Afhayeenkii Masjidka Örebro oo isku casilay fariin uu ku qoray Facebook

Afhayeenkii masjidka Örebro oo lagu magacaabo Aisar Al Shawabkeh ayaa iska casilay xilkiisa ka dib markii ay fadeexad ka dhalatay fariin uu ku qoray bogga Facebook. Aisar ayaa markii uu geeriyooday Raysal wasaarihii hore ee Israel Ariel Sharon waxa uu boggiisa ku qoray in Sharon uu xiligii uu generaalka ahaa uu cunay lafaha iyo dhiiga caruurta.

Ka dib qoraalkaas ayaa saxaafada Sweden ay aad u cambaareeyeen fariinta Aisar, isagoo lagu tilmaamay mid cunsuri ku ah dadka Yuhuuda. Saxaafada ayaa lagu qoray in hadalada la xiriira in yuhuudu ay cunaan lafaha caruurta ay tahay sheeko mudo soo jirtay oo lagu eedeeyo dadka Yuhuuda ah. Aisar ayaa markii wax laga waydiiyay sheekada uu soo qoray waxa uu sheegay in aysan ahayn mid uu isaga hubay. Isagoo ka noqday hadalkii uu Facebook ku qoray.

Sidaas loogama harin ee saxaafada ayaa dabagal iyo cambaareyn joogto ah u geysatay afhayeenka. Isbuucaan ayuu go’aansaday in uu iska casilo xilkii uu masaajidka u haayay isagoo tilmaamay in sharaftiisa meel looga dhacay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. maxamud says:

    Asc jicmaale maalmahaan laanta socdalka iyo arinti mideynta qoysaska iyo shuruudi 2 sano war kama haysid ayan filayaa nin yahow xafiisyada intad gasho arintaas war kakeen

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  2. Gabadh Sool says:

    muu ku adakaysto geesinimad uu sameeyaya why uga noqday

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 4

  3. hudaa says:

    asc wr wb hadii uu yiri way cunaan lafaha iyo dhiiga caruurta yuhuuda muuna ugu horayn ee horaa loo yidhi midda kale yuhuuda ma islaamka ayeey kawacan yihiin islaamkaba maalinkasta waa lagu xadgudbaa oo nebigena mohamed s.c.w lacaaya cidina kama hadasho marka maxaa laga rabaa ninkaan islaameed cakuye gaalo iyo caamiliintooda ayaan nacay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

    • hudaa says:

      asc wr wb hadii uu yiri way cunaan lafaha iyo dhiiga caruurta yuhuuda muuna ugu horayn ee horaa loo yidhi midda kale yuhuuda ma islaamka ayeey kawacan yihiin islaamkaba maalinkasta waa lagu xadgudbaa oo nebigena mohamed s.c.w lacaaya cidina kama hadasho marka maxaa laga rabaa ninkaan islaameed cakuye gaalo iyo caamiliintooda ayaan nacay

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 2