Amineh Kakabaveh oo shaqsiga sanadka loo aqoonsaday xilli ay kal hore aflagaadeeysay soomaalida Iswiidhan

Majalada ka soo baxda dalkaan Iswiidhan ee Fokus, ayaa cadadkiisi soo baxay maalintii khamiista, waxaa uu daabacay qoraal uu ku sheegayo in haweeneyda caanka ku ah naceybka soomaalida ee Amineh Kakabaveh u aqoonsado shaqsiga sanadkaan 2016-ka.

Amineh oo ah xildhibaanad ka tirsan baarlamanka iyo xisbiga garabka bidix ee Vänster partiet-ka. Majalada oo tilmaameeysa asbaabaha ay Amineh ugu aqoonsadeen shaqsiga sanadka ayaa tilmaamay halgankeedii ka hortaga xagjirka, la dagaalanka qabyaalada iyo dil- sharafeedka dumarka lugula kaco.

Haweeneydan oo ah haweeney si weyn u adeegsata baraha bulshada ee facebook-ga kuna ceeytanta, ayaa sanadkan horaantiisi waxaa ay barteeda facebook soo dhigtay muuqaal fiidyow ah oo ay kooxo cunsuriyiin ah soomaalida ku aflagaadeeynayeen, tiiyo ay haweeneydani sii faafisay qoraalo ay daba dhigtayna ku sheegtay in ay ayidsan tahay waxyaabaha soomaalida laga sheegay oo ah tuugo kufsada, dumarka, dalkana  u yimid ineey dhacaan. Soomaalida Iswidhan oo arrintan carro iyo dacwad kala hortagay ayaa natiijadii waxaa ay noqotay mid hal bacaad lugu lisay. Mana jirto hey’ad dowladeed oo wax ka qabata bahdilka haweeneydani soomaalida Iswiidhan kula kacday, balse waa lugu sii abaal mariyey.

 

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. luul says:

    asc
    soomaalida iyada isma soo saareyso dadnimada iskama imaaneyso waa in loo halgamo dadkeena hadii ey isku tiirsanaan lahaayeen cod meel mari kara eyey yeelan lahaayen dawacadaas xuna soomaali in ey wax ka sheegto sooma haweysan lahayn midnimo wax la dhaho maba yaqaanaan ilko wada jir ayeey wax ku gooyaan tashada qabiilka idin kala fogeeyey iska daaya

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  2. cabdicasiis says:

    waxaan dhihi karaa waa ugu tala gal loogu tala galay in la siiyo maxaa yeelay in ay wax inaga sheegto unbaa abaal marinta lagu siiyay sabab iyo sabab la aan waa wax cad oo meesha ka muuqda maxaa yeelay qofka iin yar oo shaqo looga fariisiiyay haduu lee yahay wax bilad sharaf ah ma mudna lkn maadaama la siiyay waxaa meesha ka cad ama ka muuqda hadalka ay ka daabacday soomaalida ayaa keenay in loo aqoonsado shaqsiga sanadka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0