Xulka kubadda cagta Iswiidhan oo u soo baxay cayaaraha adduunka

0

Xulka qaranka kubadda cagta dalkaan Iswiidhan ayaa u soo baxay ama u soo gudbay cayaaraha adduunka ee sanadka soo socda lugu wado in lugu qabto dalka Ruush-ka.

Kooxda qaranka Iswiidhan oo xalay ay fooda is dareen dalka Talyaaniga ayaa ciyaartan oo aheyd mid xiiso leh waxaa ay ku soo idlaatay bar bar dhac oo labada kooxood aaneey dhalin wax goolal ah 0-0.

Hase ahaatee natiijatan ayaa dalka Iswiidhan waxaa ay horseeday ineey boorsooyinkooda u sii xir xirtaan ciyaaraha adduunka ee Ruush-ku martigelinayo sanadka soo socda. Labadda kooxood ayaa horey u soo xiray iyadoona ay guusha raacday xulka reer Iswiidhan.

Dhinaca kale ciyaartan oo ka dhacday garoonka garoonka San Siro ee magaaladda Milano laga dareemayey guul darrada Talyaaniga ku qabsatay gurigiisa. Waa markii ugu horeeysay oo dalka Talyaaniga ka haro tartanka ciyaaraha adduunka tan iyo sanadkii 1958-dii oo aheyd markuu sidaan oo kale uu ka haray ciyaaraha kubada cagta adduunka.

Somaliska.com-Göteorg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here