Baarlamaanka Sweden oo ansixiyay sharciga cusub ee qaxootiga, goorma ayuu dhaqan-galayaa?

Baarlamaanka Sweden ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay sharciga cusub ee qaxootiga kaasoo si weyn wax uga badalaya qaabkii ay Sweden ku qaabili jidhay qaxootiga. 240 xildhibaan ayaa ku codeysay Haa, 45 waa ka diiday, 30 waa ka aamustay iyo 34 ka maqnayd kala fadhiga. Sharciga cusub ayaa waxaa u codeeyay xildhibaanada xisbiyada Socialdemokraterna (S), Moderaterna (M), Sverigedemokraterna (SD)

Isbedalada muhiimka ah ee cusub ayaa waxaa ka mid ah in:

  • In sharciga ku meelgaarka ah qofka la siin doono muddo 13-bilood ah taasoo xaq u siinaysa qofka in uu cayr qaato ama uu helo adeegyada kale ee ay helaan dadka sharciga rasmiga ah haysta. Dadka loo aqoosato qaxootiga Geneva ayaa la siin doonaa 3-sano oo sharci ah. Marka uu sharcigu qofka ka dhaco ayaa loo cusbooneysiin doonaa haddii ay wali jidho sabab uu Sweden ku sii joogi karo. Haddii qofku isbiili karo ayaa sharci rasmi ah la siin doonaa.
  • Dadka da’doodu ka yartahay 25-sano ayaa sharci rasmi ah la siin doonaa haddii ay dhameeyaan dugsiga sare isla markaana ay is-biili karaan.
  • Waxaa kale oo loo suurto galin doonaa dadka Kharaabada lagu keenay iyo caruurta in mararka qaarkood la siiyo sharci rasmi ah, qaasatan caruurta caafimaadkoodu liito ayaa la siin doonaa sharci rasmi ah.
  • Dadka la siiyay magan-galyada (alternativt skyddsbehövande) ayaan xaq u yeelan doonin in qoyskooda lala mideeyo marka laga reebo kuwii is-dhiibay 24 November 2015 ka hor. Balse haddii ay dhacdo in diidmada mideynta qoyska ay ka soo horjeedo sharciga Sweden ayaa qofkaas qoyskiisa lala mideyn doona.
  • Dadka loo aqoonsaday qaxootiga Geneva ayaa lala mideyn doonaa qoyskooda.
  • Qofka doonaya in lala mideeyo qoyskiisa ayaa shuruud ah in uu isagu is-biili karo isla markaana uu biili karo dadka imaanaya (balse shuruudaan waxaa ka reeban dadka qaxootiga iyo magan-galyada la siiyay iyo caruurta waalidkood lala mideynayo balse waa haddii uu qofkaasi codsiga mideynta sameeyay 3-bilood gudaheed markii isaga sharciga la siiyay).
  • Nidaamkii loo yaqaanay (Övriga skyddsbehövande) oo ah dad kale oo magan-galyo u baahan ayaa meesha laga saari doonaa guud ahaan. Nidaamkaan ayaa Soomaali badan sharci ku qaadan jidhay. Sidoo kale dadkii loo aqoonsaday in ay haysato dhibaato qaas ah (synnerligen eller särskilt ömmande omständigheter) ayaan iyagana sharciga la siin doonin, haddii aysan taasi ka hor-imaanayn qawaaniinta Sweden.

Guud ahaan sharcigaan cusub ayaa si weyn u adkeynaya wadooyinka ay qaxootigu sharci uga heli karaan Sweden, isagoo qaasatan si weyn u saameynaya Soomaalida, kuwa hadda iska dhiibaya wadanka iyo kuwa doonaya in lala mideeyo qoyskooda.

Sharciga cusub ayaa shaqeeyn doona muddo 3-sano ah, isagoo dhaqan-gali doonaa bisha July 20, 2016.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

57 Responses

  1. Ahmed says:

    Sharcigan ma sameynayaaa. Qofku is dhiibay 25 nov. 2015. Ka hor?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

    • hooyo soomaliyeed says:

      Ahmed Qofka 25 November 2015 ka dib ayuu qabanaayaan sharcigan qolada ka horeysay kuma jiraan xeerkan.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. ayeyo dalan says:

    qofki hesta pass swedan ah ama dhalashada swedan ma qabana sharcigana si lola mideya xaskisa iyo ilmahisa

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

    • Migration says:

      Haa qofka swedishka waa inuu isbiili karo qofka lokenayana biilan karo. Guri kufilana degan.

      Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 8

  3. Hakaba says:

    Caruurta 18 ka sano ka yar sharci lama siinaayo miyaa ilaa ay skuulka dugsiga sare ka dhameynayaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  4. Username* says:

    Maxa kudhacaya dadka kahor 24 november is dhiibay?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. rooda says:

    Maxa kudhacaya dadka kahor 24 november is dhiibay?

    ama dalka soo galay 2014 ama qaday sharci maxaa dhacay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Rajo fican says:

    Walal jimcaale Wanku salamay waxaad ifahan siisaa qofka aan lasiinin Geneve mawaxaa lasinayaa Sharci sanad iyo bil ah 13 bilod teda kale dadka Geneve heesto bes miyaa sedaxda Sano ah mise waa dadka dhan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. marwo says:

    asc walal ma no shegi karta ino kabanayo dadka sharciga heysto oo weli u dacwon carurtoda isku day ina arinta wax noga shegto madsanid

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. marwo says:

    asc walal ma no shegi karta ino qabanayo dadka sharciga heysto oo weli u dacwon carurtoda isku day ina arinta wax noga shegto madsanid

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

    • Migration says:

      24 november wixii kadambeeyay qofkii kees xareystay wu qabanayaa.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. mubaarik yus says:

    sharcigani ma qabanaayo dadka 24 november ka hor is dhiibay. wxa laga hadlayaa siyaasada cusub ee soo galotiga

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. kaafi says:

    Dadkaa 3 didmo hasto mexey dhahen

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  11. Anas says:

    Asc. Dadka fimilkoda udacwoody 2014bishi 12. Masamenaya sharciga cusub ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. cade yare says:

    dowladu waa cunsiri waxaan leeyahay haloo codeeyo xisbiyadu tagero soogolotiga mar waliba sosholka xitaa waa cunsuri

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Abdikafi says:

    Dadka yimid 2014
    Hadana qoyska u dacwoonaya ma iyaga laga raba inay bishan tack

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. ilwaad says:

    hadaa shaqeysto oo heysto guri igu filan qof weyn aa ahay hooyadey ma la ii keynaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Aad Iyo Aad Ayaan uladhacay sharciyadaan,
    Iyo Kuwo kale oo kadaran oo diwaan geli doona 2018″
    Dhibkii ayaa batey.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  16. cabdiyare says:

    Asc Dhamantiin dadku waxeey rabaan faah faahin dhameeystiran o ku saabsan mawduucan waxaa mowduuca kasoo dhaxbaxay su aalo ubaahan jawaabo sax ah sida muuqatana ma muuqato inuu kajwaabayo Qofka mawaduucan soo qoray magaciisu yahay jimcaale marka waxaan ubaahanahay jawaabo sax ah o xaqiiqdu tahay marka jimcaale jawaabaha usoo gudbi shacabka oo aniguba kamidka ahay ado mahadsan mida kale qofkani dadka qaarkii ujawaabaya sita magaca migartion ma adiga jimcaale ahbaa mase waa cirka alle kasoorid?!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  17. cabdiyare says:

    Su aal?

    24 november 2015 kadib dadkii is dhiibay miyeey sharuudu qabaneysaa ah lamideynta familada mase waa qaxooti oo idil ha ahaado kii yimid 2010 o haaysta daganaasho 5 sano ah ama kii yimidba 2016?

    Su Asha 2 aada?

    siduu u qabanayaa sharcigan qof haaysta dhalashada swedan o xaaskiisa u dacwoonaya ?

    Mahad sanid

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  18. cabdiyare says:

    Hadal xikmadeeysan kuhadal ama iska aamus fadalan afkeeyga qoyan looma hadlo !!!!! ilaahow dadkeena wanaaga tusi kuwa xumaanta wadana kaqabo ummadaada

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. wadaacan walaahi qofna waxa allaah u qoray dhaafi maayo ilaahy sida khyirku ku jiro hana waafjiyo anagiyo intii muslim ah nin waliba meshuu ka ciilan yahy ilaahy ha ka ciil Tiro wax uu go aan kodu yahy maleh go aanka rabi baa ka wayin kahyirkoda allaha na siiyo shartoda allaha Naga xijaabo gaaldan somali melkastey jogto way ku dhiban tahy allaha ka dulqaado asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. qof baa shaqya iyo qofba sharci wayin leh midna dadkanu ma tix galiyaan waa waxii ilaahy kaa siiyo aniga waxaan ka mid ahaa rer 2sano waxaan dacwada cusbonysiyey 2014/12/3 ninkaygu cayir ma qaato wuu shaqystaaa 9sanuu jogaa wadanka wali wax nala hadlay ma leh markaa waxii ilaahy qoraa qorane Hala saburo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. Salmo says:

    Asc waxaan kamid ahay dadka 2 sano wuxuu dacwadeeda yaalay maxkamada jawaab ayaan ka helay waxeena dhaheen diidmada uu ku siiyay magareshinka kuma raacsani magareshinka waa inuu baaritaan kale sameeyaa ? Majiraa qof sidaas oo kale soo maray ilaaheey qof walbo muraadkiisa hausahlo aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. DEEQ says:

    Scw. Salmo dhibkaas oo kale aa na haysta ee meeqa ayaa immigration ku kaa aamusan yahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Salma ma guur cusub oo ka danbeeyey 2010 baa tahy abayo maxaa laguu diidy malaguu shagy adoo mahdsan jawaab I sii

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  24. Cilmi says:

    A S C Asaxaabta waxaad ishegtan sharcigacaan cusub maxowka qaba qof ay caruurtisa dalkan kunol abahina sharci dalkale haysto iney midoban mau didaya qeynunkan cusub jawab haleyga siyo asaxabey rag iyo dumarba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Salmo says:

    Dhulshisheye markaan wadankan imid xaas ayaan ahaay hal cunug ayaan watay marka hore waxaa lanagu heestay 2 sano magareshinka ayaa diidmo nasiiyay maxkamad ayaa loo diray dacwadeeda maxkamada waxeey tiri waan ku raacay diidmada uu ku siiyay magareshinka diidmada labaad somali nimadiisa hasoo cadeeyo ayaa leedhahay ninkaaga kadib waxaa loogudbiyay maxkamada waxeena isoo jawaabtay bishaan 8 dacwadeeda waxaan bilaabay 2012 /10 ilaa iyo hada ayee nagu dhagan yihiin tack!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  26. Salmo says:

    Deeq adigo mahad san dacwadaada meeshuu maraayo wax maigaaga sheegi kartaa tack!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Ramla says:

    Asc asxaabta Yaa iisheegikaro sharcigaan cusub ma waxuu quseyaa dadka dhan oo rerkoda u dacwonaya ama ha heesto 5 sano sharciga ah ama November kuwa is dhibay ha ahadaane kuli ma isku mid baa mise dadka November is dhiibay bis ayuu quseyaa ifahan siiya alah qeer idin siyee Jimcale ama qofkasta oo waxka og thanks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. Mursal says:

    Hafdii la yiri qofka shaqsiyan waxa ku dhacay ama W addankan kenay la waydii maayo mana shswayn doonto muxu samayna qofkaasi uu ku dacwoonaa runtii mafahmin haddii qof igu caawin karo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. Salma walshay aniga Hal Mar bay I diiden markii labaad walina hada iima so jawabin dhigin igma qaadin 19 bil bay ii tahy khayir ilaahy haka dhigo qofka sidadoo kale waba u fududahy wayo markaad is dhiibty baa shegty lakiin waxaa jirtah wax yabo ay igu khaldoo uu qofka shegto sida in adiga qof xaas ahaan kugu geyey ama aadan shegin xajigaga xiligii aad isdhibty wax uun baa jiroo khaldee iska saxa xataa hadii intervega uu is khilaafo way dhacdaa diido lakiin ha niyad xumaan mcnto hadii mgrtionka daxwadadii loo so ceshay ilaahay hakaa siiyo adiga iyo intii muslim ah asc salma

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. Ina Abdi says:

    Waxan suga jwb.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. baashi cade says:

    Dadkii diidmada lasiiyay 2013kii hadii sharciga hada loo ogalaado miyuu qabanaa sharcigaan cusub hadana famil ah suashaa fadlan ruxii jawaab uhaayo waa muhiim dad ayaa ubaahan plz

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  32. hasan says:

    h

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. hasan says:

    ASC QOFKI wax igu dhama ha ii sheego fadlan waxan soo gursadat 2014 waxan i dhashay wil marka dacwada waxaan xareeyay 2015.10.12 ay cida mareen dhiga iyo interviga lkn wali ani la iima wicin waxaana haystaaa Geneva ani marka hada wali la ima sameen hanlägare lkn mid ku meel gara aan haystaaa waxayna i dhaheen fasaxa kadib aa lagu samynaa inshalah marka waxaan ka fakaraa in ay i dhahaaan 2sano inkastoo maxkamada ay tiri looma diido karo marka maxaa u malaynaysaan adinkana yaa wax igu dari kara

