Mid ka mid ah golaha kamuunka Eslöv oo u matala xisbiga cunsiriga Sverige Demokraterna (SD) ayaa loo diray in uu soo barto luuqado Swedishka ka dib markii ay ka dacwoodeen xubnaha kale ee kolaha ayagoo sheegay in aysan fahmin luuqada uu ku hadlo. Ninkaan oo ah raga ugu caansan  SD ayaa lagu magacaabaa Arvid Frandsen asagoo ku dhashay gobolka Jyllands ee Denmark halkaas oo looga hadlo lahjad ka duwan kuwa kale. Gudoomiyaha goloha kamuunka Christine Melinder oo ka tirsan xisbiga Moderatka ayaa sheegtay in aysan guud ahaan fahmin ninkaan luuqada uu ku hadlo. Xitaa waxaa loo keenay turjumaan asagoo ku guul dareystay in uu fahmo. Xisbiga SD ayaa lagu yaqaanaa in ay sheegtaan in ay Swedish dhab ah yihiin oo neceyb u qaba dadka soo galootiga ah. Waxaa haboonaan lahayd haddii la fariisin lahaa ninkaan fasal ka mid ah SFI.

Xubin ka mid ah SD oo loo diray in uu Swedish soo barto

Mid ka mid ah golaha kamuunka Eslöv oo u matala xisbiga cunsiriga Sverige Demokraterna (SD) ayaa loo diray in uu soo barto luuqado Swedishka ka dib markii ay ka dacwoodeen xubnaha kale ee kolaha ayagoo sheegay in aysan fahmin luuqada uu ku hadlo.

Ninkaan oo ah raga ugu caansan  SD ayaa lagu magacaabaa Arvid Frandsen asagoo ku dhashay gobolka Jyllands ee Denmark halkaas oo looga hadlo lahjad ka duwan kuwa kale.

Gudoomiyaha goloha kamuunka Christine Melinder oo ka tirsan xisbiga Moderatka ayaa sheegtay in aysan guud ahaan fahmin ninkaan luuqada uu ku hadlo. Xitaa waxaa loo keenay turjumaan asagoo ku guul dareystay in uu fahmo.

Xisbiga SD ayaa lagu yaqaanaa in ay sheegtaan in ay Swedish dhab ah yihiin oo neceyb u qaba dadka soo galootiga ah. Waxaa haboonaan lahayd haddii la fariisin lahaa ninkaan fasal ka mid ah SFI.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. Salaaxudiin says:

    Walee aniguwaxaan qabaa Gaal waa isku mid ,, Midka waxa aw kuu qabo kuu sheeganaa ayaa ka Roon kan Aka kaaga Qoslaa , hoosna kaa cunaa !! Horay ayaa looga maah maahay ( Gaal isagoo God Kuu Qodaa Ayuu ‘Hej’ Ku yiraahdaa ) Marka SD waxay afka ka dhahday waxa Xisbiyada kale Uurka nooga qabaan !! Iyagaana dhahaba oo waxay dhahaan ” Vi säger vad Ni Tänker ” oo u dhiganta : Waxaan dhahaynaa waxaad ku fekeraysaan ” Marka hoow , war hoow dadkeeygoow dabinka ha isku dhiginana !

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Mohamed says:

    war sxn waxaan kayaabay iga qosliyay ninku haduu intas joogatay muxuu ubarawayay luuqada,sidoo kale maxa cunsurino ugeyaya waaba ajnabiye? teedada kale ninku mabilaabay SFI mise wali-++

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Salaaxudiin says:

    Ustaad Maxamed ninkaan maahan Ajnabi sidaan anigu ka fahmay , balse waxaa aw ku soo koray dhanka Denmark , sidaa awgeed ayay Lahjadiisa fahmi waayeen , balse maanta waxaa jira Ajnabi badan oo Ciraaqiyiin ah oo SD ka tirsan oo xitaa xubin firfircoon ka ah !

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. massago says:

    umadaaan arkaba bal nin dhan siyaasi ah ay lee yihiin luqada mayaqan lkn horta waa sax maxaa yeelay ninka dhan oo ugu dunka wayne SD,,ga mudane Jimmie nåntinsoon lama fahmo mugaw qudbadeeyhaaa muga cidaan ayuka dhamaaba iska saas ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0