Baasaboorka Sweden oo noqday kan aduunka ugu qiimaha badan

Qofka haysta baasaboorka Sweden ayaa ka mid ah dadka ugu xoriyada badan aduunka, iyadoo haddii aad haysato dhalashada Sweden aad 174 wadan ku gali karto visa la’aan sida lagu soo bandhigay baariitaan cusub. Sweden ayaa waxaa kaalinta kowaad la wadaaga wadamada USA, UK, Finland iyo Germany.

Baaritaankaanka oo lagu magacaabo Visa Restrictions Index ayaa lagu eegaa shuruudaha Visada ee wadamada aduunku ay isku xiraan, iyadoo safka hore ee ay kaga jiraan wadamada reer galbeedka oo aan muwaadiniintooda wax shuruudaha lagu xirin marka ay u safraan wadamada kale.

Kaalinta ugu hooseysa ayaa kaga jira wadamada Afghanistaan oo 28 wadan keliya visa la’aan ku gali kara, Iraq oo 31 ah, iyo Pakistaan iyo Somalia oo 32 wadan ku gali kara visa la’aan. Taasi ayaa muujinaysa qiimaha uu baasaboorka Sweden u leeyahay soo galootiga ka soo haajiray wadamada kor ku xusan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. Jey says:

    Somali Pass , 1 wadan o bilaa Viso lagu tagi bal so qor Jimcaale, anu ma garabayo.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  2. qaxooti says:

    jimcale, främlingpasska meeqo wadan lagu gali karaa bilaa visa?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  3. Abu DAALIB says:

    warakan waaa barii hore

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  4. potatisson says:

    warkaan mar hore ayuu ahaa maxaa laga hayaa war arinkii la lahaa soomaalida waxa looga dhigaya 5 sano inay ku qaataan basaborka weyn ee dhalashada

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  5. Abuubakar says:

    jeey Uganda waa koow bilaa visa waaye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  6. mohamed says:

    sxb ugandha visa la aan magali kartid hada welibo waxaa leesyku sii daray hadaad bassaboor somali heeysatid inaad visa heeysatid iyo in welibo wakiil aad heshaa adigoo visha heeysatid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. mohamed says:

    marka bassaboor somali wax uu yahay malahan meel aad kugali kartidna malahan jug jug meeshaada fadhi waaye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. professor says:

    Passporka somalia waxa lagu geli karaa o bilaa visa keliya waa somaliland, puntland, jubaland, galgaduudland, baydhaboland iyo southsudan kkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. osman says:

    Passaporka somaliga ah waxaa lago tagi karaa wadamo badan bilaa visa sida malisiya ee kasoco jimcaale kan swedhishka ah xagee maraa xaalkiisa kaas soma

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Shakuur says:

    Web ayaa ah web aan wararkiisa xaqiida ka fog mana la aamini karo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Shakuur says:

    Web kaan ayaa ah web wararkiisa xaqiida ka fog mana la aamini karo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  12. Roda says:

    basaboorka wayn imisa sano ayaa lasugayaa ?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  13. shako says:

    Waa nin iska hadlaya ninkani waxba ma oga

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1