Yasin Mahi oo doonaya in uu dimoqraadiyada Sweden gaarsiiyo Somalia

Yassin Mahi  oo ka mid ah Soomaalida mudada dheer ku noolaa Sweden, ayaa markii labaad u sharaxan doorashada madaxweynaha Somalia. Isagoo doorashadii hore isaga laabtay ka dib markii uu ka cabsaday musuqmaasuqa ka socda doorashada. Xiligaan ayaa u sheegay in uu markale tijaabin doono, isagoo u waramay wargeyska Katrineholms-Kuriren.

Mahi ayaa sheegay in uu doonayo in uu Sweden ka qaato nidaamka dowladnimada iyo dimoqraadiyada oo uu gaarsiiyo Somalia.

“Waxaan wax badan ka baranay dimoqraadiyada Sweden oo aan qaadan doono. Nidaamka halkaan ka jira Ayaan wadankeena u doonaynaa” ayuu wargeyska u sheegay Mahi.

Yasin Mahi ayaa 20-sano ka tirsanaa xisbiga Socialdemokraterna (S) ee magaalada Katrineholm, isagoo hadda doonaya in casharkii uu ka bartay siyaasda Sweden uu gaarsiiyo Somalia.  Yasin ayaa wargeyska uga waramay sida uusan ugu qanacsanayn nidaamka doorashadu u dhacayso ee ku salaysan doorashada qabiilka, isagoo sheegay in uu doonayo in qofkasta oo Somalia ku nool uu codkiisa dhiibto.

Maku raacsantahay Yasin Mahi in Somalia ay u baahantahay nidaamka iyo dimoqraadiyada Sweden? Ku darso fikradaada….

Faafi mowduucaan

yasin-mahi-edited

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. osman says:

    hej yasiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. Qadan Daahir says:

    haa waan u baahanahay qof isaga o kaleeto ah o wax bartey lk yaa kayeelaya weeye soomaali maskaxda qabyaalad baa ka dagtegtey anigu koley wan ku raacsanahay in ay fiicantahay inuu qof walba dhiibto codkiisa halka qabyaalad wax lagu dooran lahaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 4

    • jidka says:

      looma baahna ruuxu wato jinsiyada kale sidaa darteen ayaan loogu baahnen ruux sidiisa oo kale

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. Warsame says:

    Waa ka aamsay arintaan magaranaayo wax aan dhaho

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  4. Muufo says:

    Sheekadaas hada kama shaqeyneyso waxaan ilaahey ka baryeenaa dalaala qeyr qabto in uu wadankeena keeno!

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Somaliboy says:

    Dad badan Oo wax magarata ah waxay ay maqleen dimoqradiya anaga waxaa nahay wadan muslim ah gaalada inaan ku daysano wax lagu faano may noqotay waa yaabe

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 2

  6. faduma aragsan says:

    asc walalle waxan donaya in ad war iga sisan waxa hesta sharci talyani ah waxa la igu dhaha dacwada waxa ka xaren karta swedan ado la joga carurtada maxa ka jira warka mida kale hadey jirta halke lo mara maxa sharud la isaga bahan yahay fomka la buxinaya wa lambarke way idin furan tahay jawabta tack

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. sahra elmi says:

    illaahow wadankeena dimoqraadi hanaga geynin subxaanallaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0