Arbetsförmedlingen oo doonaysa in laga wareejiyo shaqada soo galootiga

Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) oo qaabilsan soo dhaweynta soo galootiga Sweden sharciga laga siiyay ayaa shalay warqad ay u qoreen dowlada ku sheegay in aysan awoodin in ay si fiican u qabtaan shaqada dadka cusub, isla markaana aysan haysan lacag ku filan.

Inkastoo ay dowlada cusub lacagta u kordhisay Arbetsförmedlingen ayaa madaxda hay’ada waxay sheegeen in tirada qaxootiga soo badanaysa ay keenayso in aysan lacagtu ku filnaan isla markaana aysan awoodin in ay caawimaad fiican siiyaan dadka cusub. Waxay intaas ku dareen in shaqaalahooda ay la soo daristay cadaadis badan kaasoo keenay in ay shaqada xanuun uga taggaan.

Arbetsförmedlingen ayaa dowlada ka dalbatay in ay wax ka badasho sharciyada, taasoo micnaheeda yahay in laga wareejiyo masuuliyada soo dhaweynta dadka cusub.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. Macow says:

    Run ahaantii waa arin fiican oo sax ah, sababta oo ah xafiiska shaqada waa ay ku fashilmeen hawsha loo qabto dadka soo galootiga ah. waxaana wanaagsan in lagu celiyo sidii ay weligeedaba ahaan jirtay oo Socialtjänstka degmada gacanta ku qabtaan oo dadka si wada siman loo maamulo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0