Afar bilood ayay wadanka joogtaa, tababar ayayna hospitaalka ka bilowday

Gabadha lagu magacaabo Ilham Mohamed Moallin waxay Sweden soo gashay bishii September ee sanadkii tagay, iyadoo mangalyo doon ah. Waxay cabsi ka qabtay in ay ku adkaato in ay shaqo hesho ama aan waxbrashadeeda loo aqoonsado balse nasiib wanaagsan dhowr bilood gudahood ayay ku heshay fursad muhiim ah.

Ilham oo 27-sano jir ah ayaa waxay wax ku baratay wadanka Masar oo ay 6-sano oo kalkaaliye caafimaad ah ay baratay. Bishii December ayay tababar ka bilowday hospitaalka Höglandssjukhuset ee ku yaala Eksjö halkaasoo ay ka filayso in ay shaqo ka hesho isla markaana ay ku jidho xirfadeedii caafimaadka.

Inkastoo culeyska ugu badan ee Ilham soo foodsaaray uu ahaa dhinaca luuqada ayay hadda sheegtay in shaqada ay u sahlayso in ay luuqada barato. Waxay sheegtay in bilowgii hore ay ku dhexjidhay dadka af-soomaaliga iyo carabiga ku hadla oo keliya balse hada ay bilowday isdhexgalka Swedishka.

Ilham ayaa dadaal fiican samaysay in afar bilood gudahood ay tababar ka hesho hospitaalka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Muumin says:

    Hanbalyo baan u direeynaa Ilhaan guuleyso 👌👏🏻🖐🏻👍😘😘😘

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 0

  2. Kabtan matii says:

    Arantii sharciga somalida waan celi neynaa xagee wax marayaan arintaasi

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 0

  3. Uma maleynayo in Somalida la cilin karo sabatoo ah waxaa dadka lagu celiyaa meel qofka magangelyadoonka ah uu amaan ka heli karo waa su’aal Somalia iyo dowladaha soo marey oo dhan kadib 1991 waxaa loo aqoon san yahey failed state niyada dhiso walaal meel loo celinaayo malahan qof Somali ah.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 2