Xisbiga Miljöpartiet oo mideynta reeraha shuruud ka dhigay

58

Xisbiga Miljöpartiet oo sanadkaan bilowgiisii heshiis la gaaray dowlada kaasoo ku saabsanaa arimaha Socdaalka oo ay ku jirtay arinta mideynta reeraha Soomaalida ayaa sheegay in aysan dowlada kala shaqeyn doonin qeybaha kale ee heshiiska ilaa la xaliyo arinta mideynta reeraha.

Maria Ferm oo xisbiga u qaabilsan arimaha Socdaalka ayaa sheegtay in ay dowlada ku wargaliyeen in aysan ka hadli doonin arimaha kale ilaa xal loo helo arinta cadeynta aqoonsiga iyo baasaboorka. Waxay sheegtay in wadahal xoogan uu socdo oo ay filayaan in wax la taaban karo ay soo baxaan isbuucyada nagu soo foole.

Waxay intaas ku dartay in xisbigeedu ay dalbadeed in la doonayo in xalku uu saameeyo dhamaan reeraha kuwa dhiiga DNA lagu cadeyn karo ee caruurta leh iyo kuwa aan lahayn. Balse waxay sheegtay haddii xal la gaaro in laga yaabo in badalaada sharciga ay qaadato mudo maadaama aysan ahayn hawl sahlan. Si kastaba ha ahaatee waxay sheegtay in ay doonayaan in arintaan la boobsiiyo.

Hadalka ka soo yeeray Miljöpartiet ayaa ah mid wax ku ool ah waayo heshiiskii dowlada ay la gaareen ayaa ahaa mid muhiim u ah xulufada uu hogaamiyo Raysal wasaare Reinfeldt iyadoo haddii shuruud looga dhigo xalinta arinta Soomaalida ay noqoneysa horumar weyn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here