Ardada Al-Azharskolan “Baroortu orgiga ka weyn”

5

Isbuucaan waxaa doodweyn ka dhalatay iskuulka Muslimiinta Al-Azharskolan ee ku yaala xaafada Vällingby ee Stockholm ka dib markii ay soo baxday in ardada loo kala qeybiyo gabdho iyo wiilal casharada isboortiga. Hay’ada la socodka iskuulada (Skolinspektionen) ayaa ogolaatay arintaan balse siyaasiyiinta ayaa aad uga carooday, iyadoo wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin uu sheegay in uu sharciga wax ka badali doono.

Wariyaasha booqasho ku tagay iskuulka oo wareystay ardada oo inta badan Soomaali ah, ayay u sheegeen in siyaasiyiinta ay shaqo la’aan haysato oo ay ku mashquulayaan arimo aan muhiim ahayn. Ardada ayaa ka hadlay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay kala qeybsanaadaan xiliga isboortiga. Qaasatan gabdhaha ayaa sheegay in ay arintaasi door-bidayaan. Isla markaana ay wiilasha la wadaagaan fasalada kale.

“Waxaa jira waxyaabo badan oo mowduucyo laga qori karo oo ay siyaasiyiintu ku mashquuli karaan. Arintaani waa doqonimo. Haddii ardada inta badan ay sidaan doonayaan ma ahan in lagu qasbo in ay joojiyaan” ayay tiri Hamdi Jimale oo ka mid ah ardada.

Iskuulada Muslimiinta Sweden ayaa sanadihii dambe waxaa lagu haayay baaritaan iyo cadaadis badan oo lagu doonayo in ay wax ka badalaan qaabka ay ardada wax u baraan. Iyadoo siyaasiyiinta qaarkood ay qabaan in guud ahaan la mamnuucyo iskuuladaan. Soomaalidu waxay maahmaahdaa “baroordu orgiga ka weyn” marka qeylo dhaanta siyaasiyiintu kuma saabsana casharada isboortiga ee waxay la xiriirtaa naceybka guud ahaan ay u qabaan iskuulada Islaamiga ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here