Xisbiga Miljöpartiet oo ku hanjabay in ay ka baxayaan heshiiskii ay la galeen dowlada

24

Mowduuc ay ku qoreen wargeyska SvD ayaa afhayeenka xisbiga Miljöpartiet Åsa Romson iyo afhayeenka arimaha socdaalka Maria Ferm waxay ku hanjabeen in xisbigoodu uu ka baxayo heshiiskii dowlada haddii aan la fulin waxyaabaha dhiman.

Xisbiga Miljöpartiet iyo dowlada ayaa heshiis ku galay sanadkii 2011 in ay wada shaqeyn ka yeeshaan arimaha socdaalka oo ay ugu horeysa sidii loo mideynta lahaa reeraha, sidii daryeel waxbarasho iyo caafimaad loo siin lahaa dadka aan sharciga Sweden ku lahayn iyo sidii dad badan fursad loogu siin lahaa in ay Sweden degenaansho ka helaan.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada ayaa ka caga jiiday arimo badan oo lagu heshiiyay qaasatan arinta caafimaadka dadka aan sharciga lahayn iyo xitaa arinta mideynta reeraha inkastoo dadka caruurta leh shuruudii laga qaaday ayaa hadana aysan muuqan fursad lagu mideynayo dadka aan caruurta lahayn.

Mowduuca ay ku qoreen wargeyska SvD ayaa labada xubnood ee ka tirsan hogaanka xisbiga Miljöpartiet waxay ku dalbadeen in heshiiskii guud ahaantiisa la fuliyo  oo lagu soo daro miisaaniyada dowlada ee xiliga dayrta. Haddii taasi dhici wayso ayay cadeeyeen in guud ahaan heshiiskii ay la galeen dowlad uu qatar gali doono.

Xisbiga Miljöpartiet ayaa u muuqda mid ku qasaaray heshiiskii dowlada oo aan u muuqan kuwo doonaya in ay dhageystaan hadalka MP. Hadaba la arki doonee talaabada ay dowladu qaadi doonto iyo haddii ay dhageysan doonaan hanjabaada xisbiga MP.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here