Xitaa booliska Sweden ayaa taageersan cunsuriyiinta

2

Warbixin uu qoray wargeyska Expressen ayaa lagu soo bandhigay in taageerada ay booliska Sweden u hayaan xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ay tahay mid aad u saraysa. Wargeyska oo warbixinta ka helay afti laga qaaday goob ay boolisku ku kulmaan ee bogga Facebook ayaa lagu soo bandhigay in 18% boolisku ay codeynayaan xisbiga SD.

Arintaan ayaan ahayn mid lala yaabo maadaama boolisku ay yihiin kuwo si joogto ah ugu dhex jira bulshada isla markaana markasta la kulma dhacdooyinka ka dhaca xaafadaha soo galootiga. Booliska ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr qof oo soo galooti ah toogasho ku dilay taasoo lagu cambaareeyay in aysan xitaa digniin siinin dadka ay dileen. In Boolisku ay taageersanyihiin xisbiga SD oo doonaya in uu soo galootiga ka sifeeyaan Sweden ayaa ah mid cabsi leh.

Agaasimaha ururka ay ku mideysanyihiin booliska (Polisförbundet) Lena Nitz ayaa sheegtay in siyaasada SD iyo sharciga boolisku aysan ahayn kuwo isqaban kara maadaama SD ay ku dhisanyihiin naceybka dadka halka boolisku ay doonayaan cadaalada iyo badbaadada dadka. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here