Barafkii oo ka bilowday Sweden

Barafkii ayaa si rasmi ah uga bilowday waqooyiga Sweden habeenkii jimcaha, iyadoo ay la socdaan roobab iyo heerka cimilada oo aad hoos ugu dhacday. Hay’ada SMHI ayaa shacabka ugu digtay roobab mahiigaan ah iyo qabowga xagaaga oo hada bilowday.

Hay’ada la socodka cimilada Sweden ee SMHI ayaa shacabka u jeedisay digniinta nuuca 1 kaasoo ah in roobabka ay saameyn ku yeelan karo isku socodka gaadiidka iyo in uu geysto waxyeelo kale. Heerkula ayaa la filayaa in uu aad hoos ugu dhaco, isla markana koonfurta Sweden ayaa waxaa ka bilowday daadad fara badan.

Si kastaba ha ahaatee, SMHI ayaa sheegay in uusan si rasmi ah u bilaaban xagaaga, oo isniinta la filayo in ay soo baxdo qoraxda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

73 Responses

  1. Icaawiya by Hassan says:

    Walalayal yar da’yar ban ahay heestana waqti gaaban Inan rerki uxareyan doonaya marka Kampala AMA ethopia ya sahlan dacwada reerka yacni waqti gaaban aad bad umahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Um Alwalid says:

    By Hassan kanbaalaa ka sahalsan tan itoobiya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • by hassan says:

      walaaal aad ban kaga mahad celinayaa jawaabtaada qiimaha badan mar kale mahadsanid, cidii kale oo talo iigu si kordhineysa aad ban uso dhaweynayaa

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. dhuubane says:

    walal Kampala ayaa ku fiican sida walalkii horeba kuu sheegay itoobiya lagama dhamaado iska daa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Cumer says:

    Hasan Anigu waxaan kugu Biirin lahaa in ay Ta Kampla iyo Ta Ethopiaba ay isku mid uyihiin, sababtuna waxay Tahay Safaarad Kampla iyo Tan Ethopiaba waxay Hoos imanayaan Tan Sweden Markaa hadaad Tan Kampala ama ta ethopia aad midkood ku xarayso Dacwadaada waxay u Gudbinayaan isku meel uun, waxayna ku Dhaqmayaan sharciga ay hada isticmaalaan ee ah Kuyuuga Sug inta kiiskaaga laga gaadhayo, soo daahista dacwadana saamayn kuma yeelanayaan safarad kastood ka xarayso Markaas kolba Tii u dhaw qoyskaaga uun haka xareeyaan wixii ilaahay qoray cid kaa celinayso ma jirto, wabilaahi Tawfiiq;

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Icaawiya by Hassan says:

    Runtii aad Iyo aad Ayan uga maqsuuday sida qiimaha leh aad iigu so wada jawaabteen dhamaantiin mahad Celin kal Iyo laab leh, insha Allah Kampala ayaan geynaya mar kale thank u guys

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. asc sxb Xassan Mid ogow haddad Ethiopia uga xareyso Oo safaarada Rabi kaaga sahlo migrationka Ethiopia Exist Fiisihiisa waa 1300 Dollar Calaa Qof Ogow taas Sxb Ethiopia waxey Rabtaa Lacagtaas Haddii kale familkaaga maku imanayaan Mahadsanid Ethiopia ka tasho Waa iga talo !!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Um Alwalid says:

    By Hassan itoobiya iyagoo dadka ganaax ka qaadaayo ayeey hadane dadka ayaa zaa’id uugu badan aniga waxaa iila degan tuuladaan deganahay gabar markii koowaad ka xareesatay itoobiya oo markii labaad hadane ka xareesatay kanbaala oo labada safaaro soo aragtay oo iiga sheekeysey sidaas daraadeed waaye markaan ku lahaa kanbaala ka xareeso wa bilaahi altawfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Moha says:

    asc walaakeyga hassan
    aniga reerkyga waxaan ugu xareyey nairobi 10 bilood ayaan ku heley ogolaashaha
    adiga hadaad awoowdo in aad nairobi ka xareyso wey fiican tahay hadaad nairobi weyso kampala ugu xarey sidaas ayaan kula talinaa asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Umu hanad says:

