Yaa lacag siinaya dadka cusub ee imaanaya Sweden?

Iyadoo Laanta Socdaalku ay cadeysay in Soomaali gaareysa 20,000 laga yaabo in ay dacwo ku yimaadaan Sweden sanadkaan iyo sanadka xiga ayaa waxaa dood ka taagan tahay cidii qarashkooda bixin lahayd?

Dadka ay u dacwoodeen qaraabadooda oo Sweden sharciga ka qaadatay wixii ka dambeeyay 2010 waxay xaq u leeyihiin in ay ku biiraan xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) kaasoo bixin doona qarashkooda isla markaana u abuuri doona qorshe ay shaqo ku heli karaan, bulshadana ku dhex gali karaan.

Balse dadka doodu ka taagantahay waa dadka ay u dacwoodeen dadkii ay horay u qaabileen kamuunada ee Sweden sharciga ka qaatay bilowgii sanadkii 2010 iyo wixii ka horeeyay. Dadkaas Arbetsförmedlingen shaqo kuma leh, kamuunadana lacag lagu siin maayo qaabilaadooda. Arintaas ayaa waxay dhalisay qaylo dhaan ka timid maamulada kamuunada oo sheegaya in Soomaalida inta badan ay yihiin dadkaan, isla markaana aysan awoodin in ay bixiyaan  qarashkooda.

Dowlada ayaa dhinaceeda ku adkeysanaysa in aysan shaqadooda ahayd maadaama dadkaan ay yihiin dad ay u dacwoodeen qaraabadooda ku nool kamuunada. Arintaan ayaa ka dambeysay hadalkii gudoomiyaha degmada Katrineholm oo marar badan muujiyay dhibaatada dhaqaale ee Soomaalida cusub u keeni karaan magaaladiisa.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

34 Responses

  1. Cabdulaahi says:

    a.s.m. anigu rayigayga hadaan dheebto waa hadii la iikeeno xaaskayga iyo wiilkayga yar waa farxad aad iyo aada Alle ayaan ku xirnanaanaa maxaa yeelay Alle ayaa risqiga bixiya marka inta aan noolaha Alle ayaan ka baryayaa risqigeyga maxaa yeelay inta aan la i abuurin ayuu Alle risqigeyga meel iigu keeygiyay w.w.w.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 2

  2. Mohammed says:

    A.S.C Dhamaan WAlaalaha SAlaan ka dib Anigoo Sii Raacaya Hadalka walaal keyga Cabdullaahi Aad Baan kula qabaa fakarkaaga .WAxaa Xaqiiqa ah Hadeynu nahay Dad Muslim ah inuu Alle Inoo balan qaadey Xaga Risqiga . sidoo kale iimaankuna waa Shey Qaali ah Hadana Cajiib ah Dadbaa jira Maanta Sida Gaalada U fakareyso u fakaraya ”Yaa Wax siinaya Dadka Soo Socda” Oo kaaley iyaga ka hor yaa wax siin jirey oo hadaba wadama ay joogaan Soo Dadka ay u soo socdaa soo ma biilaan. . Waxaan kaloo kugu taageersanahay FAkarkaaga ku aadan Sida Aad u farxi Laheyd Haduu Alle Maantay kuu keeno Xaaskaaga iyo Canu-gaagan yar . Qof waliboo Muslim ah WAxaan u rajeenayaa Inuu Alle u FUdudeeyo Una Keeno Caruurtooda iyo Ragooda\ Dumarkooda\Caruurtooda\Waalidkooda Haduu Kheyr ugu jiro Imaanshadooda Allena Ha inaga Xijaabo Shartooda Gaaladan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  3. nuuro says:

    Asc marka hore jimcaale salaan ka dib walaalo waan maqley warkaas laakiin waxaan ku weydiinayaa dadka kammuunada ka tirsan oo horey dacwadooda loo diidey laakiin sanadkaan dib u soo xareeyey iyagu dhinacey raacsan yihiin kammuunada mise arbetsförmedlingen arintaas ii faahfaahi jimcaale adigoo mahadsan waxaan ahay hooyo sadex diidmo horey u heysatey laakiin hada dacwadeedii dib u soo xareysey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. magan says:

    salan jimcaale ninyaw horta dadka ma inta aad taqaano magacyadooda ayuunbaad u jawaabta waa iga su.aal ee waxaan ku waydiyay dhowr jeer dadka aan waxba isu dhalin yacnii aan caruur haysan maxaa laga yeelay iyaga arinkoodi bal arinkaa iga caawi walaal ilahay ajar iyo xasanaad haka siiyo ee by

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. Barwaaqo says:

    A.S.C Waxaan idinku salaamay salaanta islaamka salaan kadib waxaan filayaa hadii ay yimaadaan dadka lasheegayo qarashkooda in uu Allaah bixinayo oo aan cidkale wax u tarikarin cidkastoo qeylo dhaamisane waxba kama sameynkarto wixi Allaah ugu talo galay ayeyna helayaan inshaa`Allaah waxaana rajeyneynaa iney ku noolaadaan sidi Ilaah ugutaligalay cid kaceshankartona majirto. Wabillaahi Towfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Jimcale says:

    Nuuro…haddii aad sharciga qaadatay ka hor 2010…dadka aad u dacwootay waxaa masuul ka ah kamuunada.

    Magan: Waan isku dayaa in aan qofkasta u jawaabo balse hawlo kale ayaan leeyahay marka waqti uma heli karo in aan ka jawaabo suaalo badan. Mida kale, arintaas aad i waydiisay marar badan ayaan ka jawaabay oo mowduucyo xitaa waan soo qoray.

    Dadka aan caruurta lahayn hada rajada ma fiicna…haddii wax cusub soo baxaan waan soo qori doonaa insha Allah.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  7. jaylaani muse says:

    Waxan kamid ahay dadka dacwada uga socoto safarada sweden ee addis ababa wa kabadan 2 sano waxana kala kulmay dhibatoyin badan sida jirdil hirteda an sexdo ilaa hadana wan ku jiraa dhibtaas waxan amin sanahay faloyinka laga bixinayo sweden in ay i niyad jebinayan wayo waxan amin sanahy shaqada mana rabo cabayarate wax cayr ah inaa ku tirsanaado lakin hada niyad badan uma hayo 90%

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  8. MASSAGO says:

    Asc fikir taas kaduwan aan qabaa anigu dadaan waagay imaan hungurigooda intaan laga doodin. 2010 —— 2012 halahaas ay xirneed dacwada dadkaaas suuq xiranku ku dhacay yaa lagu dalacaaaaa biilkoodi ku baxay Hay-ada socdaalka waa ineey kajawataa taaas meesha lacag badan ku maqan sidoo kale tirada 2-madaas sano afriko aaday say u soo booqato cidahooda 80% ay kor uga kacday sanadki 2008-2009 silicaas yaaka masuul ah ?????????

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  9. hassan says:

    asslamau-calaykun walaalkeen jimcale aqbaartiisa aniga waxaan imi halkan bil ka hor waa sweden, waxaana i qaabilay kamuunka ama ceyrta waayo waxaa la igu dhahay sidaa ayaad xaq u leedahay balse sida muuqatana soomaalida imaan doonta inta badan waa ceyr ama haddii la sii faahfaahiyo waxeey heleyaan dhaqaalo aad iyo aad u yar oo nolashoodda ka badneeyn tusaale ahaan aniga waxeey ii sheegeen inaan helayo 2800 kr oo dhiganta 350 dollar intaa ka badan waxaan ka helayey afrika waayo markaan afrika joogaa south sudan ayaan ka shaqeeynayey waxaan bishii heleyey 800 dollar intaa waa inta aan save-gareeyn jiray marka walaalaha meel walba aay joogaa yeeysan meesha imaan saheedda lacag badan isaga bixin waxba ma yaaliin waxaa kuu dhaanta adigoo 15000 dollar halkan ku imaaneeysid shaqo ku abuurta.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. Abdirahaman sheikh dahir (wasiirka) says:

    Asc dhaman kheyr allaah ka dhigo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  11. Saredo says:

    War aniga sheekada ayaa idhinac martey marbaan rabey inaan dhoho soomalida sweden kunool lacago halayska aruuriyo si kamuunada loosiiyo dadka imaanayo hakucaawiyeene ilen waxay dhehen qarash umaheyne mise waa qaldamay?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  12. Bashir says:

    waad salaaman tahiin somalisa xiriirka la leh Somaliska.com, waxaan kaloo salamayaa (Jimcaale) oo aan mar kasta u duceeyo oo inoo soo gudbiya xaalada Sweden nooc kasta ha ahaatee, haday xun tahay iyo haday fiican tahayba waxaana leeyahay jimcaale sxb waad mahadsan tahay. Hadii aan ka hadlo qoraalka ay (Sareedo) soo qortay waan ku raacsanahay in somalidu lacag iska ururiso ka bacdina aan kammunada ku darsano si familiyaadkeena loogu caawino, ilayn Sweden waxay tiri Kammunadu lacag ma haystaane

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  13. Hassan says:

    To Bashiir iyo Sareedo
    Su,aasheyda waxaa ay tahay Somalida lacagta iska aruurineyso
    intee ka kenayaan mida kale mida ceyr ahaanta loo siiyay miyey dib ugu celinayaan kammunka mise iyogaa biil ahaan u qaata?
    Somalia oo wax lagu dabaruco ayaa 22kii sano ugu danbeeyay maqleenay
    marka ilaahey ilmaheena hanoo keeno haddii uu qeyrka ugu jiro irsaaqdoodana ilaahey ayaa kafaalo qaaday inta eysan dhalan.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  14. umu rayan says:

    asc walal jimcaale wan ku salaamay su,aasha aan ku weydinaayo waxa ee tahay aabahey waxuu sharciga qaatey 2009 maxa laga falayaa ma dadka is dabaraaya miyuu ku jiraaa waa jawaab muhiim ah broooooooooo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Saredo says:

    @hasan su aashada waa ok somalida hal kaan joogta waa ognahay inaysan dhaqale fiican helin hasa ahaate hadii wax lagu helayo taburucadka waxaan qabaa in la is kudayikaro sidii looga qayb qaadan lahaa imaatinka dadkas

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  16. fatima says:

    asc jimcaale iyo dhamaan asxaabta soomaliyeed ee meesha isugu timi suaal baan qabaa singalka soo guursaday iyo kan horey xaaska isu qabeen ma isku mid baa mise waa kala duwan yihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  17. ahmed says:

    waa yaab sweden haba war meey kenee shit country iga dheh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  18. yaaska says:

    sxb mararka qar wan ku qoslaa waxaad ku hadasho ama aad soo waxaan kushegaa in aadna soo qorin adiga waxaad rabto uun

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  19. fatima says:

    jawaab maleh miyaa soomaliyeey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  20. maida says:

    asc jimcale iyo dhaman asxxabta somaliska ku xiran waxan qaba runtii in ilahay uu kafala qaday risiqooda ilahayna keeni karo ayago lagala tashan wax walba waxa ka weyn amarka alle subxanahu watacalaa marka ilahay hanoo keeno dad keena amin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. mark says:

    waar waan idiin salaamaya dhamaan shaqaalaha websatkan

    sxb markaa war soo qoraysaan naga daaya afswedenschka aad soo qorayso waa dhib hadii kale waad ka guuraynaa websatkan inshaa alaaha

    khayr ayaan idiin rajaynaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. yaabane says:

    waa yaabanahay oo waxaan la yaabay waxaa la dhahay yaa lacakta bixinaayo qof dhahaayo waa shaqeesanaa malahan ha sheegin waxey ku waasheen ilaahey ayaa risqigeyga haayo ,ilaahey maa waxoo ku yiri iska fadhi , ma taqaaniin( iscaa yaa cabdi fa anaa ascaaa ma caak ) ilaahey sidaas ayuu yiri ma taqaaniin micnihiisa waa kaca oo fadhiga ka kaca anigana waa idinla garab galaa waaye micnaheeda , ceyr maahinee oo wax kale ma ujeediin hal qof xataa ma dhahaayo ilaahey shaqo hanoo sahlo , acuudu bilaahi ceyrtaan oo aad jibha u dhigateen iska daaya war shaqeysta bisinka iyo burdaha

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. kowthar says:

    Asc dhamaan aqiyaartaa. waxan u jawabaayaa ninka labaxay yaabane horta walaga fican yahay in aad u hadasho Af ayaa iguyalaa kaliya. macnaheeyga waxuu yahay waxad ku hadleeyso xageey ka jiraan waa marka runta laga hadlayo dadka intaa shaqo radiiso iyo intaa aan radiinin waxa badaan intaa radiiso shaqoo waxan arkaay daad 6sano jooga aa malina fadhiisan oo shaqo radiyo hadana laa qadaar alle iyo ogalaansho loo ogaleen in u shaqeesto waa xagaa dadkaan aan la nolnahay dhankeey doontabaa haka imaatee. marka miyaa la dhihii karaa waxa danbiga leeh dadka oo shaqo madoonaan taasi waaqalaad wabilahi towfiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  24. MASSAGO Till Yaabane says:

    Yaabane sax waaye hadalkaaaga ( YADUL CULYAA KHERUN MIN YADISUFLAAA ) yaa biilaa dadka intaan lagu fikirin waa qumantahay in lagu fikiro ama lesku dayo ineey ayagu shaqeeystaan iskuna filnaadaan. Inkastoo wadanka aw ka liidto dhinaca shaqada hadana inaad uun muujiso inaad aktiv tahay maxumo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  25. su.aal says:

    asc waxaan salamayaa dhamaan somalida iyo mamulka webka.
    anigu wax badan oran maayo lkn waxaa ii muqata in aan laga hadlin mawduuca oo ah qayla dhaanta ka soo yeraysa kammunada swede kuwaas oo ka cabanayaa Somalida imaandoonta taas oo ay kawadaan waxaan qadi la,ayn kuwii hore oo aan wax soo kordhin ,aan aqoon lahayn, aan shaqaysan,ku nool cayrta.Abahay aniga oo qaadi wayeey baa abihiis la ii keenay!

    walaalayaal waxaa ceeb ah in aan manta sharafteenu dhulka taalo hadana aynaan ogayn ana ku joogjogsanayno sharafeenii oo ooyeeysa, cabaadaysa, cabanaysa, war fadhiga ka kaca oo shaysta ganacsi samaysta waxuun isku daya swedeshku waxaa ay yaqanaan i tus oo itaabsii ee mayaqanaan ilahay baa ku irsaaqaya!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  26. naana says:

    asc dhamaan walaalayaal waxaan idiin shegaya wadankan shaaqo wey tala laakin somali aa mashaqeysta yaal ah hadaan nahay somali fadhi ku dirir nosheg imisa carab shaqeysato luqada ma baraneyno marabno inaan faceyna lajan qaadno tuugsi nosheg iyo hadal war somaliyey dad noqda wlh shalay ayaa iskolka waxa macliminta na dhahen maogtihin wadankan dadka aan shaqeysanin inay yihin somali marka dadka kale maxey uu muqan wayen somali kaliya maaxa lo arkey waa wax anaga aan isku kenay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  27. somaali dhab ah says:

