Aisha oo Sweden ku soo laabatay

Labo bilood ka hor waxaan soo daabacnay mowduuc ku saabsan hooyo Swedish ah oo lagu magacaabo Connie Mauritzon kuna nool Stockholm oo sheegtay in aabe Soomaali ah uu gabadheeda u kaxaystay Somaliland.

Hooyadaas ayaa arinteedu waxay gaadhay guud ahaan warbaahinta Sweden iyo xitaa xafiisyada dowlada balse kuma ay guuleysan in ay wax ka qabtaan arinteeda. Waxay kale oo abuurtay bogg Facebook ah oo ay dad badan xubin ka noqdeen. Ka dibna waxaa u suurto gashay in ay xiriir la samayso nin ku nool Hargeisa oo wada hadal la furay  aabaha Aisha. Sida ay sheegtay Connie, aabaha ayaa shuruud ka dhigay in ay dacwada la laabato haddii ay doonayso in uu Aisha soo celiyo. Ka dibna waxay sheegtay in guud ahaan wixii dambi iyo dacwo ahaa ee aabaha ay ka sameysay ay dib ula laabatay.

Aisha iyo aabaheed ayaa si wada jir ah u yimid Sweden isbuucii la soo dhaafay. Inkastoo aysan noo suurto galin in aan xiriir la sameyno aabaha ayaa arintu laga yaabaa in aysan guud ahaan ahayn sida hooyadu u sharaxday. Anigu qaasatan waxaanan wali fahmin sababta aabaha uu gabadha yar ula baxsaday iyo sababta uu u go’aansaday in uu Sweden ku soo laabto isagoo og in dambi ka yaalo halkaan isla markaana shaqadiisii ka tagay.

Si kastaba ha ahaatee, dib ayaan ka heli doonaa sheekada gunteeda. Daawo muuqaalka.

 

TV4Nyheterna%20Stockholm%2007:33

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. aali says:

    ilmo hooyadiis looma dhaamo ilahy hooyoy ha ku cadaabin say u faraxday hooyada cunugta dhashay hooyadaa waxay doonto ha ahaato waa hooyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 2

  2. Yaska says:

    Aniga xata wan ku faraxsanahay in hoyadas ay hesho gabadheda hoyo wa waxa dunida ugu wanagsan wa sida ay aniga ila tahay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  3. Saredo1 says:

    Ninkaan wuxuu u egyahay mid an go aan lahayn o xisaabtamin waa hadii sida gabadhu wax usheegtay ay wax ujiraan sababto ah wadankan sharci ayaa kajira tan labadna fursad qaaliya ayu beeldareeyay waxaa loobaahna i u gabadhisa wax baro o diinta baro halkaasna u joogto xaqa iyo baadilkana kala ogaato o qaangaadho dabadeedna wiixii macquula ayadaa dooran laheed……. Asc hadan kuqaldamay wiilka waakarali galinaya

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 10 Thumb down 6

  4. Siigaale says:

    Hooyo iswidhish ah oo wadankeedi joogto aa waxeey wel wel iyo murugo la martay ilmaheedi sababtoo ah iyada oo nin ajanabi guursatay, ujeedada aan ka leeyahay waa mawduucii ka horeeyay gabdhaha soomaaliyeed oo ajanabiga guursanaayo wadan qurba ahna joogo walaalayaal guursada waxaad meelaad u raacdaan taqaaanaan.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  5. MR: NICE MAN. says:

    waxa laga yaaba inuu sabab u qatay sababna u soo celiyey, ee ha ku dag dagina ilayn ma taqaanan idinkuye inaad wax ka sheegtan, dhanka kale waa nin fiican haduuba soo celiyey, waana abo wanagsan.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  6. FM says:

    Asc Run ahaantii anigu ma soo celiyeen illaa ay ka soo weynaato oo Diinta Islaamka si fiican u barrato hadde wuxu waa caruur oo Nabigeeniina NNKH wuxuu yiri Qofku wuxuu ku dhashaa Fadradda Islaamnimadda waalidkiis ayaa ka dhiga Yuhuud, Nasaara iyo Islaam marka halkaas waxaad ka garan kartaa gaal hadii ay u gacan gasho waa loo baqayaa iney gaalo noqoto war hooy dadoow iska fiirsha haweeneyda aad guursaneysaa, asc

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. cadde says:

    webkaan waa ku xiranahay wana akhristaa every day

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. cadde says:

    wlhi waxaa uu sameeyey wiilka dhalay aisha go,aan fiican waayo hooyada dhashay inanta aad bay u calool xumayd dadaal badan bayna samaysay nay way wellcome back ur home and mum
    dhanka kale sareedo naagta wadata bal adiga soo baro diinta uguna laabo wadankaaga intaad laba isdhashay ku mashquuli lahayd shit