    Umu al waliid walaal Gabadhaas dacwadeedu maxay Ku saabsanayd’ se waxan Ku waydiin lahaa walaal dadka is qaba Ee wax isku dhalay markay dhawryo Toban bilood kadib dheecaanada maraan iminsay hadana Jawaabta LA maqnaadaan walaal hadaad Fikir ka hayso kolay adigu waad wada martay shuruudahaas’ mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. 2sano says:

    Asc walaashay umu hanad muhiimadu waa in dhiig laga qaado jawaabtu xiliguu doono ayey goaan gaadhan laakin inta badan dadka aan aqaano iyagoon dhiig marin ayaa diidmo la siiyey anigu wax kasta waan maray jawaab suge ayaan ahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. abdirahman says:

    Waxaan rabaa inaan weydiiyo sual waxaan aad u xiiseyaa barashada saxaafada ma iga caawin kartaan waxaan ku noolahay uddevalla Sweden

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. dhuubane says:

    moha walal su aaal hadii aan ku weydiiyo adigoo raali ah waxaad sheegtay in aad reerkaaga kenya dacwada uga xareysay sanadkee ayey eheeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Umu hanad says:

    2 Sano walaal waxaan Ku waydiin lahaa intee ayaad Sugaysay Jawabta oo dheecaankii lagaa qaaday kasoo danbaysay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. 2sano says:

    bil abaayo adiguna

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Umu hanad says:

    2 sano Walaal Haduunbaa nalaga qaaday dheecankii’ walaal iminsa suaalod ayay interviewgi Ku waydiiyeen dheecaanka iyo interview way kuu wada socdeen sawmaaha.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Um Alwalid says:

    Umu hanad walaal gabadha waxeey ahaayeen famil horay isu qabay wax badan. Tan ah dhacaanka kadib waxeey iila tahay sidaan maqlay lix isbuuc ka dib ineey soo jawaabaayaan aniga hadaan lix isbuuc bogay isbuucaan ayaan rajeynaayaa ineey iisoo jawaabaan koleey handleegarada waxeey iigu tiri bisha sagaalaad ayaad jawaab iiga heleysaa insha alaah alaha inooga soo wada saqiro yaa rab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Icaawiya by Hassan says:

    Walalaha qaaliga ah wad mahadsantihiin dhamaantiin, ALLE amuuraheena ha ino wada saqiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Umu hanad says:

    Aamiin walaashay Umu alwaliid Ilaahay ha inoosoo sakhiro Muraadkeenoo macsilahayna alle ha inaga siiyo, Jawaabo aynu ku dirsananona alle ha inaga siiyoo Aamiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. roodo says:

    asc umu alwaliid iyo 2sano jawabtu way idii soo soctaaye inshaa allaah ha naga qarsnina meshay wax idiin maryso kkkkkk anga dhiigba nalgma qaadin wali lakiin inshaa allaah allaha noga so fududeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. 2SANO says:

    ASC UMU HANAD WALAASHAY DHIIG KALIYA LAYGA QAADAY INTERVUE MAR HORAAN MARNAY JAWAABTUNA 4ILAA 6 USBUUC BAY QAADATA WAYNA KA DANBAYN KARTAA ROODA WALAAL FARXADA LAMA QARASADO SIDAASAN AAMINSANAHAY WIXII WAR AH WAA INOO WADA DAN MIDA KALE HA LA SAMRO WADANKAN SHARCI KUMA SHAQEEYAAM WAXAY KU XIDHAN XIDHAN TAHAY QOFKA KIISKAAGA HAYA IYO KA SOO QAADKA ALLE LAAKIIN WAXAN IDIN HUBA HADAD CARUUR LEE DAHAY 2SANO WAX LA YIDHA AMA JIRAAN EE SAMRA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Ubah says:

    2 sano walaashay aad iyo aabaad u Mahadsantahay sidaad noola wadaagtay macluumaadka. walaal waxaan Ku waydiiyay Dhiiga iyo interviewga Sweden dhexdeeda lagaaga qaaday iminsaa u kala dhaxaysay miyaan isku mar LA qaadin DNA iyo interviewgaba jawaab Cidii yaguna Fikir ka haya waad mahadsantihiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Moha says:

    dhuubane bro waxaan xareeyey 2014 08/07 waxaana jwbta heley 2015 19/05

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Um Alwalid says:

    Ubah walaal qof walbe iyo nasiibkiisa waaye dad interviyuu iyo DNA hal mar ayeey wada maraan dadne kala gooni ayuu uugu soo kala dhacaa aniga ahaanteey alxamdulilaah halmar ayaan wada maray dadne nasiibkooda kaba sii fiican oo isla markiiba DNA kaliya laga qaado iyagoon waxba la weydiinin marka qpf walbe iyo nasiibkiisa waaye .
    roodo abaayo insha alaah sida murugta loo wada wadaagay ayaan farxadane u wada wadaageeynaa insha alaah wax qeer qabo alaha nooga soo qaado oo lagu farxo yaa rab aniga ahaanteey xataa hadii eey iisoo jawaabaan webka mar walbe waan ku xirnaanaayaa oo waan usoo wada duceeynaayaa inta dhiman iyo reero singel insha alaah muraadkiis hele meel dheer ayuu kaa maraa ma noqonaayi sida dad badan oo reer 2sano ahaa oo hada miriqdooda loo jeedin oo kale kkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Ubah says:

    Umu Alwaliid aadbaad u Mahadsantahay walaashay qaaliga ah waa saad sheegtay xataa hadii hawlaheenu inoo dhamaadaan webka waan Ku xidhnaan doonaa wixii afkaarana waan ka caawin doonaa waa Balan insha Allah waana runtaa somalida qofkii dantisa gaadhay way Muuq beeleen oo nin dib webka usoo eegay ma jiro kaliya Murugtay lasoo gali jireen webka lkkkkkkkkkkk sidaas ma yeeli doono insha Allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Cumer says:

    walaalayaal Hal suaal Umu Al waliid iyo 2 sano iyo Rooda Fadlan idinkaa Khibrad u lehe iiga jawaab, suaashan waa suaal u dhaw Ubah suaasheeda waxaa weeyaan 1. interview iyo DNA hadii laguu kala qaado oo lais raacin waayo Sweden dhexdeeda Mudo intee ahbaa u Interview iyo DNA u dhaxayn Karta.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. 2sano says:

    cumar inta badan sweden gudaheeda way is raacshan DNA iyo intervuega laakin hadii la kala reebo bil uun baad sugi waayo inta badan intervuega soo hor mara DNA waa lacag badan kuma dag dagan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Cumer says:

    2 sano walaal aadbaad u Mahadsantahay thank You Very Much Gabadhayda ayay ku dheheen Interview usoo diyaar Garow, markaas waxaan u qaatay in interview kaliya yahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. Cumer says:

    Gabadhayda Yacnii xaaskayga ayaan uga jeed Kolba saad u Taqaano.Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. 2sano says:

    cumar goormay balanta lee dahay magaalade weeyan laga yaaba inaan isku magaalo nagay anigu Gothenborg baan daganahay aboowe ma dadka 2sano ku jirtaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. Cumer says:

    2sano Haa walaal aniga xaaskayga ayaa dagan Linköping waxaana balanta loo qabtay 15 bishan September, walaal waxaan ahay 2 sano.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. Um Alwalid says:

    Cumer walaal hadeey dheheen interviyu yacni interviyu kaliya waaye laakiin hadeey dheheen DNA yacni labadabe waaye marka alaha u fududeeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. dhuubane says:

    aad iyo aad ayaad u mahadsantahay moha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. Cumer says:

    Aamiin walaal, Umu alwaliid walaal waxaan ku waydiin lahaa Miyaad Garanaysaa Cid ay Interview ka qaadee, suaalaha ugu caansan ee lais waydiiyo maxay yihiin Cid interview Gashay haday jirto ama Garanaysa Please Fadlan khibrad naga siiya, insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. asc dhamaan somaliweyn
    sln qaas ah heer 2ba sano
    insh,allah wey noo hagaageesaa ee hala sabro
    anigaa kamid ah 2ba sano wale jwb mahelin inkastooon lagarin waqtigiii la ii shegay
    2014 november xareyay ambo bishii 11nad
    inta warbixinta nasoo garsiisana waa ku mahadsanyihiiin
    aan isu wada duceyno warbixinada iyo waxiiii cusubne aan kala warqaadno insh,alllah
    kkkk
    maalmahaan heer 2ba sano ayey maqaayadu u shidantahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  35. Um Alwalid says:

    Cumer walaal interviyuuga Hadba qofka kaa qaadaayo ayuu ku xeran yahay iyo tariiqaduu kula isticmaalo marba hadeey kala gooni ka dhigeen waxaa laga yaabaa ineey ku taagsadaan xoogaa sidaan maqlay laakiin iyada waxba yeey cabsanin si kalsooni hadaladiinane iqtilaaf yuu noqon waa tan eey ku gaadaan dadka waxeey weydiinaayaan waqtigaad isguursateen ,xagee, taariiqdee, maxaa idiin kala waday, mar kale ma is aragteen, goormee iyo taariiqdee, ilmaha iyo taariida la dhalay ma arkeen aabaha iyo caruurta ma xiriiraan maxeey ku xiriiraan muhiimada waa inaad kala hadal noqon waxeey horey usheegtay iyo waxaad sheegtay iyo waxeey sheegi doonto inuu isku mid ahaadaa afkooda alaha ka haayo ilaahay ha usoo fududeeyo anagane alaha inoo soo wada sahlo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  36. 2sano says:

    asc Hassan wakhtiga lagu sheegay waa goorma?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. Cumer says:

    Walaashay Umu alwaliid aadbaad u Mahadsantahay walaal waxaan Ku waydiin lahaa’ halkan aad tidhi maxaa idin kala waday’ waxaan filayaa in aad uga jeedo markii Hore idinkoo is yaqaana maxaa idin kala kaxeeyay oo midna Africa dhigay midna Sweden’ hadiiba aydaan Hore isku aqoon oo aad Guur danbe ahaydeen oo ay Ku dhahaan yaa gabadhaada meesha geeyay horena ma isu taqaaneen? Adna aad ugu jawabaato Cid gaysay ma aqaan’ horena isumaanu aqoon Guurkayaga kohor’ kawaran Jawaabtaas saamayn interview ah ma yeelanaysaa walaashay umu all waliid Fikirkaaga ka dhiibo Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. Um Alwalid says:

    walaal Cumer hadaad horey isu qabteen oo isa sheegateen waa leydiin weydiinaa maxaa idiin kala waday laakiin hadaad gadaal iska guursateen su’aasha maba imaaneyso oo cid idiin weydiineyso maleh laakiin waxaa dhici karto in hal su’aal oo ay dhowr jeer kusoo celceliso sideed mar oo kale heer aad isku maleeysid inaad qaldan tahay jawaabta halkii lee ha noqoto waa waxeey dadka ku gaadaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. Cumer says:

    Umu alwaliid walaashay aadbaad u Mahadsantahay’ sida fiican Ee aad iila Talisay mar labaad waxaan Ku leeyahay Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. Cumer says:

    Umu al waliid waxaa la yaabay in la i waydiiyay suaalo aad u kooban kadib markii dheecaanka la iga qaaday suaalahaas interviewga ahaa oo qaarkood sideeda aan u sheegay mid ka mida oo ahayd yaa kaxeeyay xaaskaaga, waan ka gaabsaday waxaanan ugu jawaabay taas kuuma sheegi karo, markaa ma khasabaa in dhamaan suaalaha looga wada Jawaabo mise qaarna waad iska diidi kartaa Mahadsanid,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. roodo says:

    asc umu alwaliid walshy qaaliya aad baa u mahdsnthay mcnto allaha nooga so fududeyo siduu khyirku ku jirto oo allaah subxaanhu watcaalaa raali noga yahy

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. Xudayfa says:

