Ajaanibta oo faa’iido soo galiya Sweden

Cilmi baaris uu sameeyay ururka ay ku midaysan yihiin wadamada qaniga ah ee loo yaqaan (OECD – Organisation for Economic Co-operation and Development) ayaa lagu soo bandhigay insomalier-i-Sverige soo galootiga ku nool Sweden ay wadanka soo galiyaan qarash ka badan midka ku baxaya iyaga. Warbixinta ayaa laga soo ururiyay 27 wadan oo ka tirsan ururkaan.

Sweden ayaa qaasatan lagu soo bandhigay warbixinta in dadka soo galootiga ah ay isku celcelis wadanka soo galiyaan 1000kr oo faaiido ah reerkiiba. Qaasatan dadka soo galootiga ah ee aan haysan dhalashada Sweden ayaa soo galiya faa’iidada ugu badan wadanka maadaama aysan xaq u lahayn lacagta dadka waaweyn.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in haddii Sweden ay siyaadiso tirada soo galootiga ee shaqaysa ay aad u siyaadayso faa’iidada ay soo galiyaan wadanka. Lacagaha la xisaabiyay ayaa ku dhisan canshuuraha ay bixiyaan soo galootiga.

Warbixintaan ayaa waxay wajigabax ku tahay cunsuriyiinta ku dooda in soo galootiga Sweden ay kaga baxdo lacag badan oo qasaaro keliya ay ugu sugantahay wadanka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. MUNA says:

    JIMCAALE, WAR LA MAQLAY XIISO MALAHANE WAX CUSUB SOO QOR WARARKA MEELAHA KALE KU QORAN CIWAANKA LEE HAKA BADELINE !

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 8

  2. Deeqa says:

    rapporten tog från Sverigresradio Muna

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  3. HASSAN KAAMILL says:

    Asc all somalian sln kadib muna aad ayaaa u qaldantahay maxaa yeelay dad ayaa maqal waayo anigaba waa igu cusubtahay waana arin u wanaagsan dadka sogalitiga ah cunsuruyiiinta aad u dhibeeysa inaguna waan soo dhaweeyneeynaa waxii cunsurida dhibaaayo sidaa awgeyd adigu keen warbixin cusub inta aadan ruux dadaaaalay dhaleeceyn!!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 2

  4. Zacki Abdi says:

    Deeqa warkan hadii lagasoo qaatay ama lagasoo xigtay sverigeresradio anagu maba dhagaysano kaas ee wararka halkan ayaanu ka helna aku saabsan sweden….
    Thanks Hassan Kaamill runtaad ka dhawaajisay sxb .. Mr Jimcaale sxb halkaa adna dadaalka kasii wad waxaan kaa sugnaynaa sidoo kale warar muhiim ah thnx sxb

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 2 Thumb down 6