Akhri oo is qiimee afartan qaybood ee bulshada ah qayb-teed ka mid tahay?

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan jecalahay inaan maqaalkan kooban idunkala wadaago eray bixin cusub oon u arkay inay kuhaboon tahay wakhtigan aan joogno gaar ahaan xili ay umadii soomaliyeed badankoodii noqdeen kuwa aan daganayn ama kusugnayn deegaanadii ay ku dhasheen sababo la idhiidha duruufo nololeed oo kala duwan ayna ugu muhiimsan yihiin Amaan-daro ka jirta meelo badan oo ka mid ah wadanka halka meelo kalena ay duruufaha ugu waawaayni ay yihiin kuwa la xidhiidha Dhaqaalo-daro oo dhalinyaradii oo ah bulshada inta ugu badani ka dhigay inay ka hayaamaan dalkoodii hooyo iyagoo marti ku ah dalal shisheeye oo ku kala yaala daafaha aduunka.

Hadaan u soo daadago dulucda maqaalkayga iyo erayada cusub een rabo inaad ila wadaagtaan ayaa waxa ay labo ka mid ah yihiin kuwa maqalkooda ama hadalhayntooda aad in badan maqasheen oo kala ah Qurbo-joog iyo Qolqol-joog halka labada kalena yihiin labo eray oo aan badanka loo isticmaalin.

Waxaan u kala qaadi doonaa labo qaybood iyadoo aan labo eray bixineed u isticmaali doono dadka ku nool dalka gudihiisa halka labada eray bixineed ee kalana aan u isticmaali doona dadka qurbaha ku nool. Fiiro Gaar ah “ Dadka qoxootiga ah ee kunool wadama dariska ah gabi ahaanba qayb kama ah eray bixintan. Ee dadka dibada kunool gaar ahaan wadamada dhaqaalaha badan ayaa labo qaybood u kala qaybinay oo aan kala siinay labo eray”.

Qaran-Ujoog = waa shakhsiga u hiiliya qarankiisa oo dhib iyo dheefba la wadaaga umadiisa kasoo aan dhana u dhaaifn dhulkiisa hooyo duruufo nololeed oo kasta oo soo food saara, Waxa kaliya ee uu dalkiisa uga baxi karaana ay tahay hawl muhiim sida Waxbarasho+Shaqo qaran. Qaybtan dadka ugu badani waa Odayaasha+Haweenka.

Qolqol-Joog= Marka laga reebo dadka qaran u jooga ah ee aynu kor ku xusnay, waxa jira iyaguna kuwa kale oo loo yaqaano qolqol-joog waana qof ku nool dalkiisa hooyo laakiin maskax ahaan qalibiga ka dhoofsan “Maqane jooga” waa qof ay ku yar tahay aaminsanaanta dhulkiisa hooyo kaasoo guusha u arka qurbaha iyo dalalka shisheeye, Qaybtan dadka ugu badani waa dhalinyarada iyo Siyaasitiinta

Qurbo-Joog= Waa qof kasoo ka hayaamay dalkiisii hooyo duruufo jiro awgeed kaasoo kunool wadan shisheeye lakiin damqashadii iyo u hiilinta dalkiisii iyo dadkiisa bartii ka sii wada kaasoo ay aad u badantahay waxqabadkiisa iyo caawinta uu ka gaysanayo haday ahaan lahayd Qoyskiisa iyo Qarankiisaba, Waxa ugu badan qaybtan jiilka cusub iyo qaybo ka mid ah jiilkii hore.

Qoxooti-Ujoog= Waa qof ka soo qaxay dalkiiisii hooyo oo kunool wadan shisheeye gaar ahaan wadamada dhaqaalaha badan leh sida (Europe+North America+Australi) oo iska daa wax uu dalkiisa kusoo kordhiyee isu arka inuu nasiib badnaa maalintii uu ka soo baxay dalkiisa una arka wadakniisa wadan fashilmay oo aad u liita, qofkaasi oo ay gabi ahaanba ka aqantahay damiirkii wadaninimo iyo damqashadii qarankiisa. Waxa u badan qaybtan dadka kuraagay qurbaha iyo kuwa isku haysta haysta inay u dhasheen wadamada ay dhalashada ka heleen.

Guntii iyo gabadii waxaan kusoo koobayaa qoraalkayga Akhristow is qiimee oo qaybtaad ku jirto adigu iska dhax hel?

Alaa Mahad leh.

