Arbetsförmedlingen waxay shaqo u heshay 10 qof oo soo galooti ah!!

Laanta Shaqada ee Sweden (Arbetsförmedlingen) ayaa sheegtay in ilaa 2010 bishii december markii lagu wareejiyay qaabilaada dadka soo galootiga ah ay shaqo u heshay 10 qof oo keliya halka way diiwaan galisay 4000 oo shaqo doon ah.

Warbixintaan oo ay soo bandhigtay Laanta ayaa lagu sheegay in tiro aan ka badnayn 50 qof oo ku jira nidaamka cusub ee isdhexgalka ay hada shaqeeyaan iyadoo sababta ay u adkaatay shaqada lagu sheegay guryo la’aanta ka jirta goobaha shaqada leh.

Arbetsförmedlingen ayaa sheegtay in ay dadka kula taliyaan in ay aadaan goobaha shaqadu ka jirto ee magaalooyinka waaweyn balse aysan dadku halkaa guri ka heli karin taasoo caqabad weyn ku noqotay shaqa helida. Waxaa kale oo eeda la saaray in waqtiga la sugo SFIga uu asna dhibaatoyahay. Waxaa kale oo caqabad lagu tilmaamay in waalidiinta caruurta wata ay waqti dheer ku qaadato in ay xanaano u helaan caruurtooda.

Si kastaba ha ahaatee, Laanta Shaqada Sweden Arbetsförmedlingen ayaa ka mid ah haydaha loogu necebyahay dalka iyagoo lagu eedeeyo in ay dadka waqtiga ka dhumiyaan oo aysan waxba qaban. 10 qof oo shaqo heshay mudo sanad ku dhow oo ay dhimantahay 3990 qof waa arin laga naxo.

Soomaalida ayaa cabasho aad u weyn ka muujiya qaabka ay u shaqeyso Arbetsförmedlingen iyo sida uu u socdo nidaamka cusub ee isdhexgalka. Isniintii shirkii ka dhacay Stockholm ayaan su’aal ku saabsan fashilka ku yimid barnaamijkaan waxaan hordhigay haweeney ka socotay Wasaarada shaqada oo isku dayday in ay noo qurxiso barnaamijkaan. Jawaabta suaasheydii ayay guud ahaanba dhinac martay, taasoo iila muuqatay in aysan jawaab sax ah u ahayn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. ibrahim says:

    asc arintu ma ha 4000 qof ayaa waxa helay sanadkii la soo dhaafay 10 kaliya ,arinta waxa weeye oo aan u kuurgalay in sweden yahay wadanka kaliya ee aduunka horumaray ee campaniyada waaweyn hadii ay ka shaqeeyqan 2000 qof aad arkeysid qof ama laba ajanabi ah ama aanad ka arkeyn oo hadii aad booqasho ku tagtaan iyadoo si booqasho ah la idiin geeyo si wanaagsan inta la idiin soo dhaweeyo hadna gacmihiina isha lagu hayo yacni shaki iyo naceyb arintana ma aha mid aan iska leeyahay hore ayaan usoo arkay, xafiiska is dhex galka hadii uu run sheegayo ha la weydiiyo liiska inta campani ee sweden u shaqeysa iyo campanigiiba inta qof oo asal haan ajnabi ah ee u shaqeysa arintaas mar labaad waa in ay noqotaa daah fur hadii is dhexgalku mid run ah yahay saxaafadana lagala socdaa hadba heerka ay mareyso iyo inta qof ee shaqada la yidhaahdo anagaa idinla soo xidhiidhi doona.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. omar says:

    dhamaantiin waxan idiinku salaamey salanta islamka asc salan ka dib aniga waxey ila tahey in aan la eedin xafiis shaqo waayo aniga eeda waxan saari lahaa dowlada iyo milkiilayaasha companyada iskaleh sababtoo ah xafiis shaqo asaga kuma siin karo shaqo run ahaantii waxey fursad noo siiyeen in aan la imaano shaqo ayagoo noo fa iideynaayo ayey waxey bixinayaan boqolkiiba sideetan intaas ka badan oo dadaal ah awood uma hayaan mida kale maxaaba la shaqeeyaa swedishkii ayaaba baahan oo nagu heysto xafiis tirtirowgii kkkkkkkk waxan kaloo wallaalkey jimcaale ku weydiin lahaa koley adiga ayaa ahaa nin isku xilsarey ilaah dartiis inuu dadkiisa wax u qabto anagana adiga uun ban wax kaa su aaleynaa hanagu dhibsan ramadan insha allaah waa gebogebo maxa noo diyaarisey oo aan ku dhaqaaqnaa mase ku tala jirtaan in aad noo abaabushan mudaaharad wad mahadsan tahey

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  3. Aden says:

    sweden mahan wadan shaqo waa meel yar oo runtii aydagan tahay in yar oo istaqaan marka cidna yayasan ucarooon ayaan qabaa anigu

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  4. ali says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Anagaa marka horeba nimi wadan aanay waxba dhax oolin oo isagiiba qiiqaya nasashaan unimi ee wadankii markuu dago waan ka soo soconaaba

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0