    ASC bahda laba sano, anigu laba sano ayaan ka Mid ahay Jawaab Kaba danbaysa ayaan sugayaa, waxaan la yaabay Gabadh oo Jiiraanka eh caruur leh ninkeeduna africa ka jiro ayaa waxaa loosoo diray warqad la leeyahay kasoo Jawaab ilaa 5 suaalood ah, maadaamoo diidmooyin hore ay haysatay DNA ay hore u haysteen waxay dheheen uma baahnin interview iyo dhiig Toona ee 5 suaalood uun kasoo jawaab Markaas jawaab ayaad naga helaysaa. markaas walaalayaal arinkaas Hore ma u aragteen waxay iga codsatay in aan dadka usoo warsado Gabadhaas.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  43. dhuubane says:

    xudeyfa waa sheeko cajiib ah walal oo u dhigantah sheekooyinkii socon jirey intaan dhiig iyo arimahaas la bilaabin marka mida meesha taali wxey tahay horay miyaaa dhiiga looga qaaday

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  44. dhuubane says:

    hadii macnuhu yahay in DNA horay looga qaaday hade maba u baahna laakin dacwada dib ayaaa loo cusbooneysiiye mahan mase waa uun warqad dacwadii oo xiran timid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  45. Migration says:

    Xudeyfa, weey dhacdaa in waraaq suaalo kuqoran ineey soodiraan. Taasi wexey kadhigantahay keeyska ayaa ah mid fudud oo intervju ubaahneyn.
    Qofka sweden jooga iyo kan Afrika waa ineey isla soco siiyaan informationka kusaabsan suaalaha intervju ga.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  46. Xudayfa says:

    Dhuubane haa Hore waa looga qaaday dhiig iyo interview oo dhawr mar ayaa diidmo la siiyay sidaas awgeed Dacwad Cusub ayay xaraysteen sanadkan horaantiisii, halkii dhiig loo balamin lahaa waxay dheheen dhiiga waan haysanaa jawaabtiisa ee Suaalahaas uun kasoo Jawaab, Migration walaal taas waa khasab Kolay way wadaagayaan informationka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  47. dhuubane says:

    xudeyfa ilaah ayaaa ku celmi leh wax walba walal koley aniga marka sida ay iila muuqato qofkaas arinkiisa dee horay ayowba u dhamaaday macnaha qofkii mar hadii dna ga horay looga qaaday maloo baahan karo mar kale mida kale waxaa weyaan dhiiga ruuxiisa lacag badan ayaa lagu baaraaa marka wax danihi uguma jiraan in ay ku celiyaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  48. samiir says:

    Asxaabta suaal reerkeyga sanad kahor ee dhiiga Kampala ku mareen ana weli leyma soo tuurin dhiiga maxaa talo ii heysaan alle amuuraha hanoo wada fududeeyo aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  49. dhuubane says:

    dad badan ayaa jirah oo ay ku dhacday sheekadii 2 sano ee weliba dadkoodii horay DNA ga looga soo qaaday ee markaa qofkii oo DNA sugaya diidmo u timid marka su aasheyda wexey tahay qofkii arinkiisu sidaa aan ka soo hadlay ow ahaay hadana dib u xareeyey hada mudo 5 bil ka hor macnaha waxaa laga sugayey in safarada loo gudbiyo dacwada si qofkii xagaa joogey loola kulmo webka ayaa laga xareeyey macnaha sidaan horay aniga u ogaaay hadiii laga xareeyo online 2 week ka dib waa la gudbin jirey safaarada hada maxaaa is bedel ah fadlan qofkii arinkaa aqbaar ka hayah aan fegreda wadaagno mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  50. yahye says:

    Asc salaan ka dib walal xudayfa gabadhaas waqtiga warqada loo soo diray iyo waqtiga dacwada cusub xereeyen intee inleeg ayaa u dhaxaysay mida kale walaal su aalahaas hadaad aragtay maxaaa ka mid ahaa thnkz?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  51. Xudayfa says:

    Yaxye waxaaa u dhaxaysay 6 Bilood’ dacwada Goorta LA xareeyay iyo warqada usoo dhacday Ee Suaalaha ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  52. roodo says:

    asc dhamaantiin walalyaal dhubane walal ma adoo kiiskaga hanlegrkii laguu samuyaa oo dhiiginsugyaa lagu diiday mise adigon cida kiskaga hayso ogaan baa lagu diiday ii kala saar anigaa anigoo aan dhiigba gaarin onlinka naloga diidy 3jer waxii ka 2012ilaa2013/8 hadana waxan cusbonysiyey2014/12/3 hadna waxy balamisy xahigyga naagtii naloo qabty bishaan iny u so turyso dhiiga waanba shakiyo waxn is iri armay so wadaa diidmo aydon DNA qaadin markaa ii faah faahi warkaaga kkkkkk adoo raaliya celasha biyaha sanad danbe xarysn maayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  53. yahye says:

    Thnkz xudayfa walal gabadhas inaan isku mid nahay ayn u malayn oo dib ayn kaso xareeyey oo hada waxaa laga joogaa week markii aan soo maray DNA iyo interveiwgii marka waxan u baahnaa shanta su aalood hadad og tahay waxay yihiin.maxay kala ahaayeen adoo mahadsan hadanad ogayna ii so waydii walaal oo halkan noogu soo faa iidee jazaaka laah ukhtiii…..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  54. Cumer says:

    Rooda walaal Miyaanay war qad ninkaaga Boosta usoo dhigin oo Balantii Dheecanka iyo interview Ku qorantahay’ Sweden waa Meel baas oo Musuq maasuqa’ dad ayay dacwad iyo dhiig ka xaraynayaan kadib hal sano ayay LA maqnaanayaan qofkii oo daalay siduu u sugayay ayay diidmo iyo waxaan loo fadhiyin u dhiibayaan’ iminka waxaa Jira dad 5 sano iyo wax ka badan ay diidmo siinayeen walina ay kala maqanyihiin war Cad Meel maaha Ceelasha Biyuhu meel maaha walibana waxaa sii waali doona qaxoontiga Suuriyaanka ah in laiska dhaafay noqonaysa xaraynteeda Walaal Rooda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  55. roodo says:

    cumar wlaal wax warqd ahi ma aysan u iman wali laakiin naagtii bay wada hadlen waxyna ku tiri bishaan gudheda ayaan kuu so turynaa inshaa allah khayirka allaha naga wafjiyo filnkoda gaalo cid fahmi kartaa ma jirto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  56. jeeri says:

    Dadka Keesaskoda iyo intervju ga isku mid maha. Keesas ayaa fudud sida goaanka looga gaaro, kuwa kalena weey adagtahay oo baaritaan dheer ayee galaan. Tan labaad qofka kiiska haayo ayee kuxirantahay siduu mashquul uyahay. Hada qaxooti badan o syrian ayaa kusoo batay sweden marka iyaga ayee keesaskoda dadka kale kahormariyaan. Hala samro, qofkasta wixii u qoran wuu helayaa. Lycka till👍

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  57. dhuubane says:

    roodo walal hada mahan mahan wexey eheed 2012 xiligaas koley waad xasuusataa dad DNA maray ayaa loo diide 2 sano aawgeeed xiligaas ayaa reerkeyga DNa ga laga soo qaaday meeshii aan ka sugayey dhiig ayaa diimo la ii soo diray marka ka bacdii waanba iska dhaafay hada 5 bil ka hor ayaan hadana online ka xareeye ilaaa hadna wax aqbaar kama helin lakin hada 2 sano ma jirto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  58. dhuubane says:

    marka roodo ha niyo jebin sheekadii hore weeye walal roodo walal adiga oo mahadsan xiligaan danbe online miyaad ka xareysay hadiii aad xa xareysay mar labaad DNa ga malagaa qaaday waxaan u maleynaa aniga iyo adiga sheekadeena wey iska ag dhowdahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  59. Cumer says:

    Rooda Mahadsanid walaal alle wax khayr qaba ha inooga soo qaado oo gaal iyo Muslinba ha inoo sakhiro.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  60. roodo says:

    dhuubane anigu markii danbe waxan ka xarysty safrda ardisabab ayaan toos ugu tagy walal hadna waxy ii marysaa bishii 10naad baa ii socta 9marky ii buuxsntay hanlegar ii qabteen markii horena waxy xaajigyga ku yirahden waxay ku egtahy lix bilod hadna 9kii marky dhamty hanlegrkii qabten way is arken naagtii waxyna ku tiri bil gudahed baanu kugu so turynaa ilaajy baa ku shaqa leh walal yaal dhubane anigu niydaydu kumaba jirto inaan ku nolaado meshaa cayirta laga qadnayo lakiin ilma aan abihii kula hayin wax kastoo lagu siyo nolshu waa qabyo haduu odgii kaa ag dhawyin mgrty walal aniga somaliyaan jogaa oo ii shidan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  61. dhuubane says:

    walal roodo qof weliba waxaaa dhibaato ku ah kala noolaashada roodaay markaan danbe ee macnihii aad safarada tooska u tagtay D N A ga wey kaa qaaden mahan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  62. Cumer says:

    Rooda walaal Muhiimada meesha loo aadayaa maaha in kharash laga helo Ee waa in famlygu dhamaystiraado oo Kali noolaanshahaa dhiba’ dee kolba waa meeshii ilaahay wax kugu siiyo hadii Sweden aad sidaas uga Niyad jabsantahay ninka isaga kaalay dheh oo meel Ku wada noolaada Somaliana ha ahaatrr’ muhiimada ugu wayn waa in LA wada noolaado.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  63. roodo says:

    waa uu diidy meshaas baa u shidan cumar haduu rabo wadnka isma luren dhubane wax kaste waan maray walal2014/12/3

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  64. roodo says:

    cumar waan horda jeclahy aniga waxan ka baqyaa inay ilmaha iga qaataan shaqna maba la iigu tla galin kkkkkkkkk kkkkkkkk meshaasna ischool aa nafda lagag jaraa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  65. dhuubane says:

    runta in laga hadlaaa aad bey u wanaagsantahay roodo walal iskoolka wax baad ka baraneysaa adiga oo wax baranaya hadna lacag lagugu siinayo maxaaa ka wanaagsan somaliya waa dalkeeni waanan jecelnahay lakin cid ku leh wax baro caafimaad ma jirto marka sweden hadii qofku raboh in ow naftiisa hor mar gaarsiiyo dal fiican ooo jaanis badani ka jiro weeye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  66. Cumer says:

    Rooda Beentaa maaha walaahi Rafaad ayaa yaalo 5 habeenimaad kacaysaa maasaad ilmahana Daagas meel LA dhaho oo Caruurta lagu hayo Ku Turaysaa’ adna maasaad aadaysaa Faisal luuqada lagu dhiganayo adoo Nafa ayaad u imanaysaa caruurtii oo Silicday gaaladuna haday doonaan Hilib doofaar siiyeen amaba aan waxbaba cunin siduu u oyaya’ markaas meeshan dhibaa taalo walaal Somaliya Raaxo iyo hurdo lagama baxo’ Rafaad ayaa Europe yaalo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  67. asc walalyaal qod intii 2sano lagu xiary oo ilmahisii saxiixay oo dacwdisi so cusbonysiyey oo la oglaady hooyo ama abe yaa arky please fikirkina waa muhiim

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  68. asc walalyaal qof intii 2sano lagu xiray oo ilmahisii saxiixay oo dacwdisi so cusbonysiyey oo la oglaady hooyo ama abe yaa arky please fikirkina waa muhiim

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  69. 2SANO says:

    Asc HA U CAROON WAKHTIGA ANAA AQAANA INTA UU SAXIIXAY HADANA GADAAL DACWAD CUSUB KA XAREEYEY LOO OGOLAADAY XAASKIISA IYO QOF KALE OO HADA JAWAAB SUGA AH

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  70. aad baa u mahadsn tahy 2sano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  71. Aisha says:

    Aniga koow iyo bil ka hor ayaa xareeyay. ilaa hada weli anleegar leema sameyn. arkaan waca waa weli aye igu dhahaan. arintaas ka waran.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  72. Ayuub says:

    Asc. Waxa idinla wadagaa suaal?hadii jawaab wali Sugaa DNA Waxaa Maray mar hore ku dhawad 7 bil ka so waregatay wax jawab ah ma haayo arinksa ka Warama Marki Waco Sug ku hayaan Allah ka so qaado inti dhiban Allah noga Sahel

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0