Qore: Mustafa Nur.

mustafanh1@hotmail.com

Borlänge, Sweden

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. mahamed says:

    ninka webkaan leh ayaa ka mid ah qaxooti u joog waayo waa nin wadankiisa nacey oo swidish isku heysto

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 9 Thumb down 11

  2. ifka says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  3. ahmed says:

    muhiimdaadu sawirkan ayuun bay ahayd sidaan u fahmay waanad kuguulaysatay,faa,iido kale ma arko. lkn waxaan kuurajaynaya inaadan sweden jooge uun ahayn ee aad noloshada maaraysay adigu.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  4. ninka dadka qaldan saxa says:

    waa war xiiso leh. lkn sxb hal wax ayaad ka ilowdey in aad kusoo darto waana adigu qof kaad tahay, yacni vilken grupp som du tillhör cml. mida kale markaad warka soo qoraysid waxaa loo bahan yahay in aad sawir qalad aanad soo dhigin. hada warka ka hadlimaayo adiga ee wuxuu ka hadlayaa noocyada dadku ay u kula qaybsamaan. no xanaaq just waa fikirkeyga oo kaliya

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  5. mohamed says:

    Asc horta somalida waa dad ay ku yartahay wadani nimada waayo waxaa arkee dad kas oo tagay dalkooda jogo wadamo shisheyay. Wadanka ay jogaan waxaa ka jirto dowlad kala dambey. Mararka qaab waxan is dhahaa somalida damiir malahan. Sawabtoo ah wexee arkaan waxa ay tahay dowlad nimada iyo kala danbeen, mar arkeysid hal qof ku dhahayo war wadankeena aan wax u qawano oo dadka aan tusino waxa ay tahay dowlada iyo kala dan beenta .Horta dadka joogo qurbaha waxa ee aad ugu xun yihiin erayga qawiil ayagoo jojo wadan nawad leh ee waxa ay isku raad sadaan qawiil isku ma raad sanadaajn soomali nimo
    waad mahad santihiin somliska.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. Saafi says:

    Asc soomaalay melaad jogtaanba.Soomaalida waxeey tiraah hadal quf SI uyiri qufna SI uqaaday oo lamid ah sidan hada meshaan taalo Camaal Willkan suaal ayuu naweydiiyey laakiin Waxa laga horkeenay dagaal. Suaasha Waaa sahaal Hadan Wada fiirino wayo sweden umaan iman qabiil uman iman fadhi kudiriir uman iman Xafled iyo tameshleen ee waxaan u nimiid innan Waxa kaqab sano dadkeniina waxtar no oo hadu Allah idmana ana KU noqono insha Allah. Mida kale waxaan leyahaay Somalia waxeey caaysa kan waxtaro waxeeyna Amanta kan AA wax tarin.waxaan dhihi laga walaalkey jimcaale iska Saabar ninkii Sabra seedleh adiga la aanta Waa somali badaan Waxna ogaaden wayo adiga u turjimo waxii wadaankan kadhaco dhaan siba dhiinaca sharciyada.wabilaahi toofiiq

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  7. Mohamed says:

    Adeer aduu kee baad tahay waan ku garanayaa sweden tahriib ayaad ku soo gashay oo wadigiii dhoof ku waashee kolba dal tagayey swedena isaga dhiib wax aanad aheyn

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  8. Rajo says:

    Waar waxan uu soo qoray ,maaha eray bixin ee afka marka horeba sii sakaaradayay iilka ha geenin yaa yidhaahda wiilkan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  9. kamal says:

    asc sidan wax ka badel

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  10. Fardowsa says:

    Wiilkaan fikirkiisuu soo bandhigey su’aal buuna idin weeydiiyey asaga dib ha ugu celinana uga jawaaba ama Isaga aamusa.
    Dhanka kale waxbuu soo qorey wuu dadaaley ha isku dayin inaad Isaga wax ka sheegtaan oo niyad jabisaan ee isku daya inaad idinkuna wax qortaan oo bulshada u faaoideysaan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  11. Geesiga says:

    Walaahi somalida sweden jogta way xanusanayaan.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  12. Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  13. Ahmed says:

    Hadal qalbiga kasocdo buu soo qoray walal keen lkn waxaan usheegayaa in aanay shaki kujirin inay Somalia fashilantay no caadifat no hadal ka socdo qalbiga. fashil.com

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. Wadani says:

    Waxa aad kahadshay oo dhan wax sax ah maaha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1