Xisbiga Socialka oo doonaya in ay meesha ka saaraan wasiirka Isdhexgalka

34

Xisbiga ugu weyn Sweden ee lagu magacaabo Socialdemokraterna (S) ayaa doonaya haddii ay dooarashadaStefan_Löfven soo socota ku guuleystaan in ay meesha ka saaraan wasaarada Isdhexgalka ee uu hadda hogaamiyo Erik Ullenhag, sida ay ku soo bandhigeen qorshaha xisbiga.

Qorshaha cusub ee xisbiga oo lagu ansixin doono kala fadhiga guud ee xisbiga Social Demokraterna oo ka dhici doona magaalada Göteborg bisha April, ayaa waxaa ka mid ah in aan loo baahnayn wasiirka isdhexgalka. Waxaa qorsha lagu muujiyay in erayga “Isdhexgal” uu yahay mid dhibaato leh, maadaama uu bulshada u kala qeybinayo kooxo kala duwan.

Xisbiga Social Demokraterna (S) ayaa ka dambeeyay abuurista wasaarada isdhexgalka sagaashameeyadii, iyagoo xitaa abuuray hay’ad lagu magacaabo “Integrationsverket” oo markii dambe xisbiga Moderaterna ay meesha ka saareen. Xisbiga Socialka ayaa waqtiyadii dambe u muuqda in ay yihiin kuwo aan sidaas ugu soo jeedin arimaha isdhexgalka iyo soo galootiga. Xisbiga ayaa xitaa aan lahayn afhayeen uga hadla arimaha isdhexgalka iyo socdaalka.

Qorshaha cusub ee xisbiga ayaa lagu sheegay in isdhexgalku uu yahay arin taabanaysa dhamaan siyaasada dowlada isla markaana ay hoos tagi doonto wasaarada cadaalada. Xisbgia Social Demokraterna ayaa ah kan ugu weyn Sweden isagoo doorashadii la soo dhaafay 2010 ay Soomaalida ku nool Sweden inta badan u codeeyeen.

 

Sidee u aragtaa in meesha laga saaro Wasiirka Isdhexgalka? Ku darso fikradaada…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here