    asc SOOMALYEEY qaxooti waaa la nacay oo yurub waa laga nacay ee DALKII haloo duceeyo inuu ilaah noo hagaajiyo oonabad nooga dhigo qofkii aan sidaas ogeynoow ogow hada dadka loo marmarsiiyoonayo waa idinka oo hadba wax loo sheegayo bal fiiriya wadamada USA ,UK somalidu waa shaqaystaan scandivanka norge arag bal waa hees waxaas ay isku jiibinayaaan dawlada iyo kommunada ee dalki haloo duceeyo warka dhamaantiis dadka leh waan shaqaysanaa allaha idin barakeeyo.waa nasiibkiina midaas aqoontu waa la wada hayaa shaqana ma jirto wadankaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  28. somali says:

    ilahay ka baqa somaalaay oo wadankiin aamina waad waalatee wadankiinii baad soo gubteen , hadana waxaad ku fikiraysaan imisaan qaadaynaynaa imisaan cunaynanaa , mala ogolaaday iyo wax kale oo badan ilahay wax kheyr leh barya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  29. fatima says:

    asc dhamaan walalyaal wax walba waa laga baxaa dalkeena ayaa nabad noqon doona in shaa ALAAH

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. fatima says:

    aamiin samiyoow

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Runsheeg says:

      yaasiinaayo Rabi ayaa siinaayo ma kuwa joogaan ayay ka xun yihiin waxaaba la filayaa in kuwa jooga in laga gooyo lacagta saa waxey is ku dirtay Rag iyo dumar ee laga joojiyo waaye oo la siiyo kuwa soo socda ee baahan oo Afrikada ku soo daahay saas waaye arintu in sha allaahu yaasiinaayo xey tahay Rabigii irzaqooda u qoray markey xab iyo biyo ahaayeen ayaa siinaayo Aadane wax uma haayo saas u ogaada.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. Abdulrazak sheikh abubakar says:

    Asc dhamaan waa idin salaamayaa akhayaarta sharafta leh iyo gudiga web , marka hore waxaa su aal mudan yaa rizqila dhiibo ? Yaan wey diisanaa ? Yaa baraninaa hadaan culeeys dareeno? Yaa umuuraheeyna fudu deeyo ? Intaas oo dhan jwb aheeda waa allaah . Marka ma aha in aa is wey diino oo dhahno yaa lacag siinaayo qoysaska imaanayo sweden qof waliba rizqikeeda waa laqoray inta ey ku leedahay aduunka , balse dadaal waa loo baahanyahay oo meesha ka ma marno. Marka hore alle bari kadibne dheh yaarazaq yaa fataax waad heleysaan allane halaku kal soonaado bani aadan adoo kalaa wax kuuma qaban karo . Kasoo qaadka alle ayaa is ka dheh ……….. ………………Mahadsanidiin………………..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. Ismail says:

    asalaama calaykum wr wb waxaan rabaa inaan inyar ka idhaah do halkaan ayaan waxaan ku arkaa dad leh hadii dadkayga laykeeno ilaahay ayaan arsaaqad kasugayaa waasax oo ilaahay ayaa balan qaaday irsaaqadaada laakin ilaahay kumuusan odhan caydh iyo wax dad kula mid ah lagasoo jaray kunolow oo weligaa sug waxaba taas kasii daran caydha ay dadka somalida ahi kuqanacsan yahiin inay kunoolaadaan maaha wax loogu talagalay inuu qof noloshiisa sugo oo aanu shaqa tagin markaa walaala yaal iska daaya daciifnimada oo shaqo taga oo weliba raga soomalida ahow qaadka aad ufadhidaan intaad iska daysaan shaqo raadsada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. mr banadiir says:

    asc walayal dhamantiiin salan ka bacdi dadken dhan maxa waye waxa nugu qofolan ina dadki keno wadankii an u dhalanay waxa so qatay wa yar yihin war an u duceno wadankii waxan ka helen af iyo dhaqan suban diin shaqo waxa walbo xiita m/weyne wa noqonesin kkakaka marka wblt my somali qali all

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0