Xisbiyada Mucaaradka oo balan qaaday in taageerada dhaqaale loo siyaadin doono hooyooyinka iskaabulada.

0

Xisbiyada midoobey ee Mucaaradka Sweden ayaa balan qaadaya in ay 1.225 milyan oo karoon meel ugu xiri doonaan waalidiinta iskaabulada ah, tan oo qeyb ka ah dadaalka ay ugu jiraan sinaanshaha raga iyo dumarka.

Taageeradaan cusub ee la siinayo waalidiinta iskaabulada ah ayaa Mucaaradku ku soo bandhigi doonaan qorshayaashooda maaliyada , maalinta Isniinta.

Mucaaradka ayaa sheegay is badalo badan in loo baahan yahay si loo gaaro sinaansho xaga dumarka iyo raga ee dalka Sweden.

“Hooyooyinka iskaabulada ah ee caruurta leh waa kuwo u baahan fiiro gaar ah” ayay ku yiraahdeen war murtiyeed.

Lacagta mucaaradku ay balan qaadayaan ee ah 1.225 milyan karoon ayaa waxaa loo qeybin doonaa sadex. 1. taageero waxyaabaha caruurtu u baahan yihiin, 2. taageero kirada, 3. iyo adeega caruurta xiliyada ka baxsan saacadaha shaqada.

Ugu horeyn, mucaaradku waxay balan qaadayaan in ay siyaadin doonaan lacagta taageerada caruurta lagu siiyo waalidka ilaa 100 karoon sanadka 2011, iyo 150 karoon sanadka 2012.

Sidoo kale waxay balan qaadayaan in ay siyaadiyaan lacagta taageerada kirada ilaa 130 karoon cunigiiba. Qorshahaan ayaa la filayaa in uu ku kaco ilaa 200 oo milyan oo karoon sanadkasta.

Sidoo kale mucaaradka ayaa isku raacay in ay 100 milyan oo karoon ay dhigaan sanadkasta 2011 iyo 2012 si ay kamuunada Sweden ay u bixiyaan adeega caruurta xiliyada ka baxsan saacadaha shaqada.

“Waalidiin badan oo shaqeysa xiliyada maqribada ama habeenkii ayaa dhib ku qaba in ay u helaan adeeg xanaano caruurtooda”

Xisbiyada mucaaradka ayaa intaas ku daray in ay shacri cusub soo jeedin doonaan oo siinayo waalidiinta iskaabulada ah in ay adeeg xanaano u helaan caruurtooda xili kasta.

Waxaan ka soo xiganay wargeyska TheLocal.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here