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 4

  9. Degan says:

    Aisha yareey kuso dhawaaw wadankagii hooyo, tankale waxa dhici karto in gabadha yar madama ay sonkor iyo asmo ay leedahay amey daryeel fiican ka Helin hargeisa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. ayeeyo says:

    subxan allah ninku miyuu waa lan yahay.go aan jilicsanaana . Waxay ahayd in uu ka faaiidaysto jaaniskaa khaaliga ah, ilaa inta ay ka qaan gaadhaso aydiinta ka baranaso uu daayo meesheeda markay waynaatana haday noo shahay intaas ayada ikhtiyaarkeeda u daayo.laakin hada,tii aakhirana waasugasaa,, ilaahay ayada xaqa hatuso. waana usoo ducaynanaa insha allah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  11. ayeeyo says:

    Walahay adeerkay aabahay la dhashay bay taasi kudhacday . Ilaa lixdameeyadii wakhtiyadaas bay ahayd saan filayo, wuxuu guursaday naag ingiriisa waxay u dhashay wiil markaasu damcay in uu khiyaameeyo oo wiilka soomaaliya usoo kaxaysto markay ka yeeshay uu diyaar garoobay ay aroortii diyaarada ku qornayeen, markaasa habeenkii waxay soo ogaatay naag ilmaheedi soomaaliaya loogala baxsaday .. Maraas ayaduna waxba umay sheegine habeenkii markuu seexday bay ilmihii labax satay, ilaahadana sidii baa lagu la yahay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  12. RUNTA YAAN LA DIDIN says:

    Aniga hadaan ka hadlo fikradayda khalad wayn ayuu sameyey waa maar ka hore inuu gabadha la baxsado ma aheen hadii uuse la baxsaday inuu soo laabto ma aheen waayo hada sverige waa naqaan caruur lala baxsado meesha ay wadankan ka joogto labad aniga waan ku faraxsanaa inuu la tago waayo Diinteeda ayaa halis ku jira ALLA maalinti qiyaame waa ku waydinayaa ubad kaga
    WIILKA CADDE LA BAXAY ADIGA MA WAXAD KA CADHESAN TAHAY GABADHA RUNTA KA HADASHAY EE SAREEDO RUN AYAY KA HADASHAY

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. quresh says:

    waa ku faraxsanahey hppya ilamaheda heshey hooyada hadi asigo og ku gursadey marka in ka xado meyn heyn somalida waa ay washeyn fursada u heley marki nledihin adinka inta ilma ku dhal dhalaysan ma ididnka ayaa aduunka u aqli baden waxa la yiri dayer dabadisa uma jedee tukale u jedaa marka hore aan arkey sida ay gabadha u oyneysey waa damqadey wa ku faraxanahey asigo l jogo ayu bari karaa dinta hadi uba ka dhalkey gabarata

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  14. guul says:

    aisha yar kusoo dhawaaw wadankaga, tankale maadama ay gabadha yar ay leedahay sokor iyo asmo uu u waayay daryeel fiican hargeisa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  15. sahra says:

    ASC waxan usheegaya walaalaha rag iyo dumarba hal qodob oo ubaahan in la fahmo oo ah marka uu qof walaal ahi fikirkiisa dhiibto ayaan kiisa laga daba qaadan oo aflagaado lagu durin waayo ilaah ayaa bixiya caqliga ninba in ayuu ku manaystay markaa hadad aragto midaad ka fikir fiican tahay oo iska hadlaya ama ku hadlaya wax laga naxo umahadnaq adigu allah abuuraaga wayn maadaama aanu kaa dhigin qofkaa isaga ah ee uu kaa dhigay midka marka uu hadlo taageerada hela hadalkuna waa ka fiirsasho waayo halka aan ku nool nahay maaha aakhiro waa aduun oo dambi iyo gaf kastaa lagu sameeyaa illaa mid ilaah unaxariisto maahee hadaad qalad iga fahamtaan iga raali ahaada dhamaantiin waxanan idinku dardaaraya nin waliba ka cabso allah intaan la isqaban dabnahaga waxa udhexeeya xakamee hadad jaanis haystaa oo cidina ku xisaabtaynine walal salam alleykum wr wb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. magaca wa nawarara maxamed says:

    fikirkeyga hadii aan kadhiibto an

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. magaca wa nawarara maxamed says:

    fikirkeyga waxa waye hadii uu labaxsaday gabadhiisay uuna la aaday dalkisa maxaa kusoo ciliya mesha uu danbiga kagalay wayo mashaas sharci ayaa yala mahan somalia ookale waxan macquula ah in ey dub u furto dacwad gabdha eyna latagto maxkamdah dalkasi kuwa ugu wawen oona danbi uusan kabaxsan karin lagu soo oogo hadii ey dhacday in uu watay gabadhii waxey aheed in uu lajoogo dalkisa hooyo isagoo firinaya maslaxadisa hada wa dan biil danahisan wa uu seega alle unba garan karo waxa ey ku danbeyneyso qadiyadiisa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0