“8000 ayaa dacwo xaraystay”

Xiriir aan la sameeyay Laanta Socdaalka ayay iiga warameen halka ay marayso xaalada mideynta reeraha Soomaalida. Sidoo kale warbaahinta Sweden ayaa dhowr mowduuc ka qortay isbuucaan isla arintaan.

Haddii aan ku bilaabo warbixintii ay i siiyeen Laanta Socdaalka. Ayay ii sheegeen in ilaa 8000 oo codsi uu soo gaaray safaaradaha Sweden ay ku leedahay bariga Afrika. Waxay intaas ku dareen in 3500 ka mid ah dacwooyinka ay hada gacanta ku hayaan gacanyaraasha Laanta Socdaalka, balse inta kale aysan wali soo gudbin safaaradaha. Sababta aysan u soo gudbin safaaradaha ayay ka gaabsadeen in ay faahfaahiyaan. Waxay kale oo cadeeyeen in inta badan dadka kiisaskooda soo gareen Laanta Socdaalka laga qaaday dheecaanak DNA, oo durbadiiba qaar la siiyay ogolaansho.

Sidoo kale waxaa hada soo bilowday imaashaha dadkii ogolaashaha la siiyay. Magaalooyinka Norrköping, Göteborg, Borlänge, Sala , Stockholm ayaa ka mid ah goobaha ay yimaadeen dadka mudada sugayay in lala mideeyo reerahooda. Farxada iyo reynreynta ka muuqata dadkaas la mideeyay ayaa ah mid aan la soo koobi karin. Iyagoo in ka badan labo sano ay si wada jir ah u wada ciideen.

Waxaa la filyaa ilaa 27 000 oo Soomaali ah in ay dacwo xareystaan ilaa sanadka 2014 balse dadka aan caruurta lahayn iyo caruurta la soo korsaday ayaa ilaa hada aysan jirin wax rajo ah oo ku aadan mideyntooda. Waxaa muuqata in ay meesha ka baxday ololihii loogu doodayay dadkaan. Si kastaba ha ahaatee, culeyskii ugu weynaa ee saaarnaa Soomaalida ayaa u muuqda mid hada la fududeeyay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

32 Responses

  1. fatimina says:

    asc dhaman muslinta wax magalada borlänge yimid malahan ana dagan 1gabar a la siyay ogolasho ila hada ma iman canugeda marka saas ogado

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  2. shurkri says:

    wax yimid borlänge ma lahaan anaga joogno hal gabar le ogolaasho la siiyay wax loo keenay ma lahaan marka dadka ka daaya beenta hadaad tihiin bahda somaliska.com

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  3. Jimcale says:

    Waa ku mahadsantihiin fariinta Fatima iyo Shukri. Waa sida wararka nagu soo gaareen oo keliya. Waxaan hubaa anigu oo xaqiijiyay waa Norrköping, Sala iyo Stockholm.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  4. fatima says:

    SINGAL BAAN NAHAY WALINA WAAN SUGEENAA MA RAJA BEELIN INSHA ALLAAH

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. baashi says:

    asc dhamaan umada somaliyed gaar ahaan aqristiyaash webka somaliska salaan ka dib waxaan aad ugu farxsanahay culeyska laga fududeyey umada somaliyed gaar ahaan familad wax isku dhalay, kuwa aan wax isku dhalin oo singalad ah waxaan u rajenayaa in iyaganeh mar dhow culeyska ka dago insha alaah. waxaan qabaan su,aal Walaal jimcaale labo qof is qabto oo wax isku dhalin oo isku dacwoday oo lo diday ma jiraan wali inta la furay dacwoyinkaan hada socda hadi ee jiraan neh waa maxay sababta logu diday wayo qofka leh sharci oo dagan wadankaan xaq buu u leyahay in uu la nolaado xaaskis ama ninked hade hadi aad wax i dheertahay bal xogaa i cadee pointi gaas bro, mahad sanidiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. samka nuura says:

    ACS/ waxaan halkaan kasalamayaa dhamaan umada islaamka ah meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan umada soomaaliyeed waxaan walaal idinku dar san lahaa hadii la awoodo in lasameeyo mudaharaadyo looga hadlayo dhamaan inta qof ee is qabta oo aan wax isku dhalin iyo walibana dulsaarka maaadama aanu kolay joogno sweden taas oo cadeynaysa kala maqnaashaha dadka aan wax isku dhalin illaahayna waxaan ka baryayaa inuu garabkeena gali walina magaalooyinka waaweyn sida sadaxda caasimadoodi sverige, waa iga talo walaal ASC

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. farxiyo says:

    hooyadey iyo walalahey waxeey maren dhiiga dadka rajada leha maku jira lkn ani wali mamarin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Raaho says:

    A s c dhaman umda somaliyeed waan idin salamay melkasta oo ad jogtaan intaas kadib walaal waxaan ku weydinaya jimcale aniga waxaan hestaa ciyal 4 ah kan ugu wen waa 12 jir 2 jer waxay la isiye didmo marka arinta qosaska lamideynayo aniga ima quseyso miyaa walaal waxaan ka raba jawab adiga oo mahadsan fadlan ii soo jawb wayo waan ku warery kiskeyga ahay gabar jn qabaa suaal dhor marna waan ku weydiye ee adiga oo mahadsan iga jowab walaal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Raaho says:

    qof kasto oo somali ah hadii uu ugu dhamo arintas wuu iga jawabi karaa walaalyaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. naana says:

    to raaho sis gorme lagu siyay didmada gormese xareysatay mexey ku dhehen markey ku diden taas ka hadal sis markas ayaa lagu jawaabi kara

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Abdiyare lffc says:

    Asc dhamaan Asxaabta ciid wanaagsan mida kale hadii aan isku dayo inta aan hubo oo aan u jawaabo gabadha raaho la yiraahdo walaalo waxaan kugula talin lahaa in ilmahaag meesha ay joogaan inta aadaan safarada sweden ha soo xareesteen dacwo cusub waayo immigaraionka waa ay sheegeen wax walba waa cuseeb dad sas sameeyay waan arkay oo hada maray DNA marka waa sas mida kale jimcaale dad badan oo yimid malahan bro lkn waa bilow wanaagsan meelaha qaar

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Abubakr says:

    ASC WR
    salaan ka dib jimcaalle waad mahadsan tahay awwalan teeda kale madaama aad tiri dadka aan caruurta isu dhalin rajo malahan inta aad weydiisay may ku yiraahdeen rajo malahan mise inta aad weydiisay ayay ka gaabsadeen wasaarada socdaalka, arintaas noo faah faahi fadlan, hadii aadan weydiina, isku day inaad weydiiso hadii ay dhacdo inaad furasad u hesho wasaarada socdaalka oo aad kulan ama wareysi la yeelato. inshaa alaah shukran.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  13. Ali says:

    Waxaan salaamayaa dhamaan muslimiinta oo dhan meeskasta ooy joogaan gaarahaan somalida salaankadib waxaan leeyahay somalida sweden ku nool waxaynu gaadhnay guul haddii maanta aysoo billaabmeen middeytii dadka kala maqnaa bye

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  14. fatima says:

    ALI WALI DAD BAAN GUUSHA AAD SHEEGI KULA GAARIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. Najma says:

    Asmc, Laakiin Ali walal waa biloow fiican. oo hadii ilmaha iyo waaridka laisku keeno, awal intaas maanaan haysan, intakalena waan udoodaynaa, waan mudaharaadayna, way iman insha,allah. laakiin ogow aduunku waa”STEP BY STEP” halmar guusha lamawada gaaro!Dulqaadku yuu naga dhamaan.wsc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  16. faysa cawo says:

    walal waxa an u wazdiizaz hadii qofta ay gaadho dadii qaan gaadh ka ah oo walalheed iyo caroortooda lo so qadayay
    maxaa laga hayaa xal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. dahir says:

    akhyarta asc,suasheyda wa dadka o joogo yurubta o dacwo lugukeeney majiraan?sida talyaniga mise hungary ,yurubta gudaheeda?aniga yurubta gudaha ayaan jooga lakin mardow aya hadana didmo laisiyey,xaskeyga ayaa jogto sweden ,maxaa talo ah?wa mahadsantihin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. hami hada ishumi says:

    dhamaan waxn idin lee yahay ciid mubarek . suasha kaliya ee aan rabo ayaa ah in leyga caawiyo hadii ey jiraan , dad u dacwoonayo waalidkood oo ayaga oo aan laga qaadin wax DNA ah helay ogolaasho . dhamaan akhristayasha hadii eey wax ka ogyihiin ha leyga cawiyo su’ashan . mahdsanidin ‘

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Stockholm says:

    ASC Dhamaan ummada soomaaliyeed meel kasta ay joogaan Ciid Mubaarak.
    Jimcale aad ayaa u mahadsantahay.
    Arinta dadka is qaba oo aan ilmaha laheyn oo Soomaalinimo sheegtay labada qofoodba wax rajo ah oo ay leeyihiin maanta ama beri ma jirto, mustaqbalkana Alaah ayaa noo jooga. Qofka Soomaliga ah waxaa laga rabaa cadeyn in uu la yimaado si dacwadiisa hore loogu wado haduusan heli karin cadeyn waa in uu ilmo leeyahay si looga qaado DNA oo booska cadeynta looga fududeeyo, taa hadii la waayo sharciga qofka dalbanaya oo maqan waa la diidayaa.
    Arinta Raaho, walaal waxaan kugu la tallin lahaa in aad la xariirto Garwadeen oo aad waydiiso, waxaa dhici karta in arimo aanaan anaga ka jawaabi karin oo sharciyeysan in ay jiraan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Raaho says:

    asc walaalyaal waad mahdsantahiin dhamaantiin mida kale walaal waxaa didmo laisiye 6 1 kowdedi sanadka aan ku jirno waxeyna idhaheen nin kada mahesto caden wax caruur ah iguma maqno kuli halkaan ayaan ku hestaa magareshonka ayaa didmo isiye waxaan celiy racfaan 13 bishi lixaad sanadkaan wax jawab ah kama helin weli racfanki ee aniga man ku jiraa dadka laisku kenayo madama nin keli iga maqan yahay ninkana ciyaal ka asaga ayaa dhalay oo ader uma ahan ee iga soo jawaba hadii aad wax ka ogtahiin arintaas waad mahdsantahiin dhantiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. crhman9 says:

    alle azaa weyne wax hanogaga zo qadoo amin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. reer guriceel boy says:

    ani waxan le yahay madama ay dadka isdhalay isku geynayaan inta kale ama dadka an wax izku dhalin insha allah ayagana wa ey heli donan niyadana qeyr halo shego

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. reer guriceel boy says:

    a s c umada somaliyet wat wada zalamantahin zln kadib ani waxan jogaa itopia wana qan garay oo waxan qan garay 9 bilot an qan gar sanahay waxana ahay dadkii ay ku xirantay zafarada ithopia marka walalayal dadka qangaray maxey dhahena walal kii wax igu dhamow

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. njb says:

    Asc dhamantiin salan kadiib walalayal horta ALLE (SWC)an u noqono oo asaga an weydiisano sidii KHerka ku jiro taa ka diib waxan rabaa inan ka hadlo arimaha reraha. Wax kasto o bilaw ah ma dhaqsi badno qofka sugayaana ad ayay ugu dhib badan tahay oo taas wa dabci aynu lenahay hadii an bashaar nahay lkn waxad ogataan qofkasto oo calafkiisu halkan ka qoron yahay wuu iman doona ee sabra (Ina laaha maca sabiriin) ayuu yiri ALLE (SWC) Waxaa dhab ah inles mitixanayo si adaag waliba ee Ilah nagama dhiigo wkuwa mitixan ALLE KU GUL DARETO … AMIIN AMIIN

    0

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  25. mustafe says:

    asc dhamaantiiin weriyaha iyo akhristahaba
    anigu dhinaca waqooyi ayaan deganay ee sweden
    waxba mahayno qofbaa DNA laga qadayaa mooyaane wax lakeenay mahayno.
    waxaase layaabay somalida xagay ku ordayaan dalkoodii miyay ka quusteen .
    reer swedan inama ogola oo waa ina diidan yihiin maxaa la yacaysaan iska jooga dhlkiina oo iimaansada.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  26. nafiso says:

    ASC JIMACLEEEE WAXAAN KUULEYAHAAY ADIGAA AYAA NAGAA WAXOGALSANEEE DADKAA AAN CARUURTAA LEHEEN MAXAA AYAGANAA UGUU ORORDII WEYSEEN SAA DADKAA CARUURTAA LEEH UGUU ORORODEEN MASEE AYAGAAA WAAX DAAN AAH LAGAMAA LAHAAN SAS IN LAA ISKUU XAQIIRO MAA FICNOOO AYAGABAA XAQUUQ WEEYLEYIHIIN WAYOO WAA DAD DACAD ISKUU QABOO MAA AHAAN IN MADAXAA LOGAA ISTAGOO SAAN SAFAAR UU GALENAAY WAN DALNAYEE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. RASHIID says:

    ASC DHAMAN TIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. ASA says:

    K

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • ASA says:

      ASC WAN IIDIN SALAMAY WAXAN RABA IINAN OGADO QOFKU MARKU XARAYNAYO FOOMKA ISGO KA XARAYNAYA ITHOPIYA HADI WAX QALDAMAN MALO SOO GUDBINAYA HADISE WAX QALDAMANBA MAKU YEERAYAN OO MAKU SHEGAYAN INWAX KA QALDAN YIIHIN HADIISE LAGUBA YEEDHO KALO YEERAYA MA KA SWEDEN JOOGA MIYE WA KA WADANKI JOOGA

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. maji says:

    Asc dhamaan aqristayaasha bogga aniga ayaa imid Stockholm maalmo kahor ,kana imid magalada Nairobi ……..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. jabiiqe says:

    asc wad salmn tihin
    waxan dadka muslinka u shegaya
    wax xuun oo barigi hoore dhici jirey iminka inaney dhacey
    sida dumarka odhan jirey
    walaal keu ayan keenaya oo ku shegeysa wuu i qaba waxa dintenu ma ogala
    iyo raag walashood odhanaya wan qaba
    wa la dhimaya walaal yurub wad aragtan maxa yala
    dadka hawalinia
    malinta qiyamaha wa lagu weydinaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0