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. Mohamed ali says:

    Asc walalayal hadan rabo ina hada dacwo bilabo sharcigan maiqabana hadu iqabto nah aan shurudaha kaso baxo Lakin aan ilmo haysan ma xujey iga digayan ina ilmo haysano snälla iga soo jawaba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. Salmo says:

    Dhulshisheeye walaal 2 sano waa nalaga dhaafay waxaa nalagu heestaa somali nimadiisa soo cadeey waxaana maxkamada tusinay waraaqo dhalasho aan soo sameesanay weena nagu qanceen ilaaheey mahadiisa waayay waxaana rajeenaa inaan jawaab ka helno magareshinka insha allaah tack!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Guuul says:

      Salmo anoo kale oo haysta ganeva gor cusub ah ilmo haysta ma la isku xujeyaa intaa ka warqabto ayamahaaan adaa iga roon san filaaa

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. adoon ilaahay says:

    qofka shaciga magangalyada heesta loma keenayo dadkiisa balse qofka heesta sharciga janeefa ayaa dadkiisa u dacwoon kara

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. khadar says:

    asc walal waxan ahay wiil haysta sharciga geneva waxa wadanka imi november 18 2014 sharciga waxa qaatay march 2015 hada waxa la ii keenay familkayga marka aniga maxa sameyn igu leedahay marka la ii cusboonaysinayo sharaciga ka weyn ma qaadan kara mise sharciga aya i qabanaya

    tack

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. khadar says:

    hadii aan march 2015 qaatay sharciga dadayduna tahay 18 ma in aan skool dugsiga sare dhameyo ayey ku xidhan tahay sharciga weyn mise aniga waxa la igula dhaqmaya sharcigii hore

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. Abdalle says:

    Asc waxaan ku weeydeeynaa bro dadka la seeyay diidmo nagavite Mar hore 2014 juni dadkaas wax sharci ah maleeyaheen mase sharciga cusub miyee leeyahiin ayakane dadkaas wax nooga sheegtay bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. muxyadin says:

    walal waxaan ku weydiinayaa qorka haysta dhalsho swedish ah oo ilmihiisa ku dhasheen somalia lagana diiday 7 sano ka hor in loo diiwaan galiyo sababtoo ah warqdaha dhalashada somalia ma aqoonsanin ayey dhaheen hadda se waxay ogolaadeen dna sidaas darteed sameyn ma ku yeelaneysaa sharcigan cusub ee oranaya qorka swedishaka ah shaqo iyo guri ayaa laga rabaa midse waa kiis hore

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • jeey says:

      24 november 2015 kahor qofka swedishka laguma xujeen jirin isdabiraad mise inuu guri kufilan degnaado lakin sharcigaan cusub hada so baxay ayaa sharuud looga dhigay swedishka ineey isdabiraan.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. Abdi says:

    Jimcaale suashan iga soo jawaab Bro familada skandaneviya ku kala nool ma qabanaa sharcigaan Tack

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Omar says:

      Xiligii hore Scandinavianka bilaa sharuud ayee ahaan jirtay lakin hada wixii 20 july kadambeyso sharciga weey badalayaan.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. Cilmi says:

    Asaxaabey waxaan ifahansisan sharcigan maqabanaya xaas iyo caruur sweydan Kuno iyo Abaha jojoa spey o sharci Kuleh ino lamidowo familkisa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  43. muxyadin says:

    Hadii qofka swedhishka dscawadiisu ciyalka Africa ka jooga at Socotay Nov 2015 ka hor sharciga ah waa inuu hayso guri iyo shaqo ma qabanaya mise was wixii ka danbeeyey waqtigaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  44. Jamac says:

    Walalo xeerkani ma quseeya dadka diidno haysta een wali kiiskood xidhmin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  45. barni says:

    Asc walaalayal aniga waxaan isdhiibay 2015 bishii 6 haday sharcigii isiiyeen alamdulilh markaa caruurna somalia iga jogan waxayna idhahen website kayaga ka gal online marka sharcigan cusub miyuu isaamaynaya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  46. bilan says:

    waxaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  47. USMAN MUHIDIN says:

    asc suaal ayaan qawaa qofka lasiyay janeva rawo bisha 9 ee sanadkan inuu dacwad uxareyo maqawanaa sharcigan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  48. Samiryare says:

    Asc xeerkan maqabanayaa qofka November 12 isdhiibay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  49. saynab says:

    asc wallo qofka aan ilmihiisii sheegan haduu udacawoodo tolow maxaajiridoon sharcigan qaatay 2012 10

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0