Xisbiga Socialka oo dowlada cadaadis ku saaraya mideynta reeraha

37

Xisbiga weyn ee Social Demokraterna ayaa ugu baaqay dowlada in ay xaliso arinta mideynta reeraha Soomaalida haddii kale ay mooshin soo hordhigayaan baarlamaanka. “Xaaladu ma ahan mid la aqbali karo, dowlada waa mid wahsaneysa, waa in baarlamaanku ficil sameeyaa” ayuu  yiri Fredrik Lundh Sammeli oo xisbiga u qaabilsan arimaha Socdaalka mar uu la hadlaayay bogga Troochpolitik.

“Haddii aysan dowladu ku soo bandhigin arintaan siyaasadeeda ama mooshinada la xiriira miisaaniyada, waxaan sameyn doonaa in anagu aan hindise la imaano. Arintu markaas waxay u taalaa xisbiyada yaryar in ay doonayaan in arintu sida ahaato oo ay taageeraan siyaasadaan iyo in kale” ayuu yiri  Fredrik Lundh Sammeli oo hadalkiisa sii wata.

Waxa uu sheegay in ay rajeynayaan in ay soo bandhigaan mooshin culus oo la xiriira badalaada sharciga, isaga oo rajeynayo in ay helaan aqlabiyad haddii xisbiga Miljöpartiet uu ku soo biiro, isagoo sheegay in sharafta xisbigaas ay miiska saarantahay.

Ugu dambeyntii ayuu sheegay in wadada ugu wanaagsan ay tahay in dowlada ay arinta xaliso.

Dowlada ayaa waxaa soo wajahay cadaadis dhinackasta kaga imaanaya. Xitaa waxaa isku qilaafay arinta xisbiga talada haya ee Moderatka iyo xisbiyada xulufada la ah ee yaryar.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here