Amaanka xaafadaha soo galootiga Stockholm oo laga dayriyay

9

Xaafadaha ay ku badanyihiin soo galootiga ee magaalada Stockholm ayaa laga dayriyay amaankooda. Sanadkii la soo dhaafay ayaarinkeby2_1 keliya xaafadaha Rinkeby iyo Kista ee ka tirsan Stockholm waxaa booliska la war galiyay 153 dhac loo geystay dukaamada. Ganacsatada ku nool xaafadahaas ayaa ka waramay in ay noloshooda qatar ku jidho.

Tuugada dhaca ka geysata xaafadahaas ayaa ku hubaysan hub iyo faasas. Waxay dhac u geystaan dukaamada yo mararka qaar guryaha shacabka. Markii aad wareysato dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha soo galootiga ayay ku soo xasuusinaysaa xaalada ka jidha Somalia.

Ganacsato badan ayaa sheegay in ay isaga guureen xaafadahaas sababta amaanka awgeed. Horay ayaa xaafadaha Rinkeby iyo Tensta waxaa isaga guuray hay’adaha dowlada iyo Bankiyada. Dhacdooyinka amaan darada ee ka jira xaafadaha soo galootiga ayaan keliya ku koobnayn dhaca dukaamada balse waxaa sidoo kale jira rabshado soo noqnoqday iyo dambiyo kale sida kufsiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here