Xisbiyo soo jeediyay in qaxootiga shuruud looga dhigo in ay shaqaystaan luuqadana bartaan

Xisbiga Folkpartiet (FP) iyo xisbiga Kristdemokraterna (KD) ee kawada tirsan xulufada mucaaradka ee Alliansen ayaa hindiseyaal ay soo jeediyeen isbuucaan ku sheegay in shuruud looga dhigo qaxootiga imaanaya Sweden in ay luuqada bartaan si baasaboorka loo siiyo isla markaana ay shaqaystaan oo guri helaan si familkooda loola mideeyo.

Waxay kale oo labada xisbi si kala duwan u soo bandhigeen shuruud ah in qaxootiga la siiyo deganaansho ku meel gaar ah, oo haddii ay shaqo helaan loogu badallo mid joogto ah. Waxay sidoo kale ku taliyeen in la joojiyo lacagta la siiyo haweenka gurijoogta ah. Xisbiga Folkpartiet ayaa sidoo kale ku celiyay in shuruud looga dhigo soo galootiga in laga qaado imtixaanka luuqada si baasaboorka ay u qaataan.

Xisbiga Miljöpartiet (MP) ayaa ku tilmaamay hindiseyaasha xisbiyada Alliansen in ay yihiin kuwo aan u wanaagsanayn isdhexgalka maadaama dadka soo galootiga ah ay la soo darsayso xaalad aan rasmi ahayn. Isla markaana xisbiyadaan ay arimahaan ka leeyihiin dano siyaasadeed oo keliya balse ay san xaqiiqo ka ahayn in ay xaliyaan arimaha isdhexgalka.

Dhinaca kale, xisbiga keliya ee ka tirsan Alliansen ee fikrado fiican la yimid ayaa ah Centerpartiet (C) kuwaasoo soo jeediyay in qaxootiga marka ugu horeysa ee ay Sweden yimaadaan la siiyo fursad ay deganaanshaha ku qaadan karaan haddii ay shaqo helaan, taasoo ka degdeg badan halkii ay bilooyin ku jiri lahaayeen xeryaha qaxootiga. Xisbiga ayaa sidoo kale ku taliyay in dowladu ay dhisto dhismayaal ku meel gaar ah si loo xaliyo dhibaatada guryo la’aanta.

Si kastaba ha ahaatee, arimaha isdhexgalka, qaxootiga iyo socdaalka ayaa markale ku soo laabtay masraxa siyaasada Sweden iyadoo ay u muuqato in xisbiyada kale ay hada ku soo baraarugeen guulihii ay gaareen xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) kuwaasoo mudooyinkii dambe hogaanka u haayay dooda isdhexgalka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. deeqa says:

    Waxan u arka inla xamaasho inay wanagsantahay luuqadana labarto inlaga hortaho cunsuriyada sii diyadaysa sumcad xumada wadankan walayimid horay haloo docdo xisbiyadana tlabadan ay wadan xalka kaliyee laguladagalikaro SD marka somalay kakac toosh baa idiin saran ee iskaqaada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  2. Dharbaaxo says:

    Asc waa salaman tihiin Aniga fkirkeyga waxan u arkaa cunsuriyad Iyo iney leyihiin Dana qas
    Ah Xisbiyadaas o ah Inqaab lo Adek sanayo
    Bulshada
    Weenta sokalotiga kunol wadan kaan Iyo Kuwa imanaayo Aniga waxan ware satey nin kaso Jedo wadan kale waxan wey diye waqtiga ow imadey Swedan. Waxow
    I shegey inow imadey a soo 13 jir Ah hadana wax ow jiraa
    54 sana jir waxan dhameye Jamaicad 3 year waxan cod sadey 80 shaqo o mail u direy waxa ISO jawabo wan Waaye. Hada waxow usha qeyaa qebta Carurta skollka o dadka cusub mar sevriga shaqada. Waa adjtahay sida dad cusub uga Helaan shaqo Marka ader yaal dadka Yaa laqaldin o dad Dana qa as wato Yana latageriin umada manakin waye dad shaqeyo wey jiraan Marka Hadaa Adiga shaqeyso hadayicin dadkaaga Hana u hilinin wayo dada wax qoroon aqirinaa jiro o bulashada kunol Mahad sanidin

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  3. Yuusuf Somali says:

    ASc Asxaabeey Arinkaan waa Ololo guud ee ka socdo wadamada leesku yiraahdo scandinavian horay waxay uga jitay UK,,,Holland,,,Germany,,,France,,,Belgium marka ayagan waqtigooda ayaa la joogaa oo waa imaan doontaa in Dhalashada Luqad Lagu xiro taasna Maahan inaad Luqada xoog u taqaan ee waxa lagaa rabaa inaad form buuxsan karto xoogaa yarna fahmi karto waana Arin Macquul ah Wixii ka yar 50 sano oo aan qof weyn aheen inuu isdabaraa Luqada xoogaa ka bartaa Maalin Walba iyo turjumaan iyo Caawinaad Waa Laga fiicanyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. professor says:

