Yaa u maqan Soomaalida nolosha ka dhacday ee ku dhibaataysan Stockholm?

11

Isbuucii hore waxaan la kulmay  koox Soomaali ah oo aan tiradooda ku qiyaasay 10-20 oo qamriga iyo daroogada ku isticmaalaya bartamaha Stockholm. Dadkaan oo isugu jiray ragg iyo dumar oo Af-Soomaali ku wada hadlaya ayaan markii aan u dhawaaday oo aan isku dayay in aan sawir ka qaado ayay aad u caroodeen iyagoo aflagaado iyo handadaad igu bilaabay. Si degdeg ah ayaan goobta uga baxsaday anigoo aysan ii suurto galin in aan ka wareysto xaalada ay ku suganyihiin. Balse waxaa ii suurto gashay in aan sawir ka qaado labo ka mid ah oo qamri isku haysta.

Dhibaatada haysada Soomaalidaan ayaa ah mid aad looga xumaado, iyagoo naftooda dhibaato ku haya isla markaana dhibaato ku haya umadaha kale ee ku nool Stockholm. Sababta ay dadkaan u doortan in ay ku kulmaan bartamaha magaalada oo ay qabtaan indhaha dadka kale ayaanan garanayn balse waxay cabsi weyn ku hayaan dadka kale. Hadaba su’aashu waxay tahay yaa u maqan Soomaalidaan? Waxaan ahayn dad isgargaara oo daryeesha kuweena noloshu ku adkaato balse Soomaalida Sweden ayaa u muuqata kuwa indhaha kala dabooshay oo aysan cidna u xanuunsanayn dhibaatada haysata kuweena kale.

Dadkaan nolosha ka dhacay ee ku dhibaataysan Stockholm iyo magalooyinka kale ee Sweden waxay u baahanyihiin daryeel iyo gurmad. Aaway jaaliyadihii mashruucyada been abuurka ah ku qaadan jiray Soomaali ayaan wax u qabanaynaa? Maxay mashruuc ugu qaadan la’yihiin dadkaan in ay dariiqyada ka kexeeyaan oo daryeel u sameeyaan?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here