Xisbiga Vänsterpartiet (V) oo soo saaray go’aan macno daro ah oo Soomaalidu dhabar jab ku ah

Sidii aan dhowr jeer soo qornay isbuucaan Soomaalida Sweden ayaa aad uga gilgilatay ka dib markii xildhibaanad ka tirsan xisbiga Bidixda ee Vänsterpartiet (V) ay dacaayad cunsuriyad ah ka faafisay Soomaalida. Dalabka Soomaalida ayaa ahaa in haweeneydaan laga ceyriyo xisbiga.

Balse xisbiga ayaa arintaas u muuqda kuwo dhagaha ka furaystay isla markaana aan qiimeyneyn dalabka Soomaalida. Isbuucii hore ayaa xogyaha guud ee xisbiga waxa uu soo saaray baaq ku socda haweeneydaan oo uu ku dalbaday in ay muddo siyaasada ka fariisato, balse ka dib kulan dhexmaray isaga iyo xildhibaanada ayay go’aan ku gaareen in ay muddo 1 bil aysan ka nasato arimaha siyaasada ee saxaafada laga dheehan karo.

Go’aankaas ayaa ah mid macno daro ah isla markaana aflagaado ku ah Soomaalida oo doonaysay in haweeneydaan la cinqaabo. Tani ayaa muujinaysa in xisbiga Vänsterpartiet uusan qiimeyneyn codka Soomaalida isla markaana aysan Soomaalida u arag in ay yihiin bulsho muhiim u ah.

Dhinaca kale, shalay waxaa warqad ay soo qoreen ururo iyo dad u badan Kurdiyiin Shiicada ah ay soo saareen warqad taageero ah oo ay u fidinayaan xildhaanadaan iyagoo xisbiga ugu baaqay in aysan Amineh wax talaabo ah ka qaadin. Arinta yaabka leh ayaa ah in dadkaasi ay ku jiraan ururka dumarka Eritrea oo u muuqdo kuwo aan waxba la socon. Waxay sidoo kale warqadooda ku tibaaxeen in Amineh ay weerar ku hayaan dad Muslimiin xagjir ah oo dumarka neceb (taasoo loola jeedo Soomaalida??).

Hadaba Soomaalida Sweden waxaa la gudboon in ay dadaalkooda sii wadaan isla markaana kuwo xubnaha ka ah xisbiga V ay meel cad uga soo jeestaan arintaan isla markaana ay isaga baxaan xisbiga haddii aysan talaabo wax ku ool ah ka qaadin haweeneydaan. Arintaan haddii guul laga gaaro ama lagu fashilmo waxay tijaabo u tahay tayadda codka Soomaalida Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. somali baan ahay says:

    somali walee bahdilaad uun haku nooladan yaab aqoond daro ayaa qayrkood ka reebtay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  2. Dharbaxo says:

    Somali maxamed ha dorashada so socoto cod kiina hasinaha västarparte hal cod ha ugu ridinaha somalida katirsan xisbigan waxan ugubaqaa iney kasobaxaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  3. soma says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  4. qaxootidoon says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 8

  5. waryaa says:

    Suprise? Not

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. luul says:

    asc
    somali sidee ayey wax ku wada qabsan karaan waa wada sidaan oo miiran bal hada akhri inta mowduucan komentiga ka soo bixineysa waxad arkeysaa kuwa aad isleedahay kuwan soomaali ma aha war soomaaliyey damiir xumada iska daaya waayo aragnimo idinku filan waad leedihiin waad ka timiden wadan colaad ka dhacday waxadna u soo guurteen wadan nabad ah waadna aragtaan firqiga u dhexeyo. waxanku talinaya somaliyey midnimo wadajir ayey gacmo wax ku gooyaane maskaxdiida iyo muruqiina mideya

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. luul says:

    asc
    somali sidee ayey wax ku wada qabsan karaan waa wada sidaan oo miiran bal hada akhri inta mowduucan komentiga ka soo bixineysa waxad arkeysaa kuwa aad isleedahay kuwan soomaali ma aha war soomaaliyey damiir xumada iska daaya waayo aragnimo idinku filan waad leedihiin waad ka timiden wadan colaad ka dhacday waxadna u soo guurteen wadan nabad ah waadna aragtaan firqiga u dhexeyo. waxanku talinaya somaliyey midnimo wadajir ayey gacmo wax ku gooyaane maskaxdiida iyo muruqiina mideya

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. Amal says:

    Waaka xumahay inaa codkeyga siiye markale laakin madhaceeyso inshaallah Jimcaale soo sheeg xisbiga soomalida taagero

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Somaliska röster says:

    Bananbaxa ka dhici doona Örebro ee naagtan ka dhanka ah halaga soo qaybgalo inta dagan nawaaxiga Örebro täck !

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. Siraaji Cismaan says:

    waxaan u maleynaa maadaama ay qolo shiicada ka mid ah ay naagtaan taageero siiyeen sida qoraal kaaga ku qoran in laga yaabaa naagtaan somali oo %99 sunni ah in ay sunninimadooda la dagaalsan tahay haddey iyadu shiiciyad tahay.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  11. Quman says:

    Hadaan somlinahay Horta maxaynu cid iskadifaacnaa Waynu iskasoo hor jeed naabee qaarbaa haday doo naan raacsan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Alasow says:

    Somaaliyeey siyaasad iyo gaal u codeentiisa iska daaya ee danihiina garta qaxooti yurub iskuugu tagtay aatihiin ee rootiga ha isku aqoonsanina iyo ceerta yar ee gaalada kaleexda masaajida iyo guryaha hasoo dhaafina kaarkina yar kista idinkugu so dhacdo fiirsada dhaq dhaqaaqane yareeya waa idiin dan xisbi bidix iyo midig toona haku mashquulina ninkii wax qaban karo somaliya ha aado ee dalkisa kuwa dhibka kuhaayo haku mudaharaado maalin walbo waxow qaba karo ha u qabto wadankisa somalida sweden jogto haloo duceeyo yaan dhib kale loosoo jeedin af daboolan dahab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0