Ygeman: Soomaalida diidmo ayaa la siinayaa, wadankooda ayaa lagu celinayaa

Wasiirka arimaha gudaha Sweden Anders Ygeman ayaa warbaahinta u sheegay in ay dowlada Soomalia kala hadlayaan dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee sharciga loo diiday. Wasiirka ayaa wargeyska Dagens Industri u sheegay in qaxooti badan oo Soomaali ah diidmo la siin doono balse ay dhibaato ka haysato dowladiisa sidii ay dadkaasi wadankoodii ugu noqon lahaayeen.

Wasiirka ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay dowlada Somalia wadahadal la furaan sidii ay u qaabili lahaayeen qaxootiga qasabka lagu soo celinayo. Wasiirka ayaa shalay shaaciyay in 80.000 qof wadanka laga musaafurin doono sanadkaan. Qorshaha wasiirka ayaa ah mid si weyn u saameynaya soomaalida dhawaan magalyada ka dalbatay Sweden iyo kuwii horey diidmo loo siiyay. Wasiirka ayaa u muuqda mid hadda u soo jeestay sidii uu dadka uga nadiifin lahaa Sweden.

Dowlada Sweden ayaa sii adkeynaysa siyaasadeeda soo galootiga, iyadoo hadda xisbiyada wadanka ay tartan ugu jiraan xisbiga noqonaya kan ugu siyaasada adag dhinaca socdaalka iyo soo galootiga.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. cali maxamud says:

    Waxaan ka codsan lahaa dowlada somaliya in eysan ku deg segin heshiska maxaa yeelay somalia maant nabad kama jirto ilaah haka qabto umada sonaliyed calooshood u shaqeystayaasha saxiixi doono in la celiyo somalida

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 9

  2. kkkk ilaahay idiinkma iman somaliyey iimaankaad la dihiin waayo waxaan rabi idiin qorin lama raadiyee rafaadka isga kaaly somaaliyaa hada ugu nabad fiicn caaalamka oo melkaste dhib waa ka jiraa waa in qarsta.iyo in qarin weyda iswedhan maxaa yaal dadkii 20 sano dadkii dagnaa baa tajiri wayey dadkii somaliya jogyna dawarluhu maantay meel uu ku hoyduu dhisty e kaaly somaliya.somali baa leh hal mar halaga guuro galdaan aygaa qaxootiga u baahan oo dhihihilaaa iswedhan waxy rabtaa qaxooti ilashy wax kuma ahan sida yiman inay gaalo u soo waxdo wadn muslin ah gaar ahaan somaliya welcom somalida la diidy dalkiinii hoyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 8

  3. Bodaye says:

    Warkaan waa been cad umada kadaa wax yabaha mala awaalka ah yaa xayawaan waaxid

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 14 Thumb down 14

    • Xafid says:

      Waa kugu racsanahy sababtoo ah wargeyska waxaan dhan kuma qorno ninkaan waxa soo qoraayo beenta umada ka yaree

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  4. Omar says:

    Asc aqyaareey nin webisku sheega qora iska daaya markalana ha aqrisanina beenyiisa waxaa cadeynaayo radio sweden ee webkaas gala meshaas waxkasto kala socda idoo cod iyo qoraal eh viva inta beenta neceb

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 8 Thumb down 6

  5. ifka says:

    waa arin wanagsan hadii sii lo eego waayo dhaalinti wadanka cadaawga ka xoorayn lahad way sowada tahriiben markasad leedihin daawlada somaliya haka fiirsato in aay heshiis lagasho sweden ya u maqan wadaankeenii ????????? nin iyo naagba wan sowada dhuufnayee kenya iyo itobiyan aya badaani macaanayd iyo dhiimcadii somaliya ku raxeysanayo oo somalidi oo dhaan u kala go goyay reer rer iyo gobol gobol

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

  6. Mustafa says:

    Sxb jimcaale adika marwalbo soomalile dhanka xun la jeceyl miyaadan soomali eheyn waa maxay marwalbo dhawar jabkaa iyo dhanka xun i tusisaa ssomaliada misne aad ugu jibineysid niyada war Alle ka baq oo ka leexo somalida plz

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 9 Thumb down 5

  7. Jimcale says:

    Mustafa sxb anigu wixii Soomaali quseeya ayaan soo qoraa, haddii ay fiicanyihin iyo haddii ay xun yihiin. Danteeda ayaa ku jidha in aan ogaana waxyaabaha dhacaya ee la xiriira Soomaalida.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 27 Thumb down 8

  8. Alasow says:

    Jimcaale adiga fikir ahantaada maku faraxsantahay in somali wadanka nabad galyo utimid o dhib badan usoo maray iney mar uun imaadan sweden la celiyo o dadaalkoodii hal bacaad kulis laga dhigo

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  9. Axmed Lucky says:

    Asc dhammaantiin .marka labaad mid ha la fahmo soomaaliyeey Jimcaale ma aha cadaw soomaaliyeed ee waxa uu soo gudbiyay oo kaliya waxa ay dawladu soo saaarto ee qaxootiga ku saabsan markaa danbi kuma laha iyo in lagu canaanto midna. run ahaantii ma jiro qof soomalida dhib la jecel lakin mawduuca uu soo qoray maaha mid isagu uu soo go aamiyay ee waa wax dawalda Sweden ka soo baxay. Fadlan u fiirsada inta aydaan wax soo qorin oo aan fahanno waxa uu soo qoray in ay yihiin uun wax ka yimi dawalda ee aan ka iman dhanka Jimcaale.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 4

  10. Miskiinka alburuuj dheregdoon says:

    boowe waa war ku wanaagsan in lasoo gudbiyo waadna ku mahadsantay dadka seefta inay ku dhacdo ka baqaya baan ka mid ahay………guul iyo gobanimo…..indho adeeg iyo dulqaad baanu la dheelehnaa…… insha allah lkn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Dadka jimcaale afka ku tagaayo hadii aad taqaanaan swedish wargeesyada sweden kasoo baxa aqrista jimcaale afka haku taagine naxariis ayuu idiin sameeyay oo waa uu isiin fasiray mahadsanid dhaha ileen somali waligeed asxaan malaha qaarkeedee

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

    • Xafid says:

      Adiga miydad aqrisay wargeska uu mesha ku soo qoray inuu ka soo xigtay teeda kale wargeeskaas as aqriyay kumana qornen Somalia in LA celinaayo

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. luul says:

    asc
    somali waa loo baqaa in la celiyo wayo waxa laga la yahay tashada oo dalkiina u tashada cadaw meelkale ka yimid idinma heystee. markaasey ayagana intey badaha soo wada cabaan oo meelwalba oo dalkii ka mida soo faarujiyeen ayey weli qabiil qabiil u kala tageerayaan oo lacago ku taba rucayaan sidii ey qabiilkii kaye u gumaadaan. sow kama fiicnen inti nala jeclaa in an fursada ka faa iideysano oo aan gacmaha intaan is qabsano si wada jir ah hiil iyo hooba aan la garab istaagno sidii uu wadankeena u dhismi lahaa waayo nin kuu dulqaadanayo ma jiro oo weligaa ku gargaaya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  13. khaatumawi says:

    Asc.ma xuma warkan lkin waxan ka codsan laha warkan mesha aad ka so xigsatay ma u sheegi karta ummafa somaliyed?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2