dhexe oo ay la soo daristay fadeexad la xiriirta Soomaalida

24

Xubno ka tirsan xisbiga dhexe (Centerpartiet) ee kamuunka Färgelanda ee gobolka Västra Götaland ayaa Loofmowduuc ay ku qoreen wargeys ka soo baxa gobolkaas waxay digniin u direen madaxda xisbiga oo ay uga digeen in ay taageeraan soo dhaweynta magan galyo doonka, iyagoo sheegay in haddii kale Sweden ay qabsan doonaan “Qabiilo aan aqoon lahayn, oo aan shaqo haysan isla markaana qilaafaadka ku xaliya qoriga Aakaha” hadalkaas oo u muuqda mid Soomaalida loola jeedo.

Hadalkaas ayaa fadeexad ku dhaliyay xisbiga dhexe, isagoo buuq ka dhex abuuray xisbiga. Qaar ka mid ah madaxda xisbiga ayaa ku baaqay in dadka qoray mowduucaas laga saaro xisbiga maadaama ay ku hadleen hadal cunsuriyad ah.

Xildhibaanka baarlamaanka u fadhiya xisbiga Centerpartiet Frederick Federley ayaa ku tilmaamay hadalka xubnahaan mid ka daran hadalada ay ku halaan xisbiga cunsuriga ah ee SD.

Mowduuca ayaa waxaa qoray 15 xubnood oo ka tirsan xisbiga Centerpartiet ee degmada Färgelanda. Afhayeenka xisbiga dhexe ayaa sheegay in madaxda xisbigu ay la xiriiri doonaan cida qortay mowduucaan oo su’aalo la waydiin doono.

Xisbiga centerpartiet oo ka tirsan xulufada dowlada ee hogaamisa Sweden ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa la soo daristay culeyska xaga siyaasada ah, arintaas ayaa ka dambaysay ka dib markii la soo bandhigay soo jeedinta xisbiga ee siyaasada ay wax ku maamuli doonaan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in xuduudaha loo furo  magan galyo doonka  iyo in xitaa ragga loo ogolaado in ay dhowr xaas guursadaan.

Arimahaas ayaa keenay in gudoomiyaha xisbiga Annie Lööf oo fasax ku maqnayd ay wadanka degdeg ugu soo laabato iyadoo sheegay in qodobada la soo jeediyay qaarkood ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, sida in raggu ay dhowr xaas guursan karaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here