Xisbiga Moderaterna oo hogaan doortay iyo Fredrik Reinfeldt oo siyaasada ka baxay

1

Xisbiga Moderaterna (M) ayaa shalay gudoomiye cusub u doortay in ay noqoto haweeneyda lagu magacaabo Anna Kinberg Batra iyadoo badali doonta raysal wasaarihii caanka ahaa ee Fredrik Reinfeldt oo Sweden soo hogaaminayay ilaa sanadkii 2006.

Anna Kinberg Batra ayaa hogaamin doonta xisbiga Moderaterna oo doorashadii la soo dhaafay looga adkaaday, iyadoo haddii ay ku guuleysato doorashada soo socota ee sanadka 2018 ay noqon doonto haweenaydii ugu horaysay ee raysal wasaare ka noqota Sweden.

Dhinaca kale, Fredrik Reinfeldt ayaa qudbadiisii ugu dambeysay ee siyaasadeed shalay ka jeediyay kulanka xisbiga, isagoo hada si rasmi ah uga baxay siyaasada. Reinfeldt ayaa qudbadiisa kaga hadlay waxqabadkiisii iyo isagoo qaasatan ka halay sida dowladiisu ay xooga u saartay abuurista shaqada.

Reinfeldt ayaa lagu amaanay in uu dhaqaalaha wadanka si fiican u maareeyay, isla markaana uu cunsuriyiinta meel fiican isaga xiray. Ka hor intii aysan dhicin doorashadii bishii september ee sanadkii hore ayuu Reinfeldt qaasatan u jeediyay dadka Sweden in ay qalbigooda u furaan qaxootiga, iyadoo la aaminsanyahay in hadalkaas dartiis ay  hoos u dhacday taageerada xisbigiisa. Balse Reinfeldt ayaan marnaba ka leexan soo dhaweynta qaxootiga iyo aragtidiisa ku aadan in aan lala shaqayn cunsuriyiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here