"Kristdemokraterna ma aqbali karaan in sharciga loo fasirto in lagu kala qeybiyo reeraha Soomaalida, Haddii aysan Maxkamada Socdaalka isbedel sameyn waa in baarlamaanka uu isbedel degdega sameeyaa, arintaan waxaan kala hadli doonaa Wasiirka Socdalka Billström" Ayay tiri Emma Henriksson oo xisbiga KristDemokraterna u qaabilsan arimaha bulshada iyo Socdaalka kana tirsan baarlamaanka Sweden. "Marnaba baarlamaanka ujeedkiisa ma ahan in la kala qeybiyo caruurta iyo waalidiintooda. Mideynta reeraha waa tan koowaad waana in wax kasta laga hor mariyaa" ayay Emma Henriksson ku qortay bogga xisbiga KD. Beryahaan waxaa soo kordhigay aragtida laga qabo xaalada reeraha Soomaalida ayadoo u muuqata in siyaasiyiinta iyo bulshada Sweden ay ku soo baraarugeen dhibaatada haysata Soomaalida. Baarlamaanka Sweden ayaa la filayaa in uu ka doodo mideynta reeraha aan aqoonsigooda cadeyn karin 30 bisha Maarso, ayadoo taageerada Xisbiga KristDemokraterna ay muhiim tahay maadaama ay ku jiraan xulufada haysa talada Sweden.

Xisbiga Kristdemokraterna oo codsaday in reeraha la mideeyo

“Kristdemokraterna ma aqbali karaan in sharciga loo fasirto in lagu kala qeybiyo reeraha Soomaalida, Haddii aysan Maxkamada Socdaalka isbedel sameyn waa in baarlamaanka uu isbedel degdega sameeyaa, arintaan waxaan kala hadli doonaa Wasiirka Socdalka Billström” Ayay tiri Emma Henriksson oo xisbiga KristDemokraterna u qaabilsan arimaha bulshada iyo Socdaalka kana tirsan baarlamaanka Sweden.

“Marnaba baarlamaanka ujeedkiisa ma ahan in la kala qeybiyo caruurta iyo waalidiintooda. Mideynta reeraha waa tan koowaad waana in wax kasta laga hor mariyaa” ayay Emma Henriksson ku qortay bogga xisbiga KD.

Beryahaan waxaa soo kordhigay aragtida laga qabo xaalada reeraha Soomaalida ayadoo u muuqata in siyaasiyiinta iyo bulshada Sweden ay ku soo baraarugeen dhibaatada haysata Soomaalida.

Baarlamaanka Sweden ayaa la filayaa in uu ka doodo mideynta reeraha aan aqoonsigooda cadeyn karin 30 bisha Maarso, ayadoo taageerada Xisbiga KristDemokraterna ay muhiim tahay maadaama ay ku jiraan xulufada haysa talada Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. cabdi caziiz says:

    waaaaaaaaaaw waa qasab taas in lahelaa maxa yelay tata leesku diidan yahay waa dada isdalay ama iladashay ama isqabo taasina xuquuda aadamiga ad ayee uga fogtahay maxaa yeelay waa in waxlooqabtaa tatyooga dhibaateesan ee kukala sugan wadamad africa iyo oropia waxaan karajeynaa inee isbadal sameen dhoonaa baalmanka iyo xisbigaan soo hadal qaday hada Xisbiga Kristdemokraterna

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. maryan says:

    waad mahad san diihiin marwalbana noo soo qora waraarka ku saabsan ariinta somalida meel walba ay joogaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. khalid ahmed khalid says:

    asc wrb,, waxaan halkan ka salamayaa marka hore bahda somaliska gaar ahaan jimcaale.. rajada aan Qabno waa mid isa soo tareeysa waana mid niyada inoo dhiseeysa walow reeraha kala maqan uu waqtigu aad ugu dheeryahey xaalada murugsan ay ku suganyihiin awgeed.. balse alla ha noo fududeeyo waqti dhow.. aniga tuulada an degenahey kammun kooda ayaa ii sheegey inuu isbedel soo socdo mardhow balse iima sharaxin isbedelka nooca uu yahey iyo waqtiga uu dhici kara,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. cabdi caziiz says:

    khalid waa must inuu isbadal dhacaayo lkn waqtiga oo dacaayo cid ogaan karto malahn oo alla aheen lkn waxaa hubaal ah qof aa iyada somali nimo kuqaabishay familkeeda somali mahan waa wax laga xeshoodaa maanta haduu dicin isbadal waa hubaa biri waa dhacayaaa insha’alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Massago says:

    Sverige waxa ay u xirtay laynka waa miisaaniyada sanalaha ah muga 15- apr 2010 —15 apr 2011 inti so xarootay hadi fmlada la midey lahay soma aruurten saas ay aaminsan yihiin dabcan sida ay iila muuqato aniga Mag, aan dagnahay ku dhawaad 400 oo caruur ah aya u diiwaan gashan iney u sosocdan walidnta dhashayna waxey naqa karaaan 100 melahaas muga waxey u fikirayan tolow maxow naqa kara marsuufkooda bishi/sanadki iwm anyway inan reerahanya ku helno rabtán waa fcntahay inan ku ducesano lkn ducada halagu daro in somalia oo nabad ah an helna mar uun taasaanooga fiican hadan rabno an kuqadno ama ku quudaneee asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. kahlid ahmed kahalid says:

    dad ka somalida waa kuwa la ildaran xaalada murugsan aan dhamaadka laheen ku habsatey dalka iyo dad kaba.. taas waxaad moodaa in saameysay maskaxda qofka somaliga,, xaalada wadankeena si caadi ah ku soo laabto waxey yareen laheed baahida aan u Qabno inaan dadkeena keensano Qaarada yurub guud ahaan,,, nin cadaan ah ayaa hada ka hor igu yiri somalia oo heshaa dowlad cadaalad ah iyo kala dambeen keeni horumar wanaagsan dalka iyo dad kaba horey ugu sii socon kara,, taas waxey la mid tahey hadey dhacdo,, Qoraxda oo dhulka ku soo dhacda.. waxaan taas u leeyahey ayuu yiri isagoo weli hadalka sii wata,, dad soomaalida aad ayey ugu fududahey iney dhiig iska daadiyaan,, balse wey ku adagtahey iney midobaan.. taas oo Qalbigeega aad u gil gishey..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. qawdhan jibriil says:

    waleewaxaan lakalawadaan fahmaynee mar uun may noo geeyaan xaasas kayagii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. abdi omar says:

    aad ayaan u xiseyaa bogan waa runtii web aad iyo aad ula socdo somalida waana web aan aad u xiseyo oo usoo gudbiyo umada soamaliyeed marxalada heesto mesha ay marayaan waxaa leyahay ha ka dalina shaqada aad bulshada soamaliyeed oo dhibatesan aad u heysaan
    mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. anisa says:

    asc aboowe jimcale waxaan maqale ina boga qoralka ee migrationsvenket aya ku qorantahaye ina 7 qofa oo u fadhidaye armaha dadka somalida ah ee ilmaho ka maqan yihiin 6 ka mida aya isku racaday maye ee hada rabaan ha u naqadan ilmahoodii bala suaasha hada jiro iga soo jawaaba adiga oo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. bb says:

    qofkii ilaahay bariiskiisa ka qoray hal kaasuun baatagaya ee taas niyada galiya iinshaa alaah waxaan ilaahay karajay naynaasidii roon in ilaahay noogadhigo aamiin aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Massago says:

    Anisa M-Sveriketka dhan oo wadanka u yaal say 7 qoff go,aan uga gaaree meesha dagis maala furow haayaa mase dukaan dhareeed see cml hawshaan waa ineey kasoo go.daa 349,ka barlamanka iyo dhaman hay,.adaha ay quseeyso

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. sahro kiin says:

    jimcale masha allah illah ha kaa abaal mariyo wallo wararka sugan ee ad inoo soo gudbineysid masha allah niyada baa inoo dagtay wax walibane waa nasiib

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. zamzam says:

    asc wr wb jimcale wallo adbaan ku salamayaa waxaan ku weydinaya waxaan kesta foom malintii arbacada aheed waxaan nahay famil waxey i balamiye 21bishaan intara fiyuu marka ma surta gali kartaa iney ina siyaan vise

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Jimcale says:

    Zamzam: walaahi taas kama hor dhici karo hada, haddii goaan soo baxo uumbaan ka hadli karnaa faahfaahintiisa. balse nasiib wacan ayaan kuu rajeynayaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. zamzam says:

    asc wr wb jimcali mahadsanid wallo insha allah waxi ii qoran ma segayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0