Baaq gargaar: Duufaano ku dhuftay meello kamid ah gobollada Puntland

Dad ay tiradoodu kor u dhaafayso boqol qof ayaa ku dhintay roobabkaas. Tiradaas waxey u badantahay iney kor u kacdo. puntlandXoolo tiradooda gaareysa kumanaan ayaa waxaa qaaday daadadkaasi ka dhashay roobabka iyo duufaanta. Kumanaan qof ayaa waxay ku waayeen gebi ahaanba hantidoodii. Waxaa dadkaasi haysato cunto iyo hoy la’aan, mana heystaan wax ay qabowga daran ka dugsadaan.

Waxey u baahanyihiin dadkaasi gargaar degdeg ah in lalasoo gaaro. Waxaa jirta baahi aad u daran oo loo qabo gaargaar isugu jira cunto, biyo nadiif ah,hu, hoy kumeelgaar ah iyo daawaba. Dadkaasi inaga iyo muslimiinta kale ayey sugayaan inay u gurmadaan. Waxaan dhamaan umadda soomaaliyeed ugu baaqeynaa iney ka qeybqaataan u gaargaaridda walaalahooda.

Wixii cawimo ee aad rabto inaad arinkan ka geysato, usoo mari hay’adda Kafaalo oo si degdeg ah oo lagu kalsoonyahay u geyneyso walaalaha kuwaxyeeloobay musiibada roobabka iyo duufaanta. Hadii aad deggentahay Norway, Denmark ama Sweden fadlan kusoo dir sadaqadaada meelahan:

Norway– Dnbnor >> Account No.0539 4647804

Sweden– Swedbank >> Account No. 8327-9,904 132 956-7

Denmark-Danske Bank >> Account No. 1551-3719190960

International Account No. IBAN: NO2350830661694 SWIFT Code: DNBANOKKXXX Bank name: DNBNOR

Qofkii intaas meel aan ahayn jooga wuxuu isticmaali kara xawaaladaha soomaliyeed mid kamid ah, adigoo ku soo qoraya magaca Hay’adda Kafaalo,Oslo Norway iyo telefoon ama accounkeena Ama toos ula xiriir walaalaha hoos ku xusan. Wixii su’aal ama faahfaahin ah waxaad lasoo xiriiri kartaan walaalaha hoos ku xusan:

Stockholm: Mukhtaar Carab. Tel: +46 70 749 37 29

Göteborg:Maxamed Adam. Tel: +46 73 731 05 41

Borlenge: Mursal CiiseTel.+46 70 779 49 77

Eskilstuna: Macalin Cabdirisaaq Xuseen.Tel:+46 76 263 99 49Örebro: Sh Cabdiqadir. Tel:+46 70 766 15 72 ama 70 061 94 38

Norway: HQ Kafaalo. Tel:+47 454 59 240,913 21 108,944 38 633,998 64 331, 969 58 534

Denmark: Jaamac Cawil dirir. Tel: +45 248 89 033

Email:hayadda@kafaalo.com

C/caziiz Baliile

Source http://www.kafaalo.org/pages

Faafi mowduucaan

C.Baliile

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. Saciid Cabdi says:

    Hadii aan soomaali nahay waxaan leenahay taariikh fiican marka laga hadlayo isku gargaarida waxaan dadka soomaalida u fiirsadaa sheegaan in ay tahay sifo wanaagsan oo soomaali badan in ay badbaado alle sabab oga dhigay. Sida qoraalkaba la idinkaga codsaday baan comment-gana idinkaga codsanayaa in walaalaha dhibku saameeyey la gargaaro. Hadii dhib dhaco waa in aan u midowno wax ka qabashada dhibaas waxaa laga yaabaa in ay fursad u noqoto is jacalka soomaaliyeed.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Amina says:

    Saciid Cabdi waa runtaa sxb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. AbuXudayfah says:

    Walaalaheena soomaaliyeed, ee Dhibku gaaray ,, Allaha Bedel Kheyr Qaba ugu Bedelo … Walaalayaal aan isku Gurmano , sida walaalnee Xusay Soomaalidu mararkaan oo kale waa meesheey ku amaanantahay , waxaan xasuusanaa Abaarihii, Fatahaadihii wabiyada sanadyadii 2006 , iyo abaarihii 2011 , iyo Abaarihii 70 yadii dhici jiray iwm .. Marka dhib dhaco aadbana isugu gurmanaa .. Alxamdulillaah waxay ka sii liidan laheyd haddii aanan isku gurman laheyn .

    Walaalayaal ,, Waxaan wadaagnaa ,, Diinta , Diirka , Dalka , Danta, iyo Duunyada , Waxaana Nahay walaalo Dhamaanteenba …. Gobol Soomaaliyeed dhibka ka dhaca , gobolada kale oo dhana waa dhib gaaray ….

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. maandeeq says:

    ilahay bedel khayr qaba ha ugu bedelo Aamiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0