Xisbiga Moderaterna oo doonaya in ay adkeeyaan midaynta qoysaska

9

Sida uu shaaciyay telefishinka SVT gudoomiyaha cusub ee xisbiga Moderaterna (M) Anna Kinberg Batra ayaa doonaysa in ay adkayso midaynta qoysaska soo galootiga, iyadoo balaarinaysa shuruuda in qofku uu shaqo iyo guri haysto inta aan lala midayn reerkiisa. Shuruudaan oo horay u jirtay ayaa ah mid aan lagu xirin dadka intiisa badan balse Anna Kinberg Batra ayaa hada doonaysa in marka laga reebo caruurta iyo waalidiinta dhamaan dadka kale shuruud looga dhigo in ay biilan karaan qofka ay wadanka keenayaan.

Waxay sheegtay in loo baahanyahay in sharciga wax laga badalo, iyadoo ugu baaqday koox ka tirsan xisbiga Moderaterna in ay ugu dambeyn bisha oktoobar soo bandhigaan mooshin ku saabsan arintaan. Dowladii hore ee Alliansen ayaa shuruudaan dhaqan galisay sanadkii 2009 balse dadka lagu xiray in ay shaqaystaan ayaa ah kuwo gaaraya 1% oo keliya iyadoo inta badan dadka soo galootiga ah laga reebay shuruudaan. Anna Kinberg Batra ayaan cadayn sida ay doonaysa in loo adkeeyo midaynta reeraha iyo dadka ay doonayso in shuruudaan lagu soo daro.

Xisbiyada mucaaradka ee ka tirsan xulufada Alliansen ayaa isbuucyadii la soo dhaafay si tartan ah u soo bandhigayay shuruudo iyo mooshino ku saabsan sidii loo adkayn lahaa qaxootiga imaanaya Sweden. Iyadoo xisbiga Folkpartiet (FP), Kristdemokraterna (KD) iyo Centerpartiet (C)  dhamaantood ay soo bandhigeen aragtiyo ku aadan arimaha isdhexgalka iyo socdaalka. Maadaama xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ay taageerayaal badan kala wareegeen xulufada Alliansen doorashadii hore ayay hada u muuqataa in xisbiyadaan ay doonayaan in ay dhaqan galiyaan siyaasadaha SD si ay u soo ceshadaan taageerayaashii ka tagay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here