    Tan koowaad, shaqo iyo waxbarasho qaxooti loodiro uma arko aniga sharuud e waa wax dan u ah qaxootiga.
    Tan labaad, dhinaca shaqada kusoo hartay, weligaa hadhageysan qof haduu kudhaho sweden shaqo maleh mise shaqo leeyma siinin. Adiga Dadaalkaada dhinacaada kaxooji.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. Aadan faaruuq says:

    ASC.Aniga ra,i ahaan waxan qaba in ay wanagsan tahyay in luqada la barto.
    maxa yelay luqada waa shayga aad isku fahmaysa bulshada aad la noshahay.
    hadi kale waxad tahya qof aan bulshadiba ka tir saneyn.ama laga yaso.
    Dhanka shaqada .in qofka u shaqaysto waa qasab una isku dayao in uu xogiisa cuno.
    Hadii kale mar walbo waxa tahyay qof hoseya oo gacan kale wax ka suga.
    SOMALAY AAN HURDADA KA KACNO SUUQA SHAQADA WADA GALNO
    WADANKA WAA WADA SHAQO LKN WA IN AAN ISKUU DAYNAA MARKA KOWAAD.
    WAXAN LO DHIBTON LAGU DHEEFSADO. MAHAD SANIDIIN.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. KHADIIJO BAASLAAWE says:

    ASC WALL AAD AYAAN UGU FARAX SANAYAHAY IN LUQADA LA U ISKU XIRO IYO SHAQO SOOCIYAAL HATUUKSAN WALAAHI WAA WAX LAGU FARXO EE LUUQADANA WAXAY MUHIIM U TAHAY QOFKA NOLOSHIISA EE WAXAAN JAWAAB URABAA 2 SU AAL SVERIGE SHAQO MALEEDAHAY SOOMAALISE LUQAD MARABTAA SOOMAALIDAN KU ARKAY S F I GANA LUUQADA QIIMHAY LEEDAHAY MA OG YIHIIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Samiir özil says:

    asc aqyaarta waxaan qabaa suaal ah sharciga sweden ayaan heestaa baasaboorka waan dalbadey wali iima soo bixin marka ID Card ka iyo litamaquunka Maku duuli karaa Oo Maku aadi karaa wadan yurub kamid ah aan aheyn scandanevien jwb aan idinka helo thanks all!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Nurdin Ise says:

    Samiir özil walal hadii passprka sweden horay u qaadatay lakin hada ka dhacay oo aad xareysatay oona haysatid National Identity svenska ID waad ku duuli kartaa kilikiis yurub oo dhan xita Uk. lakin hadii aad codsiga ugu horeeyey pass ka tahay walikaa horay u qaadanin passka ma duuli kartid. By Nurdin Ise Eskilstuna

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. ِAbubakr says:

    Asc wr wbr
    ugu horeyntii aniga waxaan u arkaa arintan hadalkani inuu yahay qorshe cusub oo ay rabaan siyaasiyiintan mashruuc ay wax uga cunaan qoxootiga korkooda, ee Ilaa hada waxaa la sheegaa iney qoxootiga ama soo galootiga ay shaqeystaan, waayo ninka diidan inuu shaqeysto!!?? waa qorshe cusub oo lacag lagu cuni rabo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. somalweyn says:

    horta ma daad kii horay uu jogay ey sameyne waxa la sheyga masa waa daad ka cusub waxa ey ula dan lee yahin teyda kale somaliya aa nabad naqotay irsaaq alaah ayaga inoogu ma dhibin qof ki ey dhiban ha is kaga labto somaliya .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. wax wada qabsi says:

    swedan marka aa gadaal uu sii firiso waxa aarke swedish badan oo aan shaqeyn ajnabiga sida wadan kan ey uga shaqeyan waa yabe hadi ey noqan la heyd paratik ama shaqo caadi ah ajnabi wadan kan wax weyn ey ku soo qordhi yeyn soo maahn walaal. meyshan marka uu qof ajnabi ah wax xado waxa lagu dhahaa ajnabi aa wax xaday lakinsa marka daad kooda wax xadan aa uu sheygto cid ka dhagey seyso malahan police lagu ma waco. aptotek uu wax ka xada yaay oday wadan kan uu dhashay walaahi .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Najka ise says:

    Yaaab yaaab nin aduun jogow maxaa aragti ku laban hadanah manta mataney kenen awal cunsur nimaa dhadhameyse

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. Ahmed says:

    Perfekt Nu pratar du !

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0