16 jir Soomaali ah oo kufsaday gabadh 9 jir ah

Sida ay qorayaan warbaahinta Denmark wiil 16 sano jir ku jooga wadanka Denmark oo loo soo xiray in uu kufsaday gabadh 9 jir ah ayaa qirtay in uu geystay dambigaas. Arintaan oo ka dhacday meesha lagu magacaabo Gullestrup ee u dhow magaalada Henning ayaa ceeb weyn ka dhalisay dalkaasi Denmark.

Wiilkaan ayaa la sheegay in gabadha yar ee 9 sano jir ah iyo saaxiibteed oo 10 sano jir ah uu midi ku cabsi galiyay ka dibna ay carartay gabadha 10 jirka ah halka gabadha kale uu meel la tagay ka dibna kufsaday. Waxyar ka dib ayaa waxaa ku soo baxay qaar ka mid ah dadka xaafada isaga oo meesha isaga cararay. Booliska ayaa goobta ka helay bac ay ku jiraan kondom oo farahiisa laga helay.

Booliiska ayaan markii hore hubin in uu isaga yahay qofka dambiga geystay balse waxaa la sheegay in uu hada qirtay in uu arintaas ka dambeeyay. Sidoo kale booliska ayaa ka shaki qaba in uu wiilkaan ku lugleeyahay kufsiyo kale oo horay uga dhacay Denmark.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. Abu Salaaxudiin says:

    Alle halaga Baqo , Dhalinta Guurka Xalaasha ah Halagula Dadaalo ,

    Guurka marka Rasuullku scw nagu buuriyay Dhawrsanaanta Bulshada ayaa Ku Jirta ………

    Waalidiintoow Alle uga baqa Ilmihiina , Dhul Gaalo ayaad keenteen , mana ka warheeydiin xaalkooda!!

    Waxaadna u aragtaan wax ceeba inaad ilmihiina kala hadashaan arimaha Guurkiisa , waadse MOOGTIHIIN waxyaabaha aan u Joogno ee Iskoolada iyo Meel walba ka dhacaya.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  2. Saacid says:

    Waa arin cajiib ah waxaan arkey rag badan oo ku fikiraayo sidii ay naag ku heli lahaayen wax kasta iney usameeyaan marka waxaan kula dardaarmi lahaa qurbo joogta gaar ahaan sweden iney dumarka fududeeyaan guurka ay xujada ka daayaan ragga sida aroos weyn aqal qurux badan idhig dahab igad iney ka tanaasulan si wax yaabo badan looga badbaado.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  3. ifraax says:

    walahay wan ka xuumahay wiilka somaliyed ee dhiibka weyn ku qabsaday quurbaha maanta hadii uu joogi laha wadaankii dhibken lama u kulmen waayo waxa u helilaha gabar ku jecel buusarada ama bila aroos laaakiin wan ka xumaday ee waxan ku wargalinaya gabdhaha somaliyed ilaahey ka baqa oo raga somaliyed bila shaarud ku guursada gur wa guur aroors ama bila aroos aakhiiro rabii kuma weydiinayo aroos ninkii aad guursatay ma ku dhigay walahay waxan ogahay dumar badan oo maanta guur dona laakin ka xiishonaya heebel ayaa biire ilayabeya oo wa ceeb oo waxan ahay gabar naa hebel wax ku qaban maayo iyo somaali ee tasho ninkana sidee kale gabadha wax u sheeg dumarku wa calool jilec sanyihin markad ku tirahdo aabayo waxan raba in aan kala hadlo guur markeey kugu tirahdo wax miyad isku heysa ha caraararin maskax isku kashaada inta wa iga daardaran walalaha somaliyed mahadsanid intii sogudbisay buurnamishakan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 1

  4. Qaacaye says:

    Dadka dha haayo halo guuriyo sidag-dag ah ma waxe iloowsan yihiin mesha u ku guursanaayo..misa qolka Hooyadiisa iyo aabihisa aya Gabar Somali ah looku aqal kalinaa !!
    Aniga waxan jiraa 15 waana dareemi kara baahda walaalkas xalkiisana weey adagtahay sida moodin maaahan ..-

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  5. dhaqane says:

    a s c marka hore wan ka xumahay arinka ku dhacde inanka ah somaliga ah tan xigta hablaha kaliya yan la sarin un qalad ragana wa ay leyihin qalad wayo habla jogo swedan aya africa u aden gur o laga shukansade intarned marka ragana wa bodsan yihin dumarkana sido kale 2 mid halakala qarabto o hablahana africa ha u dontan wilal ay ku qanacsan yihin wilashana sido kale habla ay ku qnacsan yihin ha dontano hadi kale hala wada hadlo o arinkan wax halaga wada qabto gabdhaha un yan la cabirin o an lagu ifin toshka 4 qadka ah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  6. gacal says:

    kkk sln all qaaciye adi lee hanagu kufsanin bror dadka aan 18sana gaarin xalkooda waa inay mehersadaan arooska muhim maaha sheeqa iyo 2 marqaati iyo 3 qof oo martiya cashadooda 500 karoon ka yar ayaa ku baxaysa gabadha waalidkana wixii loo awoodo hala siiyo boqol dollarba ha ahaatee marka arrinta guriga qolka aad gurigiina ka dagantahay ayaad ku qabi kartaa asbuucii laba jeer xataa hadaad kulantaan waa ok idinkoo reerihiina la dagan waaba isku dhammaatay hala baashaalo hala boodboodo.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  7. cadna says:

    asc waan idin salaamay walaalaha dhaman waxaan layabanahay dadkena badanaa intey isku dhiibaan da yar hadana sameenaayo wax yaalaha qaladka ah war ilaahay ka cabsada oo ku dhaqma diinteena macaan oo kahara wixii ilaah idinka reebay oo ku dhaqma wixii niila baneeyay rag iyo dumarba asc

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. bravom says:

    aniga waxaan qabaa in gabdhaha soomaaliyeed masuul ka yihiin dhibka ay sameenayaan raga soomaaliyeed, waayo guurki ayay ka dhigeen dhaqaale..heblaaba aroos ayaa loo tumay ee anna iga tun… war haduu xalaal diyaar la idinla yahay maxaad ku diidantihiin gabdhayahoow, mase xaaraanta ayaad door bidaan, waa yaab.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. galdile says:

    s w w . waxaan qabaa arintaas oodhan waxaa kasuula schoolada waayo waxaa looga sheekeyaa sex waxaana loo shidaaa sex movie marka waxaa meesha ka baxay diintiii iyo dhaqankii

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. superdeeqo says:

    Asc all
    aniga waxey ila tahay wiilkan Somaliyed in ow sharafta dadka somaliyed ow meel uga dhacay sababto ah hadii qof shaqsi ah sameyo qalad in ey sameyneso bulshada dhan tedada kale waxa a kale oo sabab in ow waxas ku koco dadka Somalida iyaga ayaa wax walba sabab u ah dhalin yarada sameyan maxaa yeelay qof wanagsan ayey xuman ku tilmaman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. DEEQO says:

    ASC marka hore waan ka xumahay walaalka dhibka ku dhacey koleey sheydaan ayaa qaalib ka noqdey marka xiga ifraax waxaan kuu sheegaayaa sanadkaan gabdhaha ma aha qaali yurub waxaan ugu imaaney jiifka haduu wiilka gado fadhiga gabadhaa gadeyso arooskana waaba la isku darsadaa meesha gabdhaha qatarta ka ahaayeen waa afrika marka waxba gabdhaha yaan la eedeyn mida kale halkaan 18sanaa lagu qaan gaaraa loomana ogola 16jir guur weliba soomaalida dhibka heysta waxa waaye da, been ah ayaa lagu wada joogaa 25 jikii waa 15 jir 20 jirkii waa 10 jir Ilaaheey ceebteena ha asturo bal dhalinyarada ha lagu wacyi geliyo diinta hadii taas lagu dadaalo xal waan gaareynaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  12. DEEQO says:

    gacal walaal waxaad ku hadleysid waa dhaqan xumo xey tahay 500 la isku mehersanaa ka dibna labo maraa la is arkaa asbuucii guurkiiba sharaftaad ka qaadey saarboow camal maan u dhaqmeynaa annagoo islaam ah qol waa idinku filan yahay maad si toosa u dagtaan oo iimansataan waxuu eebe idin siiyey waxaan kaloo ugu yaabey soomaalida qurbaha ayagoo is qabo oo ilmana iska dhalaayo ayeey is inkiraan oo ay kala qoran yihiin gabadhu wexey leedahay ilmahaan ma aqaan wax iga dhaley ninkana wuxuu leeyahay maalinkastoo la wareysto naagteeydii waan furey culimadiina wexysheegeen markuu dhaho waan furey iney dalqad tageyso marka bishii meeqo maruu dhahaa waan furey mase la dhihi karaa dadkaas waa is qabaan waxeyna sidaas u yeelayaan wax yar oo dhaqaalaa oon sidaas u buurneyn war soomaaliyeey ilaaheey ka baqa magaceeniina dhulkaad la gasheenee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Jimcaale says:

    Wiilka wu raaxeystay rageeda waaye mida kale nagahaan danish ka ama svenska ah siil iney ku siiyaan ayey hadane dhahayaa wuu i kufsaday – markey saas dhahayan waxaa fiican in dabada laga cuno edeb ayey yeelanayaan that is my fucking idea

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  14. Imam says:

    Asc walaalayaa waxaan idin weydiiyey idinka xumaanta soomaalida bas lee maad qori taqaanaan soomaalida wax yaabo badan oo fiican ayeey sameeysaa balse idinka badi masoo qotaan. Bal arinkaas dib ufiiriya.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  15. hawa says:

    u malen maayo 16 jir inuu yahay waa dadkaan odayaasha ah da yarta isku dhiibayu e talyaniga faraha looga qaaday

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0